Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Con. Fartaag Speaks about Kismayo Fighting

Recommended Posts

Adis-ababa 24, April.07 ( Sh.M.Network) Taliyaha guutada 3aad ee dowlada kMG ah ee Somalia, Colonel Fartaag oo ku sugan magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia oo la soo xiriirey shabakada warbaahinta shabelle ayaa ku eedeeyay dagaaladii ka dhacay Kismaayo in uu ka dambeeyay Col. C/risaaq Afgaduud.

 

Col. Fartaag ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii shalay uu dhex maray labo guuto oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo markii dambe isku badalay labo beelood.

 

Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday hadaladii shalay ka soo yeeray Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia oo sheegayay in dagaalada Muqdisho, Kismaayo iyo Dahar ay yihiin kuwo isku mid ah oo ay wadaan wadaado xag jiriin ah, waxaana uu Fartaag hadalkaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

 

Col. Fartaag ayaa waxa uu ugu sugan yahay magaalada Adis-ababa arimo caafimaad, ka dib markii dhaawac uu ka soo gaaray qarax lagu weeraray fagaaraha xuriyadda ee magaalada Kismaayo xilli halkaasi uu ka jirey isku soo baxyo lagu soo dhaweynayay saraakiil ka tirsan dowladda.

 

Hadalka Col. Fartaag ayaa ku soo beegmay xilli shalay magaalada Kismaayo gacan ku heynteeda ay la wareegeen maleeshiyo beeleedyo isaga ku heyb ah, ka dib markii laga saaray halkaasi ciidamadi dowladda ee ka soo jeeday Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Af-guduud, Far-taag, Fool-ka-fool, Faruurya-Jeexan, Faas-wade, Fuquburaale, war dadkan yaa naga qabta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this