Sign in to follow this  
Jacaylbaro

KULMIYE Donates to Lasanod TB Hospital

Recommended Posts

Xisbiga Kulmiye oo deeq xoolo ah gaadhsiiyey Qaybta TB da ee cisbitaalka Laascanood

 

 

Masuuliyiinta xisbiga siyaasiga ah ee kulmiye ee Gobolka sool ayaa maanta deeq xoolo ah gaadhsiiyay Isbitaalka laascaanood qaybta Tb-da iyo xabsiga magaalada laascaanood iyagoo ku tilmaamay in kharashkii kaga bixi lahaa ololaha oo xisbiga kulmiye u leh maanta ay garteen inay deeqda xoolaha gaadhsiiyaan dadka bukaanka ee ku jira qaybta Tb-da isbitaalka laascaanood iyo xabsiga oo ay ku xidhan yihiin dad muwaadiniin ah oo u baahan in wax kasta oo la tari karaba la gaadhsiiyo.

 

Ugu horayntii madaxda xisbiga kulmiye oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gobolka sool Bile X. xassan Gudoomiyaha ololaha xisbiga kulmiye gobolka sool Faarax jaamac colaad oo waheliyo Cabdilaahi xaaji oo ka tirsan golaha dhexe xisbiga kulmiye iyo masuuliyiin kale ayaa gudoonsiiyay Dr. cabdi maxmed buraale xoolo ay ugu talagaleen bukaanka qaybta Tb-da isbitaalka dhexe magaalada laascaanood iyagoo halkaasina khudbado ka soo jeediyay ay kaga hadlayaan xaalada isbitaalka laascaanood iyo waxyaabaha ay u qaban doonaan hadii ay ku guulaystaan jagada madaxxtinimo.

 

Waxaa isna halkaasi kaga gudoomay xoolaha loo waday bukaanka Dr. Cabdi Maxamed Buraale oo uga mahadceliyay xisbiga kulmiye deeqda xoolaha ay soo gaadhsiiyeen isbitaalka gaar ahaan qaybta tb-da.

 

Sidoo kalena Masuuliyiinta xisbiga siyaasiga ah ee kulmiye ee Gobolka sool ayaa xabsiga magaalada laascaanood gudoonsiiyeen xoolo ay ugu talagaleen maxaabiista ku jirta xabsiga magaalada oo u baahan daryeel joogto ah halkaasoo uu kaga gudoomay Taliyaha xabsiga magaalada laascaanood cabdi ciise isagoo sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo wax tarta maxaabiista oo sida uu sheegay ku jira dhisme qadiim ah oo marar qaarkiis laga baqayo inuu ku dumo maxaabiista.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this