Sign in to follow this  
General Duke

Somali government names new districts in Galgaduud Mudug

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG oo degmooyin cusub u magacaabay Gobolada Mudug iyo Galgaduud

29. Juni 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)-Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu magacaabay lix degmo oo cusub kuwaasoo hoos imaanaya gobolada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya.

 

Afhayeenka Dowladda KMG Cabdi Xaaji Goob-Doon ayaa saxaafadda u aqriyay wareegtadan isagoo sheegay in Madaxweynaha uu go'aankan uu gaaray isagoo tixgelinaya soo jeedinta codsi ugu yimid wasaaradda arrimaha gudaha iyo waxgaradka deegaanadaasi loo magacaabay demooyinka, waxaana degmooyinka cusub ee Madaxweynaha magacaabay ka mid ah Guriceel, Baxdo Xeraale iyo Ceel Garas oo horay u ahaan jiray tuulooyin hoos taga gobolka Galgaduud iyo Col Guula iyo Jowla oo iyagana hoos tegi jiray Gobolka Mudug.

 

Afhayeenka Dowladda KMG ayaa sheegay in Madaxweynaha uu tixgeliyay codsiyada waxgaradka deegaanka oo u soo marsiiyay Wasaaradda arrimaha gudaha, deegaanadaasi oo sanadihii u danbeeyay ay noqdeen kuwo ballaartay oo fiday isla markaana dhismayaasha deegaanadaasi aysan mudneyn in lagu magacaabo tuulooyin.

 

Wareegtadan ayaa ku soo beegantay xili Madaxweynaha Dowladda KMG uu dalka shalay ka dhoofay isagoo dalka Masar kaga qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Afrika.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yusuf Oo Degmooyin Cusub Magacaabay

 

Dhagayso::

Halkaan Riix Si Ad U Dhagaysatid Waraysiga

Sidaas waxaa saxaafada u xaqiijiyay Afhayeenka DKGS Cabdi Xaaji Goobdoon

 

audio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this