Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: HEAVY shelling, thousands flee, as Al Shabaab moment grows

Recommended Posts

Barakicii ugu ballaarnaa oo ka soconaya Xaafadaha Waqooyiga Muqdisho

 

Barakac xoogan ayaa saaka ka socda qeybo ka mid ah Xaafadaha Waqooyiga Muqdisho, kadib markii shalay dagaalo xoogan ay ka dhacaan deegaano horay dagalaada uga nabdoonaa.

 

Dadka barakacaya oo uu ku jiro jahwareer ayaan qaarkood garaneyn meel ay u cararaan, waxaana iyagoo walaacsan ay yihiin kuwo kolba meel u cararaya si ay u raadsadaan meel ay maciinsadaan oo ay ku nabad galaan.

 

Boqolaal qoys ayaa ka barakacaya Degmada Kaaraan oo horay dadka ka barakacayay dagaalada Muqdisho ay u carareen, dadka qaar ayaa cabsida ugu weyn ee ay dareemeen kadib markii madaafiic lagu soo duqeeyay xaafadahooda.

 

In ka badan 15 ruux ayaa ku dhimatay dagaalo goos goos ah iyo duqeymo loo geystay degmada kaaraan gelinkii dambe ee shalay,waxaana jawiga u muuqdaa mid kacsan.

 

Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga ka soo horjeeda ayaa isku hor fadhiya duleedka degmada Kaaraan,iyadoo suura gal tahay in daqiiqad kasta ay isku dhacaan ama ay dirirtu ka dhex bilaabato.

 

Degenaanshaha laga dareemayo saaka goobaha lagu dagaalamayay ayaa ah mid hal lug ku taagan,waxaana suura gal ah in daqiiqad kasta uu labada dhinacba dagaal ka dhex qarxo.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Al- Shabaab oo isku fidiyey deegaano badan, kuna jira Diyaar-garoow dagaal.

18. juni 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Ururka Al- Shabaab oo heysta qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqii Milateri ee ugu xooga badnaa tan iyo markii ay shalay bilowdeen dagaalo aan waxba layskula harin.

 

Ciidamo badan oo ka tirsan Ururka Al- Shabaab ayaa lasoo dhigay deegaanada kala ah Jidka Warshadaha, Wadada Sodonka, Agagaaraha Suuqa Bakaaraha,Degmooyink a Kaaraan, Degmada Yaaqshiid, Howlwadaag, Degmada Hodon iyo Wardhiigley.

 

Saraakiisha Al- Shabaab ayaa sheegay in ujeedada arintan ay ka leeyihiin ay tahay markii ay maqleen dhaqdhaqaaqyo xoog badan oo ay wado dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ay ku dooneyso in ay markale qaado dagaalo ay kula dagaalamayso Mucaaradkeeda.

 

Taliyaasha ciidamada Al- Shabaab ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin dagaalka kasta oo dhinacooda lugu soo qaado ayna jawaab ka bixin doonaan, isagoo sheegay in maalin walba dagaal lugu soo qaado.

 

'' Waqti walba diyaar ayaan unahay in aan iska caabino dagaal nooga yimaada Cadow ugargaarayaasha, balse waxaan ognahay in aan guul ka gaari karno saacad kasta, waayo Eebe ayaa nala jira oo xaq ayaan udagaalameynaa'' Ayuu yiri Masuul ka tirsan Ururka Al- Shabaab.

 

Waqtigan la joogo magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa xiisado colaadeed oo baahsan oo ay abaabulayaan dhinacyada iska soo horjeeda ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayagoo qolo walbaaba dhinaceeda ka wada.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal culus oo ka socda qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan

 

Dagaal iyo duqeyn is daba socota ayaa ka socota Degmada Kaaraan, gaar ahaan Duleedka Degmadaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga ka soo horjeeda.

 

Dagaalka oo ah mid culus ayaa si weyn uga socda dhinaca bari ee Degmada Kaaraan,waxaana la soo sheegayaa in dad fara badan oo ku sugan degmadaas ay ka barakacayaan.

 

Wararka ayaa sheegaya in dhowr madaafiic ay ku soo dhaceen qeybo ka mid ah degmada Kaaraan,kaasoo ilaa iyo hada la soo sheegi karin qasaaraha uu geystay.

 

Dagaalka ka soconaya duleedka Degmada Kaaraan ayaa daba socda dagaaladii maalmahan ka socday halkaas, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duqeyntii ugu ba'neyd oo Muqdisho maanta ku socota iyo AMISOM oo fasax buuxa la siiyay.

 

Waxaa maanta ku socota magaalada Muqdisho duqeynti ugu xooganeyd ugu xumeyd waayahan iyadoona Saraakisha Ciidamada AMISOM fasax buuxa loo siiyay guud ahan magaalada in ay ku baahiyaan howlgalladooda.

 

Duqeymaha ayaa si ba'an ugu socda degmooyinka Hodon,Howlwadaag,Yaa qshi iyo xittaa Heliwaa oo aad kaga fog aagaga dagaalka, iyadoona suuqa Bakaaraha uu mar waliba yahay goobaha lagu beegsado duqeymahaasi.

 

Ciidamada AMISOM oo duqeymahaasi wada ayaan la ogeen ujeedkooda iyo waxa ay ka damacsan yihiin iyadoona ay ku tilmaamayaan dadka duqeymihi ugu xumaa ee waayahan ay sameeyaan Ciidamada AMISOM.

 

Dawladda KMG ah ee Somaliya oo gashay jawwi aad halis u ah ayaa u fasaxday Ciidamada AMISOM inay isu badalaan nabad sameeyeyaal ayna howlgalaan halka marki hore ay ka ahaayeen nabad ilaaliyaan, maadaama aysan jirin nabad la ilaaliyo.

 

Waxaa maanta iyana dagaallo ay ka jireen qeybo kamid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay isku fara saareen xoogaga Islaamiga ah iyo ciidamada dawladda KMG ah ee kaso baxay dhanka Galgalato.

 

Markacadey.net,Muqdi sho

Share this post


Link to post
Share on other sites

No group will be strong enough to take over Mogadishu, as long as the African union troops are there. The alshabaab have an excuse to continue the fighting and innocent people will only lose their lives. Koonfurians very sad story.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this