General Duke Posted June 30, 2008 Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG oo degmooyin cusub u magacaabay Gobolada Mudug iyo Galgaduud 29. Juni 2008 Muqdisho(AllPuntland)-Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay lix degmo oo cusub kuwaasoo hoos imaanaya gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya. Afhayeenka Dowladda KMG Cabdi Xaaji Goob-Doon ayaa saxaafadda u aqriyay wareegtadan isagoo sheegay in Madaxweynaha uu go'aankan uu gaaray isagoo tixgelinaya soo jeedinta codsi ugu yimid wasaaradda arrimaha gudaha iyo waxgaradka deegaanadaasi loo magacaabay demooyinka, waxaana degmooyinka cusub ee Madaxweynaha magacaabay ka mid ah Guriceel, Baxdo Xeraale iyo Ceel Garas oo horay u ahaan jiray tuulooyin hoos taga gobolka Galgaduud iyo Col Guula iyo Jowla oo iyagana hoos tegi jiray Gobolka Mudug. Afhayeenka Dowladda KMG ayaa sheegay in Madaxweynaha uu tixgeliyay codsiyada waxgaradka deegaanka oo u soo marsiiyay Wasaaradda arrimaha gudaha, deegaanadaasi oo sanadihii u danbeeyay ay noqdeen kuwo ballaartay oo fiday isla markaana dhismayaasha deegaanadaasi aysan mudneyn in lagu magacaabo tuulooyin. Wareegtadan ayaa ku soo beegantay xili Madaxweynaha Dowladda KMG uu dalka shalay ka dhoofay isagoo dalka Masar kaga qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Afrika. C.M.Cali AllPuntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 30, 2008 Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yusuf Oo Degmooyin Cusub Magacaabay Dhagayso:: Halkaan Riix Si Ad U Dhagaysatid Waraysiga Sidaas waxaa saxaafada u xaqiijiyay Afhayeenka DKGS Cabdi Xaaji Goobdoon audio Quote Share this post Link to post Share on other sites