Sign in to follow this  
General Duke

Mr Dheere takes office... PICS

Recommended Posts

rer jowhar started to say "ADDUUNYO JOWHAR KA JOOG AAKHIRANA JANNO" because of this guy. Although he talks out of his a... sometimes, he just might be the man for the job to return normalcy to the capital of anarchy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I agree the man is alraedy sending his message to the criminals & anti-governemnt groups. There is a new Sherif in town.

 

Maxamed Dheere oo u digay Dadka Muqdisho

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta si rasmi ah loogu wareejiyay xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay waxaa uu maanta la hadlay dadka Muqdisho.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu dhawaan bilaabi doono howlgallo lagu sugayo ammaanka, wuxuuna caddeeyay in la howlgelin doono Degmooyinka iyo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir, isagoo dadka Muqdisho-na uga digay in dhexdooda laga abaabulayo falal nabadgelyo darro ah oo lid ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Dheere waxaa uu ku cel celiyay in gacan bir ah lagu soo qaban doono dadka ka dambeeya falalka nabadgelyada lidka ku ah, si gaar ahna wuxuu u bartilmaameedsaday dadka madaafiicda ku tuuri jiray Xarumaha Dowladda, "Qofkii gurigiisa laga dhinac tuuro Madaafiic Dowladda loo wado isaga ayaa ka jawaabi doono"ayuu yiri Maxamed Dheere oo farriintaas u dirayay Dadka Muqdisho.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay dadka Muqdisho xaafad-xaafad la isugu xiri doonaan, isla markaana ay xaafad kasta ka shaqeyn doonaan boqol qofood oo lagula xisaabtami doono ammaanka xaafadahooda, "boqolkaas qof ayaa lagula xisaabtami doonaan ammaanka xaafadaha, haddii ay howshooda qabsan waayaan, isla markaana ay dad nabadgelyo darro wada ay soo dhinac maraan iyaga ayaa maqan meeshii ay aadeenna Ilaah ayaa og"ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa hadalkiisan wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay ee uu jeediyo tan iyo markii dhawaan loo magacaabay Xilkan. Maxamed Dheere oo muddo shan sanadood ah ka talinayay gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ka dhigay mid amaan ah.

 

Sidoo kalena Xafladdii xilka lagula wareejiyay Maxamed Dheere waxaa ka hadlay Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde oo u hambalyeeyay Maxamed Dheere, kadibna ugu baaqay Dadka Muqdisho iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

 

Cadde Gaabow waxaa uu sheegay in Maxamed Dheere uu yahay nin weyn oo leh karti maamul, wuxuuna caddeeyay in ay sii socon doonaan xafladaha loo qabanayo soo dhaweyntiisa, isagoo farta ku fiiqay in uu kalsooni ku qabo in maamulka cusub ee gobolka Banaadir uu wax weyn ka bedeli doono xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kalena, Maxamed Dheere ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socdo gaaro magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isla markaana uu isna xilka Gobolka Shabeelaha Dhexe ku wareejiyo maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabay.

 

alsom17@hotmail.com

 

Shabeeladahoose.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

warlords are of different kinds. There where the xamar, barawe and kismayo and then there are the freedom fighters who are called warlords because of the person clanistic views. M dheere is the second kind.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Dal la rabo inay dib u dhisaan inay dejiyaan: Xoolo dheere, Dabaal Jeele, Yey, Khayrdiid, Xaaraan-ku-naax, Doqon Suudi, Cabdi Waali, Barre Huuraale, Xaabsade, Dawaco-san-ka-taabte,

waxmatare Gacma-dheere, Aqoon-yare iyo daba dhilifyo kale oo fara badan...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa layaaban yahay! waa talo xumaan wixii TFG lagu sugaa haatan! mar haddi madaxdayna tahay. Yeey (lord of all the warlords), Maxamed dheere, M Suudi, Qaybdiid, Salaad Daba-keri, Caydiid (now on mission to spy 2 sharifs and their host)....

 

....Amxaarano kor ka xukunto. Illahow adaa u maqan dalkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Max'ed Dheere oo maanta la wareegay Gudoomiyanimada Banaadir iyo Gaabow oo u hanbalyeeyey.

 

Muqdisho:-Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (M-Dheere)ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ugala wareegay duqii hore ee magaalada Cadde Gaabow.

 

Max’ed Dheere oo halkaas khubad dheer ka jeediyey ayaa ugu horrayn ugu baaqay shacabka reer Muqdisho inay dantooda gartaan oo ay nabada taageeraan waa sida uu hadalka u dhigaye,isagoo intaas ku dara in maamulkiisu uu kala dirayo inta badan shaqaalihii ka shaqaynayey maamulka gobolka ka hor intaan isaga loo magacaabin.

 

Waxaan soo diyaariyey oo hadda miiska ii saaran naqshadii maamulka gobolka Banadir lagu maamuli lahaa ayuu yiri Max’ed Dheere oo sheegay in cidii jago ka dooneysa maamulka gobolka Banadir in ay muhiim tahay inay soo maraan waaxdaha ku shaqada leh, iyagoo soo maraya agaasimayaashooda shaqaalaha.

 

Dhinaca kale Gudoomiye Max’ed Dheere ayaa digniin culus u diray cid walba oo isku dayda inay amaanka magaalada khal khal galiso,wuxuuna sheegay in degma walba ruux loo magacaabi doono hadii sharqan laga maqlana masuulka xaafada lala kacayo,isla markaana xisaab lala samayn doono ruuxaas.

 

Max’ed Dheere wuxuu ballan qaaday in waxa ugu horreeya ee ay qabanayaan uu amaanka noqon doono isagoo ku cel celiyey in cidii wax dooonaysaa ay dowlada hoose soo marto si ay qaxeedii u hehso.

 

Dhinaca kale Cadde Gabow oo ahaa duqii hore ee magaalada ayaa isaguna xafladaas ka haday ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xil wareejinta uu sameeyey iyo gudoomiyaha cusub ee xilka kala wareegay,isla markaana uu la shaqayn doono.

Xafladaan oo ahayd mid aad looga shaqeeyey ayaa waxa aka soo qayb galay xubno sare oo xukuumada ka tirsan oo uu ka mid ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Max'uud Sayid Aadan iyo xubno kale oo badan.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Max’ed Dheere uu doonayo inuu magaalada gacanta ku dhigo,taas oo ah mid aan sahlanayn oo ay madax kale oo ka horraysay ku fashilmeen,waxaana la saadaalinayaa inuu ku guulaysan dono,waqti dheerna ay u baahantahay.

 

 

 

Waayaha.net

 

Editor@waayaha.net

 

waayahanet@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

"M/dheere waa nin u qalma xilkan maanta aniga la iga qaaday waana ku faraxsanahay, waxaana aaminsanahay inuu ka soo bixi karo xilkan, waxaana ku talin lahaa in M/dheere loo dhiso taalo taariikhi ah, dadka waxaa loo dhisaa taalada marka ay dhintaan, balse waxaan dhihi lahaa isagoo nool M/dheere waa in loo dhisaa Taalo"
ayuu yiri Cadde Gabow

This what the former mayor said about Mr Dheere, which is interesting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Max'ed Dheere''4 Xaafadood ayaa Muqdisho u qeybineynaa waxa dhib keenana waa la leyn doonaa''.

 

Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir Max'ed Cumar Xabeed Max'ed Dheere ayaa wacad ku maray in amaanka Muqdisho uu wax weyn ka badali doono isagoo la dagaalami doono kooxaha uu ku tilmaamay in ay kasoo horjeedaan dowladda FS.

 

Max'ed Dheere oo warbaahinta la hadlayay ayaa tilmaamay in aysan qaadan doonin amaanka magaalada Muqdisho in uu faraha ka baxo isla markaana ay awooda ugu badan ku bixin doonaan sidii loo ugaarsan lahaa kooxaha dhibaatada ka wada Muqdisho.

 

Gudoomiye Max'ed Dheere waxaa uu sheegay in 4 Xaafadood kaliya laga sameyn doono Muqdisho xaafad waliba xafiis gaar ah loo sameyn doono isla markaana lala socon doono dhaq dhaqaaqa dadka ku nool.

 

Waxaa uu ku hanjabay in ay leyn doonaan cidii isku dayda in ay qal qal galiso amaanka magaalada mise ay weeraro soo qaado xiliyada habeenadii oo inta badan ay kooxaha hubeysan ku weerari jireen ciidamada dowladda.

 

Waxaa si gaar ah uu u tilmaamay in ay jiraan xaafado laga abaabulo weerarada ka dhanka ah xarumaha Ciidamada dowladda FS,iyo hotelada inta badan ay ku sugan yihiin masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Somaliya.

 

Hadalka Max'ed Dheere ayaa durbadiiba cabsi ku abuuray dadka ku nool magaalada Muqdisho qaarkood kuwaasi oo ku tilmaamay mid muujinaya dagaalo iyo colaado mar kale laga sii hurinayo magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere'' waa dhamaatay xiligii beeneenta Muqdisho''.

Posted on Thursday, May 03 @ 06:14:10 PDT by muuse

{Mogadisho}3-05-07 Maxamed dheere oo dhowaan la wareegay maamulka Gobalka ayaa sheegay in laga gudbay xiligii beenta loona gudbay xiligii Runta isagoo sheegay....................

 

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere", ayaa sheegay in waqtigii waxa uu ugu yeeray argagixisada ee magaalada Muqdisho uu dhamaaday.

 

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa Maxamed Dheere ku sheegay inay wax ka qaban doonaan waxa uu ku tilmaamay argagixsada iyo kooxaha Burcadka ah.

 

"Waqtigii argagixisada ee Muqdisho waa uu idlaaday" ayuu yiri Mr. Dheere, oo intaa ku daray inuu adeegsan doono labaatan gawaari oo ay saaran yihiin ciidamo Booliis ah, kuwaasi oo uu sheegay inuu habeen iyo maalin ku wareegi doono magaalada.

 

Waxa uu sheegay in booliska magaalada ay xeri doonaan qof kasta oo lagu tuhmo argagixisanimo ama burcadnimo.

 

Maxamed Dheere, ayaa xilka guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir la wareegay kowdii bsihan, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir.

 

Dad badan ayaa rumeysan in magacaabistiisa ay tahay tallaabo Dowladda KMG ah ee Somalia ay ku dooneyo inay nabad iyo kala dambeyn loogu soo celiyo mid ka mid ah magaalooyinka ugu rabshadaha iyo qalalaasaha badan ee caalamka ee Muqdisho, ayada Maxamed Dheere uu yahqy hogaamiye aad u ad adag.

 

Ka hor intii aysan xukunka ka tuurin Maxkamadihii Islaamiga Somalia bartamihii sanddii tagtay ayaa muddo shan sano ah oo uu maamulayay Gobolka Sh/Dhexe, waxa uu Maxamed Dheere ku guuleystay inuu ka dhaliyo ammaan, kana dhigo mid ka mid ah Gobollada ugu nabadda wanaagsan dalka Somalia .

 

Hadalkii ugu horeeyay ee uu jeediyay kadib markii xilkan cusub uu qabtay ayuu Maxamed Dheere ku sheegay inuu wax weyn ka qaban doono amniga caasimadda, waxaana uu shacabaka reer Muqdisho uga digay in guryahooda iyo xaafadahooda weeraro looga soo qaado Dowladda KMG ah ee Somalia.

 

Maxamed Haruun Radio Nugaal News Desk Mogadisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dheere oo kulama wada

 

1 May 1, 2007 - 12:24:19 PM

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa uu la kulmayaa guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

 

Maxamed Dheere oo xilka gobolka Banaadir qabtay ayaa waxaa uu isugu yeeray maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir waxayna ka wada hadli doonaan sidii ay iskula shaqeyn lahaayeen maamuladaasi.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere uu xilalka ka qaadi doonaa guddoomiyeyaasha degmooyinka qaar isagoo u magacaabi doono xubno cusub.

 

Maxamed Dheere ayaa isbadal weyn ku sameyn doono 16 sano kadib sharciga iyo hanaanka shaqo ee gobolka Banaadir iyadoo dadka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya ay soo dhoweeyeen magacaabista Maxamed Dheere.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this