Sign in to follow this  
General Duke

Gen Qaybdeed in Galkacyu..

Recommended Posts

Gaalkacyo: "Waxaanu wadnaa Walaaleynta ,Mideynta iyo nabad ku wada noolaashaha Umada gobalka Mudug" Kulan nabadeed dhexmaray waxgaradka Gobalka Mudug iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya.

 

23. juni 2007

 

AGaalkacyo(AllPuntland)- Xarunta dawlada Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa galabta ka dhacay shir looga hadlayay nabada gobalka Mudug.

 

Kulankaasi waxaa ka qeybgalay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ,kuxigeenkiisa Gen.Bashiir Maxamed ,gudoomiyaha gobalka Mudug C/rishiid Cali Xaashi (Dhuubane),gudoomiyaha golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo ahna duqa Magaalada Gaalkacyo Muxuyadiin Cabdi Biixi,waxgaradka gobalka Mudug.

 

Ugu horeyn kulankaasi waxaa ka hadlay duqa magaalada Gaalkacyo Muxuyadiin Cabdi Biixi wuxuu ka warbixiyey xaalada amaan ee magaalada Gaalkacyo iyo taariikho kala duwan oo ay soo martay.

 

Mr.Muxuyadiin Cabdi Biixi wuxuu sheegay in xiligan aysan amaan daro baahsan ka jirin Magaalada Gaalkacyo,balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay jiraan dad amaanka Magaalada khal khalgalinaya ,kuwaasna loo baahan yahay in wax laga qabto.

 

Gudoomiyaha gobalka Mudug C/rishiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo isna ka hadlay shirkaasi ayaa wuxuu sheegay in amaanka gobalka Mudug yahay mid wanaagsan loona baahan yahay in qeybaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo,ay ka qeybqaataan sidii kor loogu qaadilahaa.

 

C/rishiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo aan halkaasi hadal dheer ka soo jeedin ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay dawlada Soomaaliya,wax ka qabato hawlaha ka socda magaalada Gaalkacyo,gacana ka geysato.

 

Mid ka mid ah nabadoonada Magaalada Gaalkacyo ,oo ka hadlay shirkaasi nabadeed ayaa wuxuu ku dheeraaday arimaha kala duwan ee ka socda Magaaladan Gaalkacyo,wuxuuna sheegay in aysan haatan jirin amaan daro,balse wuxuu sheegay in ay jiraan taageerayaashii Maxkamadihii dalka laga saaray dad taageeraya ,doonaya in ay amaan daro ka abuuraan magaalada Gaalkacyo.

 

Nabadoon Cabdi Qurux wuxuu sheegay in loo baahan yahay in uu Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo arimahaasi wax ka qabto ,maadaama uu yahay masuulkii Booliska Soomaaliya ugu sareeyey ,yahayna masuulka soo jeeda gobalka Mudug.

 

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka soo jeediyey hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ayaa wuxuu ugu horeyn ka hadlay safarkiisii uu ku yimid gobalkan Mudug.

 

Gen.Cabdi Xasan Cawaale ayaa wuxuu ku tilmaamay booqashadiisa sidii nabada lugu wada dagan yahay magaalada Gaalkayo ,kor loogu qaadilahaa lana dhameyn lahaa arimo ka jira gudaha Magaalada Gaalkacyo.

 

Taliyaha oo guda galay hadalkiisa ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ciidamo gaaraya 240 Askari loo tababarayo Magaalada Gaalkacyo amaankeeda ,maadaama ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

 

"Dawlada Soomaaliya waxa ay uqorsheysay Magaaladan Gaalkacyo ,in loo tababaro ciidamo ka kala socda dhamaan beelaha wada daga Magaalada "ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya.

 

Taliyaha Booliska ayaa wuxuu dadweynaha weydiiyay su'aal ah sababta Gaalkacyo uyeelatay tababarkaasi wuxuuna ku sheegay in ay tahay magaalo ay wadagaan beelo kala duwan oo ka kala yimid 18 gobalka ee Soomaaliya.

 

"Gaalkacyo waxa ay ka mid tahay Magaalooyin faro ku tiris ah oo ay wada dagaan beelo Soomaaliyeed ,nasiibna Gaalkacyo waxa ay uyeelatay in loo tababaro ciidamo hoos taga dawlada FKMGS" ayuu yiri Gen.Cabdi Xasan Cawaale.

 

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen.Cabdi Xasan Cawaale ayaa wuxuu si weyn uga hadlay dagaaladii ka dhacay magaalada gaalkacyo,isagoo ugu baaqay dhamaan waxgaradka Magaalada in ay ilaaliyaan nabada.

 

Wuxuu intaas raaciyey taliyuhu in loo baahan yahay in dadka magaaladu iska dhex qabtaan ,dad yar oo doonaya in ay amaanka magaalada khal khalgaliyaan.

 

"Dhaqaalihii aan ku bixin jirney dagaalka ,dhimashada wiilasheena ,Reer Mudugoow aan ku bixino sidii nabada gobalka kor loogu qaadilahaa,oo looga bixi lahaa Gaalkacyo Koonfur iyo Waqooyi bay kala tahay,balse Gaalkacyo waa Gaalkacyo ayaan leenahay" ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya.

 

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen.Cabdi Xasan Cawaale ayaa wuxuu ugu baaqay ugu danbeyntii dhamaan waxgaradka Magaalada Gaalkacyo in la tirtiro wax la yiraahdo "Koonfur iyo Waqooyi" oo inta badan ay isticmaalaan dadka ka soo horjeeda nabada Magaalada Gaalkacyo.

 

Wuxuuna balan qaaday Genaraalku in ay dawlada Soomaaliya wax ka qabaneyso hawlaha kala duwan ee ka socda gobalka Mudug.

 

Kulankaasi oo qaatay mudo saacado ah waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiin kala duwan ,oo magaalada Gaalkacyo siweyn looga yaqaano.

 

Kulankaasi wuxuu ku soo gabagaboobay jawi aad uwanaagsan ,ayadoo amaanka ay sugayeen ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Duke:

Gaalkacyo:

"Gaalkacyo waxa ay ka mid tahay Magaalooyin faro ku tiris ah oo ay wada dagaan beelo Soomaaliyeed ,

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Wixii la rabo ayaa la iska dhahayaa, lana iska qorayaa

oo weliba la iska soo koobiyeynayaa. ninku ma wuxuu rabaa inuu noo sheego in Soomaaliya magaalo kasta uu hal qabiil un deggan yahay? Fara-kutiris ku lehe,...lol...maxaanse ula yaabayaa soo C/Yusuf oo weriyeyaasha ku lahaa Ingiriis qoladee ka tihiin madaxweyne uma ahan

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What are you talking about. The author of the piece intention was simple Galkacyu is a city were two major clans meet both from two major clan groupings. These clans are in competition, rivals in politics but managed to live in peace for a long time.

 

Another major example is Ceerigabo, but not many other cities of their sizes have such faultlines.

 

For example, Garowe, La, Cadaado, Guriceel, Beledweyne, Jowhar, Baidoa, all have single clan dominations.

 

Though Abwan seems to make a meal of simple comments.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this