Sign in to follow this  
General Duke

Barava: Worse than before elders meet Clan Courts looking for answers.

Recommended Posts

source

 

 

buuwe_11866wirethumb.jpg

 

digil5_11866wirethumb.jpg

 

 

Nabaddoonada Reer Baraawe: “Sidii Hore Si Ka Daran Ayaa Naloo Haystaa”.

 

 

Mudane Jeylaani (dhaxda) oo Ka Qeybgalaayey Shirkii Isku-Xirka Aw-DIGIL. Suldaan Buuwe Oo Midigtiisa fadhiya. (Daar-us-Salaam).

 

 

Shirar Isdabajoog Ah Ayaa Beryahaanba Beelaha Digil Ku Qabanaayeen Magaalada Muqdisho.11/22/06

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

 

Odeyaal dhaqameedka ugu sarreeya Degmada Baraawe oo muddo saddex toddobaad ah u joogey dacwooyin ay ka qabeen ciidamada qabsadey degmadooda ayaa waxay shirar isdabajoog ah la yeelanayeen si gooni-gooni ah mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Golaha Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed iyagoo kaga ashakatoonaayey caddaalad darrida dhinaca ‘maamulka’ ee ay ku kaceen ciidamadaas. Hase yeeshee mas’uuliyiinta Maxkamadaha qaarkood ayaa sheegey inay ‘maamul’ sharciyeysan oo ay ka warqabaan uusan ka jirin Degmada Baraawe. Mas’uuliyiintaas oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka Koowaad (Jinaqoow), Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur) :eek: iyo kuwo kale ayaa ku andacoodey in wax maamul ah aysan weli ka dhisneyn sida ay la socdaan oo kan ismagacaabey uu yahay mid aan sharciyeysneyn oo iskooda ismagacaabey. :confused:

 

Haddaba Nabaddoonnada ayaa kulankii u dambeeyey waxay la yeesheen mas’uulka u sarreeya Ammaanka Maxaakiimta, Yuusuf Siyaad ‘Indhacadde’, waxayna u gudbiyeen cabashadooda iyo waxa ay magaalada Muqdisho u yimaadeen, iyagoo og halka uu caddaaladda ka joogo ‘Indhacadde’, waxayna u sheegeen in maamul ku sheegga halkaas ka taliya aysan aqoonsaneyn, islamarkaasna u dulqaadan doonin sii joogistooda.

 

Intaas ka dib ‘Indhacadde’ wuxuu odeyaasha u sheegey inuu ‘maamulka’ cusub ee gobolka Shabeellada Hoose uu diyaar yahay islamarkaasna uu miiska saaran yahay, dadka aad ka cabaneysaanna kuwaas ayaa lagu beddeli doonaa, taas oo la yaab ku noqotey nabaddoonnada.

 

Waxay Nabaddoonnada ‘Indhacadde’ su’aaleen sida ay ku dhici karto in ‘maamul’ aan wax laga weyddiin Odeyaasha, Culumada iyo Siyaasiyiinta Degmada iyo Gobolkaba uu miiska u saarnaan karo iyo muxuu kaas kaga duwan yahay kan aay ka dacwoonayaan?

 

‘Indhacadde’ assagoo aan jecleysan su’aashaaas ayaa ku jawaabey:

 

“16 sano ayaa dhibaato idin haysatey, una dulqaadaneyseen. Ciidankaasna waa kuwii xukunkii Dhuxuloow idin ka qaadey, haddeerna maaamulka Maxkamadaha ayaad hoos imaaneysaan. Islaamka dhulkiisu waa isku mid ee sidaas ku qanca oo guryihiinna ku laabta”.

 

Samaddoonnada oo aan warkaas ku qancin ayaa su’aal labaad ku celiyey oo yiri:

 

“Deegaannada kale ee Maxkamaduhu tageen ama laga dhisey maamul dadka iska leh ayaa lala tashadey, dabadeedna maamulkooda sidaas loogu dhisey. Markaas haddiiba arrintu sidaas tahay maxay kaga duwan tahay middiii 16 ka sano aan ku jirney ee xoogga ku dhisneyd?”

 

Indhacadde oo su’aashaas aad uga xanaaqey ayaa ku jawaabey:

 

“Maamulkaas Maxkamadaha ayaa dhisaya cidna looga hibeysan maayo ee sidaas ogaada. Dacwooyinka aad waddaanna iska daaya deegaannadiina ku laabta”, ayuu warkiisa ku soo xirey ka dibna sidaas ayaa lagu kala tagey.

 

Nabaddoonada oo kulankaas ka dib warka siiyey shabakadda warbaahinta ‘DMC’ ayaa sheegey inay xeerada u dambeysa ee mas’uuliyiinta sare Maxaakiimta soo taabteen, waxayna caddeeyeen inay isku xiran yihiin qolada Baraawe xoogga ku maamuleysa iyo kuwa Muqdisho oo ay dacwo ugu yimaadeen, waxayna sheegeen in:

 

“Digil Odeyaashiisa, Culumadiisa iyo Siyaasiyiintiisaba aan wax dan iyo talo midna looga baahneyn ee iyagu sida ay doonaan ka yeelayaan. Sidaas darteed dadka Gobolka haddii ay sidaas raalli ku noqdaan iyo inay ka gilgishaan iyaga ayay u taallaa, annaguse waxaa noo caddaatey in sidii 16ka sano naloo haystey si ka daran naloo qabsadey”, ayay warkooda ku soo xireen.

 

Waxaa noo suurta gashey in aan wareysi dheer la sameeysanney mid ka mid ah Waxgaradka Reer Baraawe.

 

Mudane Jeylaani Maxamed Ofoow oo ka tirsan Siyaasiyiinta Beesha ayaa shaley wareysi dhinacyo badan taabanaya ay la yeelatey Shabakadda Warbaahinta DMC. Wareysiga ayaa wuxuu ku saabsanaa guud ahaan xaaladda Siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan Gobollada Koonfurta Soomaaliya, isbeddelka dhacey sida ay saameyn ugu yeelatey Gobollada Koonfur, sida uu u arko xaaladda Gobollada koonfurta gaar ahaan Shabeellada Hoose, wax faa’ido ah oo u soo kordhey dadka Gobolka degan iyo halka ay mareyso midnimada Beelaha Koonfurta Soomaaliya iyo sida looga badbaadi karo khatarta dhul iyo maamul-boobka ee ka jirta Gobolladooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wareysiguna wuxuu ku billowdey sidan:

 

DMC: Mudane Jeylaani waddanka isbeddel baa ka dhacey, gaar ahaan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Adigu siyaasad ahaan sidee baad u aragtaa?

 

Jeylaani: Waa run waddanka wax weyn ayaa iska beddeley, sida nabadgelyada, midnimada siyaasadda intaba. Waxaan oran karaa in isbeddel loo baahnaa uu ka dhacey. Waxaana isbeddelkan sabab u ahaa kacdoon ay sameeyeen shacabka Soomaaliya ku nool oo ay hormuud ka ahaayeen Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed. Waxaana la oran karaa waa kacaan Islaami ah ee Soomaaliya ka dhacey, haddii sida uu u dhacey loo xoojiyo, kitaabka Allana si run ah loogu dhaqmo, lagana fogaado in laga beensheego waa wax aad loogu baahnaa, gaar ahaan dadka Koonfurta Soomaaliya oo lagu hayey caddaalad darro aad u badan.

 

DMC: Mudane waxaan ka warqabnaa in Gobollada Koonfurta Soomaaliya ee aad ka soo jeeddo ay ‘maamuleeysey’ beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed. Inta uu kacdoonku socdey illaa haddeerna iyadoo ‘maamulka’ Gobolkaas ka talinaayeyna uu qayb ka ahaa kacdoonka Muqdisho. Markaas ma waxaad leedahay waa sax sida ay wax ku socdaan oo dhan?

 

Jeylaani: Walaal wixii socda waay wada saxan yihiin anigu ma lihi. Maamulkaasna ma ahayn mid ay sameysteen dadka Gobolka u dhashey ee waa mid si xoog ah lagu dhisey. Annagu dadka Gobolkaas waxaan fileyney inay Maxkamaduhu ay la wareegaan sida ay ula wareegeen Gobollada kale, islamarkaasna maamul ay dadka deegaanadaas raalli ka yihiinna la sammeeyo sida ka dhacdey Gobollo fara badan. Laakiin weli taas ma dhicin. Weli waxay sheegeen hadallo aan u aragney meel ka dhac inay tahay, kaas oo ah inuu ‘maamulkaas’ ka mid yahay Maxkamadaha. Taas ma aha mid caddaalad ah raallina kama nihin. Waxaan u aragnaa mid loogu daneeynaayey qabiil gaar ah. Haddii ay sidaas aheyn Gobollada Jubbooyinka maamulka ka jirey wuxuu ahaa mid kan oo kale oo weli waxay gacansaar la lahaayeen Maxkamadaha Islaamiga. ‘Maamulkaas’ si xoog ah ayaa loola wareegey sax iyo khalad waxa ay tahayba si deg-deg ah ayaa maamul looga dhisey. Maxaa kan looga wareegey? Marka anigu waxan u arkaa inay sax ahayn tallabada Maxkamaduhu ka qaateen Gobolka Shabeellada Hoose.

 

DMC: Mudane waxaad ka war hasyaa in ‘maamulka’ Gobolka Shabeellada Hoose lagu wareejiyey Golaha Maxkamadaha Soomaaliyeed 30 Sebtember. Tan iyo markaas maxaa iska isbedeley Gobolka?

 

Jeylaani: Waxaa keliya oo isbeddeley waxaa la qaadey isbaarooyinka yaalley wadooyinka Gobolka isku xiraayey, laakiin howllihii kale wax iska beddeley ma jiraan; xitaa meelaha qaarkood sida Baraawe oo kale sidii hore wax ka daran ayaa yimid. Canshuuraadkii la qaadi jirey waa sidoodi. Dadkii ka talin jirey waa sidooda, illaa hadda iima muuqdaan wax isbeddel ah.

 

DMC: Jeylaani waxaan maqley in ‘maamul’ loo sammeynaayo Gobolka Shabeellada Hoose. Maadaama aad tahay siyaasi [local] maxaad kala socotaa arrntaas?

 

Jeylaani: Arrintaas waan maqley xitaa waan dabagalley ee waa arrin jirta. Wax dadka lagala tashtey oo xitaa la wareeystey ma jirto. Weli arrintaas waxaa si gaar ah u wada Yuusuf ‘Indhacadde’ asagoo wakiil ka ah Maxkamadaha, si dadbanna weli ka taliya oo ‘maamula’ Gobolka.

 

DMC: Hadda ma waxaad na leedahay wax [local] ah oo mas’uul ah oo la garanaayo oo arrintan lagala tashtey ma jiraan?

 

Jeylaani: Xaqiiqdu waa sidaas. Waxaan ogahay dadka Baraawe iyo Degmooyinka kale qaarkood looga yeerey oo lala tashtey dhammantood waa Beelaha[armed clans]. Wax dadka deegaanka ah oo mas’uul ah ama wadaad ah oo la garanaayo, laguna kalsoonaan karo oo arrintaas wax laga weydiiyey ma jiraan, waana midda keentey inay Odeyaal badan oo Nabaddoonno ah ay Muqdisho u yimaadeen iyagoo dacwoonaya, wax ashkatadooda laga qabteyna ma jiraan.

 

DMC: Haddiiba arrintu sidaas tahay Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Culumada Beelaha[local] hadaad tihiin maxaad ka yeeleysaan haddii ay arrintu sidaas ku dhaqangasho?

 

Jeylaani: Waxaan ku xusuusinayaa inay dhammaan dadka wax garta ee Beelaha aad sheegeyso baraarugeen meel kastana ay dacwad gaarsiiyeen, shirar badan oo isdabajoog ah ku leeyihiin magaalada Muqdisho, si midnimo ahna looga hortago waxa hadda socda. Waxaa la go’aansadey, baaqyo badanna laga soo saarey; xitaa idinka ayaaba goobjoog ka ahaa shirarkaas qaarkood. Baaqyo kale oo aan gacanta ku haynona waan idin soo gaarsiin doonnaa Insha Allaah.

 

DMC: Is aragga Beelaha beryahan aad ayuu u socdaa ee haddii taladiinna iyo baaqyadiinna la dhageysan waayo oo ‘maamulka’ Gobolkiinna la idin la tashan waayo maxaa idiin qorsheysan inaad sameysaan?

 

Jeylaani: Wallaahi wax badan ayaa noo bannaan, laakiin marka ugu dambeeysa ee aan quursanno ayaad arki doontaa waxa aan sammeynno. Haddeer kama hor dhacaayo. Waxaan aaminsanahay haddii Kitaabka Ilaahey laga been sheego oo dhinac laga qaato dhinacna la iska daayo in si weyn loo arki doono, weli si ka daran sidii ay u burbureen Hoggaamiye Kooxeedyada Soomaaliya. Waxaan kuu sheegayaa haddii ay Golaha Maxaakiimtu ka leexdaan caddaaladda Islaamku farey inay u burburi doonaan si ka daran burburkii Isbaheysiga sharta ah ahaa ee ‘La Dagaallanka Arggagixisada’.

 

Oofoow oo warkiisa sii wata ayaa yiri………La soco mar kale:

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I believe that the problem of governing is the real threat for SSICU.

Government is always a dangerous job. What was a saint can become a devil the next day, dur to some decision of water well, farmland, charcoal..etc.

 

This is the main reason SSICU wants to focus everything on ethiopia and nothing else. The day they don't mention ethiopia they will be challenged about government. That scares them more than anything else.

 

The day they stop their shouts on ethiopia, will be the day the people will ask them - are you a state government or trying to be a government for all somalia. Thats a question they hope will be hidden and not asked by the anti-ethiopia fridays.

 

All things have to come to an end or take a break. The ethiopia this ethiopia that false propaganda will also come to stop or temporary break. At that time the SSICU has to come clean with whats that they are intending to do and what is their contribution to reconstituting somalia.

 

That will be the checkmate. Now they are fighting to capture all somalia, but at that time they will be fighting to hold on to what they have now and in dire straights to be governors of a state and probably a city state at that.

 

Welcome Mugadishu. Have a visit to Addis Ababa. Addis Ababa the center of power in ethiopia for a century has gone through and still going through the loss of power to the villagers, outerlanders, illitrates, sheep herders...etc.

It looks like Mugadishu needs to have a chat with Addis Ababa to lesson the pain and cry of losing power to what were considered lesser something.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^Friend, note that none of the so-called nationalist, Somali's in here. The pretenders will never engage in this issue..

 

They claim to have the lord on their side, justice on their side. But they refuse to see the damage these fake wadaads, warlords have done to the people.

 

IndaCade, Abdiqasin, Xasan Dahir are the occupiers of the lower shabbele, no one else wants their occupation..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this