Gabbal Posted June 18, 2006 Muuse Suudi iyo Bashiir raage oo ku sugan deegaanka Darri Mogadishu - 18 June. 06 ( Sh.M.Network) Wararka naga soo gaaraya Tuulada Darri ee ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka G/gaduud ayaa sheegaya in ay ku sugan yihiin hogaamiye kooxeedyada hubeysan ee Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage. Warkaan oo aynu ka helnay dad indhahooda ku soo arkay hogaamiyeyaashaan ayaa waxaa kale uu sheegayaa in ay kula kulmeen Max'ed Qanyare oo halkaasi horey ugu sugnaa. Warku wax faahfaahin dheeri ah kuma darin oo la xiriirta in hogaamiyeyaashaan halkaasi ay joogi doonaan iyo in kale. Bashiir raage iyo Muuse Suudi Yalaxow waxaa xarumahoodii laga waaayay 3 bari ka hor, iyadoo la xaqiijiyay in ay safar dhinaca badda ah ay ku galeen halkaasi. Hogaamiye kooxeedyada ku sugan deegaanka Darri waxa ay ka mid ahaayeen isbaheysigii la baxay la dagaalanka argagixisada, kaasoo ciidan ahaan looga barakiciyay barahooda dagaalo ay la galeen Maxkamadaha midoobay xoogag u dagaalama. Shabelle Media Network, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 18, 2006 The news is they are in Ceel Dheer which is their clans area. Quote Share this post Link to post Share on other sites