Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Odayaal Dhaqameedyo Killed in Gedo

Recommended Posts

Odayaal dhaqameed kasoo jeeda Gobolka Gedo oo ku Mashquulsanaa Xalin nabadayn Labo beelood Oo dhowaan isku laayey Deegaanada kala qaybiya gobolka Gedo iyo Baay ayaa la sheegay In lagu laayey Deegaan U dhexeeya Gobolka Baay iyo Gobolka Gedo Halkasoo qay ku geeriyoodeen 5-kamid ah Odayaashaasi Halka la sheegay inay 7-kalena dhawac kasoo gaaray .

 

Dhimashada iyo dhaawaca Odayaal dhaqameedkan ayaa ka dambaysay kadib markii iyagoo ku Shirsan Goob ay markaas ku lafa Gurayeen xaalada nabadaynta Labada beelood ee dhowaan isku laayey deegaan daaqsimeedka ayaa waxaa weerar hubaysan kusoo qaaday Milayshiyo beeleed kasoo jeeda Gobolka Baay sida shabakada afnugaal ay u xaqiijiyeen Goob joogayaal ku sugan Gobolka Gedo oo aan khadka telefoonka Kula Xiriirnay.

 

Sidoo Kale Odayaal dhaqameedkan Oo dhamaantood kasoo wada Jeeda Beesha ***** ayaa Intii dhaawacantay waxaa La gaarsiiyey Magaalada Buurdhuubo oo aan sidaa Uga dheerayn deegaanka Odayaasha lagu laayey iyadoo la sheegayo in Halkaasi lagu dabiibayo .

 

Dhinaca kale Dhaq dhaqaaq Ciidan Urursi ayaa la sheegaya in laga dareemayaa Qaar ka Tirsan Deegaanka Gedo kadib markii ay Ka geeriyoodeen Odayaashan Shanta ka mid ahi ay geeriyoodeen 7 -kalena dhaawacu soo Gaaray.

 

Dhowaanahan waxaa Laga soo sheegayey Deegaanada kala qaybiya Gobolka Gedo iyo Bay Inay ka jireen Xiisado Colaadeed oo U dhexeeya beelo kasoo kala Jeeda beesha ***** ********* Iyo Raxan-weyn oo halkaasi deegaan daaqsimeed Ku diriray .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^^This news is reported by other websites as well..Ilaahay ha unxariisto Odayaasha meeshas ku dhintay.

 

ad reer miyi ah ayaa weerar ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Buurdhuube ee waqooyiga gobolka Gedo lagu dilay, iyadoo qaar kalana la dhaawacay, waxaana weerarkaasi geystay koox maleeshiya beeleed ah oo ka soo jeeda degmada Ufurow ee gobolka Bay.

 

 

Ugu yaraan 6 qof ayaa dhimatay, 7-kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii weerar gaadmo ah oo hubeysan lagu qaaday xalay odayaal dhaqameed reer miyi ahaa oo ku shirsanaa deegaanka Laan-Garas oo qiyaastii 55Km dhanka koonfureed ka xigta degmada Buurdhuube ee gobolka Gedo, kuna taal dhanka deegaanka Faan-weyn, dadkan la laayey oo dhammaantood ka soo wada jeeda hal beel ayaa sida ay sheegayaan wararka ka imanaya gobolka Gedo waxay geeriyoodeen kadib markii koox maleeshiya beeleed ah ay weerar gaadmo ah la beegsadeen xilli ay ku jireen kulan looga hadlayey arrimaha daaqsinka iyo sida dadka xoola dhaqatada ah ay u wadaagi karaan.

 

 

 

Lama garanayo sababta loo dilay dadkaasi, waxaana la soo sheegayaa in kooxda dilalkan geystay ay ka soo jeedaan degmada Ufurow. Guddoomiyaha degmada Buurdhuube C/laahi Maxamed Shakuul ayaa weerarka lagu laayey dadka reer guuraaga ah ku eedeeyey maamulka degmada ufurow ee gobolka Bay oo uu sheegay in uu isaga ka danbeeyo oo uu weerarka ahaa mid qorsheysan, guddoomiyaha ayaa xusay in baabuur ay u direen goobta ay wax ka dhaceen oo ah meel miyi ah si ay u soo qaadaan dadka dhaawacmay, loona daweeyo.

 

 

 

Dhacdadan ayaa waxay xiisado ballaaran ka abuurtay degmooyinka gobolka Gedo oo ay degto beesha ay u dhasheen ragga la dilay, degmooyinka Garbahaarey, Buurdhuube iyo Baardheere ayaa warku intaas ku darayaa in laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ku wajahan deegaanka Laan-Garas oo ay shaqaaqadu ka dhacday.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee weerarkan ayaa la sheegayaa in uu noqan karo mid saameyn yeesha. Inta badan dadka xoola dhaqatada ah ayaa waxaa dhexmaro khilaafyo salka ku hayo aanooyin qabiil, sheegasho dhulal daaqsin ah iyo kuwa waro-biyoodyo ay ku yaalaan.

 

 

 

 

Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

^ Ilaahay ha u naxariisto. War Dhubad meesha wax dhiig leh adaa joogee, yaan lagu waayin dee!!

 

Sawirkaaga Jaadkiisa

Casaankeeda Cumaamadaada

Cabirkiisa Qorigaaga

Marka aan jaleecabaa

Farxad baan Jiboodaaye

Farxad baan Jiboodaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this