Xaaji Xunjuf Posted July 30, 2009 Wefti CIA-da Maraykanka ka tirsan oo socdaal ku yimi Hargeysa. Wefti CIA-da Maraykanka ka tirsan oo socdaal ku yimi Hargeysa Hargeysa (Ogaal)- Wefti la sheegay in uu ka socday Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, ayaa shalay socdaal ku yimi magaalada Hargeysa. Weftigan oo ka koobnaa afar xubnood, waxa Madaarka Hargeysa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka Somaliland. Weftigan oo abbaaro 9:00 subaxnimo ee shalay ay Madaarka Hargeysa keentay Diyaarad gaar ahi, waxa ka soo gelbiyay Saraakiisha sarsare ee Sirdoonka Qaranka. . inkasta oo aanay jirin wax War ah oo ka soo baxay socdaalka Saraakiishan oo aan ujeedada socdaalkoodu caddayn, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Wargeyska Ogaal u sheegeen, weftiga iyo Madaxda Nabad-sugida Somaliland waxay wadahadalo muddo saacado ah qaatay ku yeesheen gudaha Caasimada Hargeysa,lamana sheegin waxyaabaha ay ka wadahadleen. Waxaanay Wararku intaa ku dareen in ay ka soo kicitimeen dalka Jabuuti , isla markaana waxay abbaaro 12:00 duhurnimo ee shalay dib uga duuleen Garoonka Diyaaradaha Hargeysa. Socdaalkani wuxuu Khubaradan CIA-da ka tirsani ku yimaadeen Hargeysa, wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalmo ka hor Wasiirka Khaarajiga Somaliland Cabdillaahi M. Ducaale kulan kula yeeshay Washington Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Johnnie Carson, kaasoo ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha La-dagaalanka Argagixisada iyo amniga. Magacyada dadkii la xukumay & aragtida Sharciga ee dhacdadan Hargeysa: Go’aankii Maxkamadda, Gaws-adayggii Xeer-ilaalinta & gadoodkii Shacabka. Hargeysa (Ogaal)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa xukun ay shalay ka dib markii ay go’aano isugu jira Xukun dil, xadhig iyo cafis ah ka soo saartay eedaysanayaal muddo 9 bilood ah dacwaddoodu ka socotay Maxkamadda G. Hargeysa, kuwaas oo ku eedaysnaa Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay sanadkii tegay, isla markaana 11 ka mid ahi u xidhnaayeen, ayaa waxa hadheeyay khilaaf iyo Rasaas ay rideen Askartii goobta ku sugnayd, ka dib markii sida la sheegay Xeer-Ilaalinta iyo Boolisku u hoggaansami waayeen go’aankaa Maxkamadda. Go’aankii Maxkamadda: Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa 2 qof oo ka mid ah 11 qof oo u xidhnaa Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa 29 October 2008 ku xukuntay hal sanno iyo lix bilood midkiiba, halka 5 kale oo kale iyaga oo maqan ay ku xukuntay dil toogasho ah. Waxa sidoo kale Maxkamaddu amartay in 9 kale oo ka mid ahaa dadkii eedaysanayaasha ahaa la sii daayo. Labada qof ee lagu xukumay sanadka iyo badhka midkiiba ayaa la sheegay in Magac-yadoodu kala yihiin, Yuusuf Jaamac Diiriye iyo Cali Jaamac Ibraahim. Dhinaca kale, dadka dilka lagu xukumay iyaga oo maqan ayaa iyana Magacyadoodu kala yihiin; 1-Cabdifataax Cabdilaahi Guuleed 2-Axmed Cabdi Xuseen 3-Axmed-Nuur Muxumed Maxamuud 4-Cismaan Yuusuf Odowaa 5-Cabdilaahi Xuseen Yuusuf Rabshaddii ka dambaysay: Quote Share this post Link to post Share on other sites