Sign in to follow this  
General Duke

Libiya: More talks...

Recommended Posts

Liibiya oo kulansiinaysa madaxweyne Yuusuf, R/Wasaare Meles Zenawi iyo Sh. Xasan Daahir.

 

 

 

Tripoli:-Dawladda Liibiya ayaa isku dayaysa in si foolka fool ah ay isu soo horfariisiso madaxweynaha dawladda Fs C/llaahi Yuusuf Axmed, R/wasaaraha Ethioipia Meles Zenawi iyo guddoomiyaha golaha shuurada maxkamadaha islaamiga Sheekh Xasan Daahir Aweys xilli ay kawada qeyb galayaan munaasabad lagu maamuusayo sanad guuradii 7aad ee ka soo wareegatay markii magaalada Sirta ee dalka Liibiya lagaga dhawaaqay dhismaha midowga Africa.

 

Wargayska Al-sharqal Awsat oo soo xiganayay ilo wareed Soomaali iyo Liibiyaan ah ayaa sheegay in dawladda Liibiya ay doonayso in ay kulansiiso 3daasi masuul si xal looga gaaro dhibaatada ka aloosan dalka Soomaaliya, ayadoo madaxweynaha Liibiya Mucammar Qadaafi uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo madaxweyne Yuusuf iyo Meles Zenawi.

 

Warkan uu qoray wargayska ayaa ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo raysal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ay marti qaad rasmi ah ka heleen dhigooda dalka Liibiya, ayadoo sidoo kale munaasabadaasi lagu casuumay masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga sida Sh Xasan Daahir Aweys iyo Sh Shariif Sheekh Axmed, taasoo dad badan ay hadal hayaan sababaha ka danbeeya casuumaadan loo wada fadiyay dawladda Soomaaliya iyo maxkamadaha islaamiga.

 

Hadii dawladda Liibiya ay ku guulaysato in ay kulansiiso dawladda Fs iyo maxkamadaha islaamiga waxa ay noqoneysaa kulankii ugu horeeyay oo dhex mara masuuliyiinta ugu sarreysa maxkamadaha iyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf, xilli wufuud kakala socota labada dhinac heshiis hordhac ah ay ku gaareen magaalada Khurtuum todobaadkii laga soo gudbay.

 

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net,Tripoli,Liibiya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liibiya Oo Markii Ugu Horeysay Kulan Fool-ka-Fool ah Isugu Keenaysa Madaxweyne Yuusuf, Sh. Xasan Daahir Aweys & Meles Senawi.

Posted to the Web Sep 09, 02:48

 

 

Tripoli-Jamaahiriyadda Dalka Libya ayaa markii ugu horeysay qaadaysa talaabo wax ku ool noqon karaysa oo ay ku doonayso in kulan sedex-geesood ah ay isugu keento Madaxda Dowladda Soomaaliya, Ethiopia iyo Maxaakimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed.

 

 

Sida ay saakay qortay Jariiradda Al-Sharqal Awsat ee kasoo baxda Magaalada London Dowladda Libya ayaa dhexda u xiratay haatan sidii ay madal qura isugu keeni laheyd si ka fool ka fool ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Golaha Shuurada Maxaakimta Islaamka Sheikh Xasan Daahir Aweys iyo R/wasaaraha Ethiopia Ato Males Zenawi oo saaxiintinimo soo jireen ah ay kala dhaxayso Madaxweyne Yuusuf.

 

 

Mas’uuliyiintan ayaa sida ay Jariiradu sheegtay waxa ay martiqaad rasmi ah ka heleen Madaxweynaha Jamaahiriyadda Dalka Libya Col. Mucamaral Qadaafi, oo ku casuumay in ay kaqeybgalaan Munaasabad lagu maamuusayo aasaaska Ururka Midowga Africa oo dhidibada loo taagay sanadki markuu ahaa 1999-kii.

 

 

Shalay ayaa Wufuud Maxaakimta ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Madaxda Golayaasha Shuurada iyo Fullinta Sh.Xasan Daahir Aweys Iyo Sh. Shariif Sh. Axmed oo ay weheliyaan Siyaasiyiin can ah waxa u kicitimeed Dalkaasi Libya.

 

 

Wararkii ugu dambeeyeyna waxaa ay sheegayaa in Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed uu saacadaha soo socda ka ambabaxayo Magaalada Baydhabo isagoo kusii jeeda Dalka Libya.

 

 

Crisaaq Claahi Maxamed

 

 

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiya Golaha Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u dhoofay Liibiya.

Jimco,Sept,8,2006 Hobyoradio

 

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka dhoofay garoonka caalamiga ah e magaalada Mogdisho asagoo ku si jeeda wadanka Liibiya, halkaa oo ay ka heleen marti qaad.

 

Wafdigaan uu hogaaminayo Shekh Shariif ayaa waxaa ka mid ah madax weynihii dowladii Carta C/qasim Salaad Xasan, Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Aways, Guddoomiye ku xigenkii hore ee Baarlamaanka Abroone Amiin iyo Siyaasiga caanka ah Xuseen Xaaji Bood.

 

Wafdigaan oo martiqaad ka helay dowlada liibiya ayaa ayaa lasheegayaa in ay ka qayb galayan sanad guurada Ururka Midowga Afrika oo ka dhici doona barrito wadanka Liibiya, inkastoo aan markii hore lashaacin waxa ay u safrayaan wafdigaa ayaa haddana waxaa xaqiiqa ah in ay u socdaan in ay ka qayb galaan Munaasabada sanad guurada Ururka Midowga Afrika .

 

wafdigaan ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa iyo labaatameeyo ruux, waxaana ka mid ah arday deeq waxbarasho ugu socota wadanka Liibiya iyo qaar ka tirsan ciidamadii Midowga Maxaakiimta ee ayagu ku dhaawacmay dagaaladii ay maxaakimtu horey ugaleen oo gaaraya 11 xubnaad.

 

Caamir Muuse.Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this