Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somalia: The Khilaaf Over the New President

Recommended Posts

Khilaaf xoogan oo ku saabsan doorashada Madaxweynaha DF ayaa soo dhexgalay Afhayeenka baarlamaanka Somalai Sheekh Aadan Madoobe iyo ra'iisul wasaare Nuur Cadde, oo dhanka siyaasada si weyn isugu dhawaa.

 

Ra'iisul wasaare Nuur Cadde ayaa ka digay in DF ay doorato Madaxweyne cusub, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la taageero heshiiskii Jabuuti, lana dhaqangeliyo, si loo dhiso dowlad midnimo Qaran.

 

"Waxaan rajeynayaa in baarlamaanku uu u istaago sidii uu ku hirgelin lahaa heshiiskii Jabuuti, si madaxweyne wadajir ah ay u doortaan mucaaradka iyo DF, taasoo qayb ka ahayd heshiiskii Jabuuti" ayuu yiri Nuur Cadde.

 

Mar uu isweydiiyay waxa dhici kara hadii baarlamaanka DF uu doorto Madaxweyne cusub? ayaa sheegay inay taasi carqalad ku noqon karto heshiiskii Jabuuti lagu gaaray, ayna burburayso TFG.

 

Nuur Cadde ayaa ku eedeeyay Sheekh Aadan Madoobe inuu wato qorshayaal isaga u gaar ah oo uu doonayo inuu ku magacaabo ruux ay wataan dalalka dariska la ah Somalia, isagoo ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto.

 

Afhayeenka baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe ayaa isaguna maanta shir deg-deg ah kula qaatay gudigii doorashada ee uu shalay magacaabay, isagoo ku booriyay inay howlahooda labalaabaan si doorashado ay u dhacdo [Jan 26, 2009].

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shalay ka sheegay in doorashadu ay ka dhacayso Baydhabo uuna tixgelinayo dastuurka dalka u dagsan, isagoo sheegay in wax ka badalka doorashada ay u taalo baarlamaanka.

 

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Sheekh Aadan Madoobe uu xiriir hoose oo madaxweyne loogu magacaabayo Xil. Cali Max'ed Geeddi oo horay Ra'iisul wasaare uga noqday Somalia kala dhexeeyo dalka Ethiopia.

 

Dowlada Ethiopia ayaa la sheegayaa inay ku cadaadinayso caalamka in Madaxweyne cusub loo doorto Geeddi, balse Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna dhankiisa ka digay Madaxweyne cusub oo loo doorto Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this