Hagi Posted January 1, 2004 Halganka Ayaan Oo Ka Dheerayay Kacaankii Kirishtaamaynta. Sida uu qoray warsidaha Liberal-Christian Daily ee kasoo baxa dalka Holland, xisbiga Duch Liberal VVD ee ay ka mid tahay Ayan Xirsi-Magan Cali oo beryahan dambe weerar ku ahayd diinta Islaamka, ayuu xisibigaasi u shegay in ay cagaha dhigto oo ay joojiso talaabo dheerida ay uga hormartay siyaasadii xisbiga. Sida uu sheegay hogaamiyaha xisbigaas VVD ahna wasiirka Maaliyada Mr. Gerrit Zalm wuxu yiri “Runtii Waan jeclaan lahaa inaan arko iyadoo la hakiyay iskoolo cusub oo Islami ah oo laga furo Holland” Lakin wuxu ku eedeeyay Ayan inay ka hor dhacayso siyaasada xisbiga isla markaasna ay ku hadlayso hadalo aysan ansixin madaxda xisbigu. Waxa mararka qaar dhacday in madaxda xisbigu ay ka hadlaan warbaahinta Holland iyagoo sheegaya inaysan raali ka ahayn habka ay u dhaqmayso Ayan. Xoghayaha xisbiga VVD ee arimaha Baarlamaanka Mr. Jan Rijpstra isla markaasna ah gudoomiyaha gudi cusub oo xisbigiisu sameeyay hadaladii ka dhacay Ayaan ka dib, gudigaas oo loo bixiyay gudiga soo galootiga iyo is dhex-galka (Immigration and Integration Commission) wuxuu sheegay in Xisbigiisu uu ku soo rogi doona Ayan sharci ka mamnuucaya in ay siiso warbaahinta hadalo aysan soo ansixin gudigiisu. Isla markaasna waxaa kor kala socondoona dhaqdhaqaaqa Ayaan kormereyaal siyaasadeed (Political Commentators) Waxa ka mid wararka ay Gaaladu la cajabtay oo ay ku tilmaameen talaabo dheeri ay ku kacday Ayan Xirsi-Magan • Diinta Islaamku waa diin haraadi ah (Backward) • Nabi Max’ed waa diktatoor xun, oo madax adag (Perverse tyrant) Marka aan maqlana waxan soo xasuustaa, diktatoorada Bariga Dhexe sida Usama Bin Laden, Ayatulah Qumayni, iyo Sadam Xusen. • Waa in iskuulada Islaamka laga joojiyaa taagerada, maadaama ay baran arday dib usocodnimo. • Waa in qoyskii Islaam ah ee dhala laba ilmood ka badan laga joojiyaa lacagta ilmaha. • Mar ay tagtay iskuul Islaami ah waxay waydiisay ardayda qaar “Ii sheega Ilaahay ma naagbaa mise waa nin. Ka fiiriya eedaynta xisbigeedu u soo jeediyay Ayan Xirsi-Magan, cinwaanka hoose. Source:Hobyonet web page Quote Share this post Link to post Share on other sites