Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Villa Somalia Under Attack

Recommended Posts

Xoogag Al Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Xarunta madax tooyada ee Villa Soomaaliya

 

Dagaal u dhaxeeyey ururka Al Shabaab iyo ciidmada dowlada ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo fariisimo ciidamada dowlada ay ku leeyihiin isgooysyada Falorenza iyo Zayidka ee magaalada Muqdisho.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu bilowday abaaro 2-dii saqda dhexe ee xalay kadib markii ay xoogaga Al Shabaab weerar qorsheeynsan ku qaadeen fariisimo ciidamada dowlada ay ku leeyihiin isgoyska Florenza,Zayidka iyo xarunta madaxtooyda ee Villa Soomaaliya,waxaana weerarkaasi ka dib goobahaas ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo xoogag Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ahaa mid la isku weeydaarsaday madaafiicda fara badan kuwaasi oo aan si rasmi ah loo ogeeyn khasaaraha uu u geeystay kooxihii dagaalamayay iyo dadka rayidka ah,waxaana dagaalku inta uu socday sedax Madfac ay ku dul habsadeen guryo ku yaalay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kuwaasi oo xiligaas dad rayid ah ay jiifeen walow aysan qofna ku waxyeeloobin madaafiicdu.

 

Saraakiil u hadashay ururka Al Shabaab oo la soo xariirtay idaacada Shabelle ayaa waxaa ay sheegteen in dagaalkii xalay ay ciidamada dowlada ka dileen askara fara badan islamarkaana ay ka riixeen fariisimihii ay ku sugnaayeen walow aysan jirin war badax banaan oo arintaasi cadeeynaya.

 

Xaalada goobihii ay dagaaladu xalay saqda dhexe ka dhaceen ayaa saakay degen inkastoo la maqlayo risaas ay ciidamada dowlada jihooyin kaladuwan u ridayaan kuwaasi oo aan la’ogeeyn hadii ay khasaare geeysteen,waxaana weerarka Al Shabaab ay xalay ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowlada ay leeyihiin uu qeeyb ka noqonayaa weerarda xoogaga hubeeysan ay ku qaadaan goobaha ay deganyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya.

 

 

Shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this