Jacaylbaro Posted October 15, 2008 Xafiiska Xisbiga UDUB ee Gobolka Sool oo maanta iridaha loo furay Waxaa maanta lagu qabtay xafiiska cusub ee xisbiga UDUB ee magaalada Laascaanood xaflad balaadhan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta Gobolka,Degmada,masuuliyiin ka socday Xisbiga,Ururada Bulshada,aqoonyahano iyo Odayaasha dhaqanka ee magaalada. Xaflad oo si wayn loo soo agaasimay kuna bilaabatay jawi aad u dagan ayaa waxaa ka muuqtay xamaadas ay dadkii kasoo qayb galeen ay u qabaan xisbigan talada haya ee UDUB iyadoo dhamaan masuuliyiinta iyo shacabka halkaasi kasoo qayb galay ay ka muuqatay farxad laga dheehan karo wajiyadooda. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay oo hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed oo sheegay inuu si wayn ugu faraxsan yahay furitaanka xafiiska xisbiga Talada haya ee UDUB isagoo sheegay in uu wax badan ka qaban doono baahiyaha ka jira Gobolka shacabka si wayn ula shaqayn doono. Gudoomiyaha ayaa waxa uu weeraray furitaankii xafiisyada xisbiyada kale ee Gobolka uuna ku tilmaamay ku aan marin qaab sharci ah aysana Gudoomiyayaasha xisbiyadaasi usoo gudbin xafiiskayga wax waraaq ah oo muujinaysa magacaabistooda ayna markii lasoo magacaabay xafiisyada u fureen qaab aan sharci ahayn nalaguna casumin isagoo xusay inuu u aqoonsan yahay ku aan xalaal ahayn sidoo kalena kula taliyay Gudoomiyayaasha xisbiyada mar haddii ay doonayaan inay umada u noqdaan Madaxwayne ay joojiyaan hadala bilaa ixtiraamka ah. Hadaba Keenadiid Maxamed Khaawi oo ah wakiilka Xisbiga UDUB ee North America ayaa waxa uu halkaasi ka jaray xadhiga furitaanka xafiiska ka hor inta uusan furmin hadalku waxaana u halkaasi a jeediyay hadalo uu shacabka reer Laascaanood ugu sheegayo in xisbiga UDUB uu wax badan ugu qaban doono Gobolka isagoo masuulkani yahay masuul si wayn uga qayb qaatay furitaanka xafiiskani. Sidoo kale Fahiima Jaamac Koosafaare oo ah Gudoomiyaha Dallada SUNGO ayaa waxa ay halkaasi kasoo jeedisay hadalo kooban oo ay ku xusayso shaqada xisbigan uqaban doono umada iyo sida ay ugu faraxsan tahay furitaanka xafiiskani iyadoo sidoo kalena ay halkaasi ka hadleen garabka haweenka ee Xisbiga UDUB ee Gobolka Carfi iyo garabka dhalinyarada ee xisbiga UDUB Maxamuud Qamaan Garaad C/qani. Ugu danbantii ayaa waxaa xafladaasi kusoo gabogabowday jawi aad udagan iyadoo halkaasi shacabkii kasoo qaybgalay ay si wayn ugu faraxsanaayeen furitaanka xafiiska ayna tilmaameen in loo baahnaa in waqti hore la furi ayna la shaqayn doonaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites