Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Clean up project completed

Recommended Posts

Howgaladii jid banaynta iyo nadaafada ee magaalada Gaalkacyo oo la soo gabagabeeyay

Posted to the MOL November 3, 2009, 3:27 am

 

Maamulka dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo gabagobeeyay howlihii nadaafada iyo banaynta jidadka Suuqa weyn ee gaalkacyo kuwaasoo socday labadii asbuuc ee la soo dhaafay. Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta dib loo furay ka dib markii la qaaday dhamaan sandaqadihii ganacsi ee sharci darada ahaa ee lagu gooyay jidadka suuqa.

 

 

Howlahaan kor loogu qaadayay bilicda magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa qoonsaday shaqsiyaad ku nool magaalada oo isugu jira kuwo la soo shaqeeyay maamuladii hore ee magaalada Gaalkacyo dhinaca waqooyi iyo dhinaca koonfureedba. Dadkaas ayaa abaabulay dhalinyaro ka soo jeeda dhinaca koonfureed ee magaalada oo dagaal hubeysan ku soo qaaday howlihii dowlada hoose ka waday magaalada.

 

 

Dagaalkaas ayaa waxaa ka shashay qasaare ba’an oo soo gaaray shacabka magaalada. Dagaalkaas ka dib ayaa waxaa waxgaradka magaalada iyo ganacsatada labada dhinac ee waqooyi iyo koonfur waxay ku guulaysteen inay qaadaan sandaqadihii sharci darada ahaa ee jidadka suuqa yaalay. Waxaana maanta dib loo furay suuqa oo ay ganacsatada labada dhinac ee magaaladu ay aad dadaal ugu galeen sidii dib loogu furi lahaa.

 

 

Howlgalkaan ayaa la dhihi karaa waa guushii ugu weynayd ee maamulka dowlada hoose ee Gaalkacyo ka fuliyo magaalada Gaalkacyo. Waana markii ugu horeysay ee la baneeyo jidadkii suuqa weyn ee Gaalkacyo tan iyo intay burburtay dowladii Somaliya. Jidadkaas oo lagu furay dhiig daatay iyadoo ay marwalba jiraan dad ka soo horjeeda horumarka oo dantooda ka arka in lagu jiro fowdo iyo jaahwareer.

 

 

Duqa magaalada Gaalkacyo X/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa wuxuu ka helay shacabka Gaalkacyo taageero aad u weyn inuu dhamaystiro howlaha loo doortay. Duqa ayaa sheegay inuusan marnaba joojin doonin howlaha lagu soo celinayo bilicda iyo nadaafada magaalada oo faraha ka baxday 19-kii sanno ee burburka lagu jiray.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this