Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Cia officials visit hargeysa somaliland.

Recommended Posts

Wefti CIA-da Maraykanka ka tirsan oo socdaal ku yimi Hargeysa.

Wefti CIA-da Maraykanka ka tirsan oo socdaal ku yimi Hargeysa

 

Hargeysa (Ogaal)- Wefti la sheegay in uu ka socday Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, ayaa shalay socdaal ku yimi magaalada Hargeysa.

 

Weftigan oo ka koobnaa afar xubnood, waxa Madaarka Hargeysa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland.

 

Weftigan oo abbaaro 9:00 subaxnimo ee shalay ay Madaarka Hargeysa keentay Diyaarad gaar ahi, waxa ka soo gelbiyay Saraakiisha sarsare ee Sirdoonka Qaranka. . inkasta oo aanay jirin wax War ah oo ka soo baxay socdaalka Saraakiishan oo aan ujeedada socdaalkoodu caddayn, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeyska Ogaal u sheegeen, weftiga iyo Madaxda Nabad-sugida Somaliland waxay wadahadalo muddo saacado ah qaatay ku yeesheen gudaha Caasimada Hargeysa,lamana sheegin waxyaabaha ay ka wadahadleen.

 

Waxaanay Wararku intaa ku dareen in ay ka soo kicitimeen dalka Jabuuti , isla markaana waxay abbaaro 12:00 duhurnimo ee shalay dib uga duuleen Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

 

 

Socdaalkani wuxuu Khubaradan CIA-da ka tirsani ku yimaadeen Hargeysa, wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmo ka hor Wasiirka Khaarajiga Somaliland Cabdillaahi M. Ducaale kulan kula yeeshay Washington Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Johnnie Carson, kaasoo ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha La-dagaalanka Argagixisada iyo amniga.

 

 

Magacyada dadkii la xukumay & aragtida Sharciga ee dhacdadan Hargeysa: Go’aankii Maxkamadda, Gaws-adayggii Xeer-ilaalinta & gadoodkii Shacabka.

 

 

Hargeysa (Ogaal)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa xukun ay shalay ka dib markii ay go’aano isugu jira Xukun dil, xadhig iyo cafis ah ka soo saartay eedaysanayaal muddo 9 bilood ah dacwaddoodu ka socotay Maxkamadda G. Hargeysa, kuwaas oo ku eedaysnaa Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay sanadkii tegay, isla markaana 11 ka mid ahi u xidhnaayeen, ayaa waxa hadheeyay khilaaf iyo Rasaas ay rideen Askartii goobta ku sugnayd, ka dib markii sida la sheegay Xeer-Ilaalinta iyo Boolisku u hoggaansami waayeen go’aankaa Maxkamadda.

 

 

Go’aankii Maxkamadda:

 

 

Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa 2 qof oo ka mid ah 11 qof oo u xidhnaa Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa 29 October 2008 ku xukuntay hal sanno iyo lix bilood midkiiba, halka 5 kale oo kale iyaga oo maqan ay ku xukuntay dil toogasho ah.

 

Waxa sidoo kale Maxkamaddu amartay in 9 kale oo ka mid ahaa dadkii eedaysanayaasha ahaa la sii daayo. Labada qof ee lagu xukumay sanadka iyo badhka midkiiba ayaa la sheegay in Magac-yadoodu kala yihiin, Yuusuf Jaamac Diiriye iyo Cali Jaamac Ibraahim.

 

Dhinaca kale, dadka dilka lagu xukumay iyaga oo maqan ayaa iyana Magacyadoodu kala yihiin;

 

 

1-Cabdifataax Cabdilaahi Guuleed

 

2-Axmed Cabdi Xuseen

 

3-Axmed-Nuur Muxumed Maxamuud

 

4-Cismaan Yuusuf Odowaa

 

5-Cabdilaahi Xuseen Yuusuf

 

Rabshaddii ka dambaysay:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this