Xaaji Xunjuf Posted February 12, 2010 In Golaha Khusuusiga aanu ka mid noqon: 1- Qof xil ka soo qabtay Puntland ama Soomalidiidka ha yaraado xilkaasi ama ha weynaadee. 2- Qof xiriir siyaasadeed ama xiriir saaxiibnimo ama xiriir dhaqaale la leh ama la lahaan jiray labadaas maamul. 3- Qof lagu tuhunsanyahay inuu fikir ahaan iyo siyaasad ahaan u xaglinayo labada maamul midkood. 4- Qof shikhsiyadiisu u muuqan karto inuu yahay qof dhaqaale ama jago ama caadifad labada maamul ku jidan karaan. 5- Qof ka qayb qaatay kala qoqobka Beesh ssc iyo isku dirkiisa. 6- Qof leh iimo kale oo Isimadu u arkaan in qofka lihi aanu xilkaas qaadi karin. Iyagoo habka ay doonaan fikrada u gaarsiinaya cidda xubnaha soo xulaysa, waxa haboon in Isimadu arrintaas si deg deg ah wax uga qabtaan. Hadii dad aan xubin-nimada u qalmin ama hagardaamo Beesha ssc wadaa Golaha Khusuusiga soo galaan waa in Isimadu ogaadaan in cidda la eedayndoona iyaga noqonayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites