Sign in to follow this  
Somali_Patriot

Muqdisho LEADERS take action.

Recommended Posts

Hogaamiyeyaasha hubeysan ee wasiirada ah oo maanta lagu wado in 85 baabuurta tiknikada ah ay isugu keenaan Garoonka Stadio Muqdisho

Muqdisho

 

 

Waxaa sida ay horay u balanqaadeen lagu wadaa maanta in ay isugu soo uruuriyaan hogaamiyeyaasha hubeysan ee Muqdisho ee ku jira labada gole ee dowladda 85 baabuurta tiknikada ah oo ay qorsheynayaan in ay ku howlgalaan, kuna sugaan nabadgeylada Muqdisho ciidamo isugu jira maleeshiyo & boolis kuwaasoo la isku dhafi doono, lana geyn doono xerooyinka ciidamada halkaasoo lagu siinayo tababar, kadibna waxey howlgalo nabadda lagu sugayo ka qabanayaan magaalada gudaheeda.

 

 

Xubnahan hogaamiyeyaasha ah ayaa horay maalin ugu qabtay isku keenida baabuurta tiknikada ah, waxeyna mar kale dib u dhigeen maanta, iyadoo xubnaha hogaamiyeyaasha ah ee qeybsaday baabuurta tiknikada ah ay ka mid yihiin Muuse Suudi, Max’ed Qanyare, Cusmaan Caato, Max’ed Jaamac Furux, Bashiir Raage, Cumar Filish, Bootaan Ciise Caalin & xubno kale, waxaana jira cadaadis xubnahani ay saarayaan xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho oo doonaya in ay fuliyaan qodobada heshiis-kii ay ku saxiixeen Nairobi.

 

 

Magaalada Muqdisho ayeysan waxba iska bedelen ammaankeedii tan & markii ay dib ugu soo laabteen hogaamiyeyaasha hubeysan ee wasiirada ah, iyadoo qeybo ka mid ah isgoysyada magaaladana ay lacago baad ah ka qaataan baabuurta BL-ka ah maleeshiyooyin hubeysan oo ka amar-qaata hogaamiyeyaasha kooxaha kuwaasoo mararka qaar dhibaatooyin kala duwan u geysta rakaabka saaran baabuurta ay lacagaha baada ah ka qaadanayaan oo haddii ay ka waayaan ay rasaas ooda uga qaadaan taasoo marar badan dhacday, sababtayna dhimasho & dhaawac soo gaaray rakaabkii saarnaa baabuurtaasi, mana jiro hal hogaamiye oo ka mid ah xubnaha heshiiska lagu nabadeynayo Muqdisho saxiixay oo maleeshiyadiisa ka saaray goobihii ay ku sugnaayeen, waxaana sidoo kale weli ka muuqanaya isbaarooyin ilaa 4 gaaraya waddada u dhexeysa Afgooye & Xamar, iyadoo waddadaasi ay horay u daadsanaayeen ilaa 12 Isbaaro, dhowaanna laga qaaday qeybo ka mid ah sbaarooyinkii badnaa, basle waxaa weli ay ku sugan yihiin jid-gooyooyin Ex. Warshadii Daawada, Xaruntii Ciidamada Asluubta, Koontaroolkii Afgooye & Albaabka laga degmada Afgooye.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan Mogadishu-Soomaaliya

 

Cabdishakuur48@hotmail.com

 

 

 

 

Ku noqo beejka

-----------------------------------------------------

 

 

85 ka mid ah Baabuurtii dagaalka oo hadda ku sugan Istadiyo Muqdisho

Muqdisho

Baabuurtii dagaalka ee loogu tala galay sugida amniga magalada Muqdisho oo haataan intii badneyd ay soo gareen goobahii loogu talagalay ayagoona inta kale ay soo garayaan wax yar kadib ,Baabuurta hadda taala ayaa waxaa keenay wasiirka howlaha guud iyo wasiirka ganacsiga Muuse Suudi, Xildhibaan Injineyr Cadow halka kuwa wasiirka aminiga Qaranka ay ku soo food leyihiiy wax yar kadib sida uu qadka taleefoonka igu sheegay taliyaha labaad ee gudiga loo xilsaray in wax ka qabtaan amiga magalada Muqdisho

 

Dadweyne aad u fara badan ayaa ku sugan xiligaan goobta leysugu keenay Baabuurta dagaalka kuwaas oo aad wajiyadoodo ka dhan dhansan kartid farxad iyo reyn reyn ayagoona hada qaba in mar ay arki doonaan xalada magalada Muqdsho oo ku soo noqoto sidii horey loogu yaqiinay

 

Dadweynah waxan idin balan qaadi doona sawirada gawaarida leysugu geeyey goobta iyo wararkii ugu danbeeyey

 

 

Ku noqo beejka

 

 

webmaster@dayniile.com

----------------------------------------------

 

Max’ed Qanyare “Wasiirka Amniga anigaa ah, weligeyna la iima sheegin ciidamada oo waa la iga qarinayeyâ€Muuse Suudi “Ciidan aanan soo marin wasiirka amniga ninkii keena dalkeena askarigow keenay isagaa dilay,Daawa sawirada )

Muqdisho

 

Waxaa maanta la isugu soo uruuriyey Garoonka Stadio Muqdisho 60 baabuurta tiknikada loo yaqaan & maleeshiyooyinkii saarnaa oo ay iska soo uruuriyeen hogaamiyeyaasha hubeysan ee Muqdisho ee ku jira golaha xukuumadda & baarlamaanka, waxaana baabuurtaasi ay qeyb ka ahaayeen 85 baabuur oo ay horay u balan-qaadeen hogaamiyeyaasha hubeysan ee ku jira xukuumadda & baarlamaanka, iyadoo tiknikadaasi & maleeshiyadii saarneyd qaab bandhig ah loogu soo safay gudaha garoonka Stadio Muqdisho, waxaana dadkii halkaasi isugu soo baxay la hadlay ku-xigeenka ra’isul wasaaraha ahna wasiirka warfaafinta Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Cusmaan Cilmi Boqorre, Max’uud C/llaahi Jaamac (Sifir), Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax, Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Jen. Max’ed Nuur Galaal

 

Ra’isul wasaare ku-xigeenka, wasiirada, xildhibaanada, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir & dadka kale ee sharafta leh ee maanta halkan isugu soo uruuray waan idiin salaamayaa, intaa kadib, maanta waa maalin weyn waxaa billowday wax-qabad, galabtuuna wax-qabad-kaasi bilowday waan soconayaa inta magaalada Muqdisho qoriga ugu dambeysa laga qaadayo, munaasabado kale ayaa imaan doonta oo daba-joogta tan, waxaa la yiri “billow barakoâ€, waxaa ciidankan maanta loo soo uruuriyey in la tababaro, loona kala diro Hiilweyn & Laantabuure, maantey billaabatay noloshooda, waxey cuni lahaayeen & waxey cabi lahaayeenna waxaa nagu taageeraya ganacsatada, haweenka & shacabkoo dhan, waxaana shacabka Muqdisho leeyahay maanta meel dhannaan ayey mareysaa ee talaabta horay u qaada, dalka marka uu sidan oo kale meel dhanaan mareyo waxaa badbaadiya wadaniyiinta, waxaan kaloo doonayaa anigoo ka faa’ideysana fursadan in aan ka hadlo, ciidamo Addis Ababa lagu go’aamiyey oo aan jahadooda ciduna garaneyn oo waxa ay u imaanayaan cidduna aysan ogeyn, waxaan ugu digeynaa wadanka Soomaaliya qofna in aysan isku imaan heshiis la’aan, dowladdu iyadaa is gefsan, sharcigey isku haysataa, dad baa sharciga ku xad-gudbay, marka inta ciidamadu inta yimaadaan oo ay yiraahdaan shaqsiyaal baan ilaalineynaa wax soconayo ma ahan, Soomaaliya shaqsi waa ka badan tahay, wixii na caawinaya haddaan garano waddadooda, sharcigooda, nidaamkooda & howlgalkooda haddaan garano diyaar baan u nahay, haddii aan garan weynana waan diideynaa, wadanka Ugandha & Suudaan ee carabka lagu dhuftay waxaa jira wadamo kale oo gadaashooda taagan, iskuna soo qarinaya oo cadowga Soomaaliyeedna ah, waxeyna ku dhigneyd arrintaasi qoraalkii 18-kii Maarso ay soo saareen golaha wasiirada arrimaha dibedda dalalka IGAD oo la yiri degdeg bey u soo geli karaan kuwii la rabo, haddaba waan cadeyneynaa nama soo geli karaan waxba kuma darsan, baarlamaanka Soomaaliyeed go’aan buu ka gaaray 17/03/2005 dalalka safka hore ciidamadooda ma ogolin mana ogolaan doono, marka Ugandha & qolada Suudaan la yiraa yey isagu qatalmin wax aanan cadeyn yaan lagu qayaamin, yey isugu ajarmin, haddey doonayaan in ay halkan nabad ku yimaadiin waxaa la doonayaa in aysan la kala safan dowladda is haysa oo waxaa la ogyahay in golaha wasiirada & baarlamaanku is hayo kuligood, haddii ay qolo la saftaan dad dhex-dhexaad ah ma ahan, waana dad qolo la jira, dad qolo la jirana marka ay yimaadiin waxa ay noqdaan waa taqaaniin, shacabka Soomaaliyeedna uma soo hor kici doono ciidam waxa uu u socdo & howshii aynaan garaneyn†ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare oo intaasi sii raaciyey in howshii baarlamaanku iska lahaa ay ka fara-marooqsadeen madaxweynaha & ra’isul wasaaraha oo awoodihii dowladda oo dhan isku koobay iyaga.

 

Ra’isul wasaaraha & madaxweynahaa ogaa la yiri ciidamada, ciidamadaas iyadoo baarlamaanka & golaha wasiirada ku heshiin ciidamo la keeni karo ma jiraan, waa in ay sharciga soo mareen, waana in baarlamaanku ka dodo si sharci ahna loo “Passâ€-gareeyo, marka wax la aamini karo ay noqdaan waan u baahanahay wax na caawiya laakiin baahideena in cadow noogu soo gambado oo nagaga faa’ideysto ma dooneyno, sidaasaad ogaaneysaa, dadkuna waa in uu taa ogaado, dowladduna waa is haysaa, labo ayey u kala jaban tahay qolada Xamar & qolada Nairobi ayaa la kala yiraa, baarlamaankana waa Xamar & Nairobi, haddaanan la heshiin ciidan imaan kara ma jiro, heshiiskana waxaa laga doonayaa dhex-deena in aan heshiino, cidina ciidamo aanan ogeyn nooma soo ijaaran karto aanan ogoleyn, wasiirka amniga anigaa ah weligeyna la iima sheegin ciidamada oo waa la iga qarinayaa, waxaa la iga qarinayaana waa mid la doonayo in dadka lagu shirqoolo, waxeyna Soomaalidu tiraah “Caweys xaa habeenkii loo tumaa haddaan wax loola jeedin†anigu wasiirka amniga ayaan ahay mas’uul Soomaaliyeed ayaan ahay maxaa la iiga qariyey, bal idinkuba qiimeeya wax wasiirka amniga laga qariyey oo in la idiin soo xaluuliyo la rabo†ayuu yiri Qanyare.

 

Sidoo kale, Waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow oo isna sheegay in uu soo dhoweynayo dedaalada horay loo qaaday ee lagu doonayo in lagu nabadeeyo Muqdisho, dibna loogu soo celinayo nabadii & kala dambeyntii.

 

“Ciidankii maanta nalaga filayey in aan xareyno badankiisii waan isu keenay, raggii ciidamadaasi gacanta ku hayey iyo iyagana waxey u diyaar yihiin laga billaabo saacadan in ay xerooyinka kala aadaan, ayna halkaasi ku qaataan tababar, ayna noqdaan ciidan Qaran, hadda kadibna ay dhammaato waa jabhad oo ma tababarna, waxaan kaloo sheegeynaa cid alla ciddii Soomaali ah oo hub haysata xeryaha waa u furan yihiin, sida kuwan yihiiney yihiin, cid laga xiray ma jirto, cid laga tashadayna ma jirto, dadka meeshan deganna waa leys yaqaan, waxaan ka shaqeyneynaa nabad, anaga cidna duulaan kuma nihin, teeda kale, dalalka shisheeye askari kooda ah oo aanan soo marin wasiirka amniga & wasiirada halkan jooga, baarlamaanka & golaha ammaanka ciidan aysan ka raali aheyn ninkii keena dalkeena askarigow keenay asaa dilay anaga ma dilin, dadka waxaan ka dooneynaa deris wanaag, sida walaalkeey Qanyare sheegay isku hoos qarin xabad ka fail meyni, go’aan sidiisa-ba Itoobiya lagu gaaray dalkeena abshir uma ahan, dowlad naga difaaceysa ma qabno, kuwii ugu sareeyaa daba-dhilifyaal noqday, waxaan u mahadcelineynaa dowladaha waaweyn ee uu ugu horeeyo Mareykanka, Ingiriiska, Carabta, EU & J/Carabta, Afrikaankaan meelahan deg-deganoo mad-madow arrimaheyna ka fiirsadaan idin leenahay hana ku soo deg-degina†ayuu yiri Muuse Suudi.

 

“Dowladaha deriska na laha ah waxaa naga dhexeeyo deris-wanaag, dowlad kastana wixii danaheeda & siyaasadeeda waa u gaar, haddii leys hayo ummadda Soomaaliyeed bey ka dhexeysaa inta inaga maqan ee dowladda ku jirtana waxaan rajeyneynaa in ay nagu soo biirto oo aan heshiino si aynu Qaranimadeenii u badbaadino, maanta mid aynu billownay waa talaabo wanaagsan oo dhinaca samaha loo qaaday waana wax socon doono insha ALLAAH†ayuu yiri Max’uud C/llaahi Jaamac (Sifir) oo halkaasi ka hadlay.

 

“Waxaan ku faraxsanahay in maanta na lagu wareejiyey xildhibaanadii & wasiiradii Xamar joogay ay nagu wareejiyeen 60 baabuur oo tiknikada dagaalka ah iyo ciidankii saarnaa, waxaa la gaarsiinayaa ilaa berri 85 sida aan rajeyneyno, dabadeedna waxaaloo gudbi doonaa wejiga labaad oo noqonaya 128 ilaa intaasina waa la sii wadi doonaa†ayuu yiri Jen. Max’ed Nuur Galaal oo sheegay in ciidamada la isku dhafayo, loona kala qeybin doono xerooyinka Hiilweyne & Laanta buurhttpayna horay ugu diyaariyeen wixii agab ahaa ee ay u baahnaayeen ciidamadaasi.

 

C/shakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya

 

Cabdishakuur48@hotmail.com

 

 

Ku noqo beejka

 

 

webmaster@dayniile.com

 

http://www.dayniile.com/sawirda/qanyre2.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/Qanayre1.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/Qanayre3.gif

http://www.dayniile.com/sawirda/qanyare.JPG

 

----------------------------------------

 

 

I hope our president can take such a step as the "warlords" have taken.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Wow! how interesting Yalaxoow has submitted the big guns he had buried somewhere in the goofs lol. It is a good thing if that be true and done in consistency even though A/Y and like-minded people will never be satisfied with anything done by these men. Anything short of surrender is nothing to them. You will see this jesture highlighted as nothing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this