Cowke Posted July 1, 2010 Wafdiga ka socda Puntland ee ku sugan Ethiopia oo kulan la qaatay Dowladda Ethiopia July 1, 2010 Wefdi ka socda Dowladda Puntland ee uu hogaaminaayo Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland ayaa intii ay ku sugnaayeen wadankaasi Itoobiya kulan saddex geesood ah qaateen madax ka kala socotay Itoobiya iyo dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya. Wasiirka amniga Puntland oo ka mid ah wefdigaasi oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in kulan mudo laba maalmood soconaayay ay la qaateen madax ka kala socotay Itoobiya iyo dhulka ismaamulka Soomaalida,kaas oo ka dhacay degmada Diridhabe. Wuxuu sheegay in kulankaasi ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne kuxigeenka Puntland,Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosh,Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Faarax Aadan iyo madaxa la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Khaliif Ciise Mudan,halka Dowladda Itoobiya uu kulankaasi u matalaayay Wasiiru dowlaha arimaha dibada ee Itoobiya iyo masuuliyin kale. Gen.Yuusuf Axmed Kheyr ayaa xusay in dhinacyadaasi ay isku raaceen ka wada shaqaynta xirrirka labada dhinac iyo iska qabashada cidii khal khal gelinaysa nabadgalyada,wax ka qabashada dadka kasoo qulqulaaya Itoobiya ee kusoo qulqulaaya Puntland,iskaashiga dhanka socdaalka,bilowga xirrir u dhaxeeya Puntland ismaamulka Soomaaliya Itoobiya oo aan hore u jirin iyo sidii ay dib la isugu celin lahaa hantidii lagu kala qaatay dhowaan shaqaaqadii ka dhacday degmada Buuhoodle ee dhexmartay Dowladda Itoobiya iyo dadweynaha degmadaasi. Waxaa uu intaasi ku daray Wasiirku in dadweynihii iska lahaa hantidii Ciidamada Itoobiya ay ka qaateen degmada Buuhoodle dhowaan la filaayo in dib loogu wareejiyo hantidaasi. Wasiirka amniga ayaa sheegay in muhiimada ay u tageen dalka Itoobiya ay intooda badan ay soo afmeereen hase yeeshe ay filayaan in kulamo kale ay la qaadan doonaan madaxda Itoobiya oo looga hadlaayo arimo khuseeya Puntland iyo Itoobiya. Dhanka wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed khaas ahaan dadka reer Puntland ugu hambalyey maalinta weyn ee 1-da Luulyo oo ah maalin muhiimad u xambaarsan shacabka Soomaaliyeed maadama ay tahay maalintii ay midoobeen gobolada Waqooyi iyo Koonfurta isla markaana xornimada ka qaateen gumeystihi. Wefdiga ka socda Xukuumada Puntland ee ku sugan degmada Diridhabe ee dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa la filaaya in ay dib ugu noqdaan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 1, 2010 Dowlada Puntland oo lagu soo wareejiyay Hanti ay lahaayeen dadka Buuhoodle Wafdi ka socda Maamulka Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Gen C/samad Cali Shire islaamrkaana ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan golaha xukumadaasi ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Adiss ababa ee caasimada Dalkaasi Itoobiya. Wafdigaasi ayaa 2 maalin oo socdaal shaqo ah ku joogay magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida itoobiya waxaana halkaasi si rasmi ah loogu wareejiyay Gaadiid iyo hanti ay iskalahaayeen dad degen degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn ka dib markii ciidan Itoobiyaan ah oo halkaasi tagay ay ka soo qabqabteen . Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire oo la hadlayay isagoo ku sugan Adiss xafiiska SBC ee Buuhoodle ayaa arintan u xaqiijiyay isagoo sheegay in gaadiidkaasi ay ku soo fool leeyihiin gobolka islamarkaana ay la socoto lacag gaareysa 14.000 oo doolay oo ay leeyihin dadka reer buuhoodle taas oo ka mid aheyd waxii ay ka qaateen ciidamada itoobiya Buuhoodle. Si kastoo ay ahaataba waxaa lagu wada saacadaha soosoda in buuhoodle ay soogaaraan gaadiidka iyo hantidaasi waxaana la sheegay in ay ka soo ambabexeen magaalada Jigjiga iyadoo dadkii lahaa hantidaasi ay ku diyaar garoobeen xadka buuhoodle ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Ugu dambeyntii arintan waxaa siweyn u soo dhaweeyay dhamaan waxgaradka gobolka iyagoo ku tilmaamay in ay talaabadani tahay mid guul u ah masuuliyiinta sar sare iyagoona uga mahadceliyay maamulka Puntland talaabadan ay qaadeen. SBC International Buuhoodle Quote Share this post Link to post Share on other sites