Sign in to follow this  
General Duke

The mayor's of Adan, Sanca[Yemen] and Mogadishu sign agreements

Recommended Posts

Maxamed Dheere Oo Dhigiisa Kula Kulmay Mag. Cadan

Cadan, Yemen (Calanka.com) 06-Sebtember-2007

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo shalay ka dhoofay Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxay Magaalada Cadan ee dalka yemen kula kulmeen madax ka tirsan Magaaladaas iyo kuwa xukuumadda.

 

Guddoomiye Maxamed Dheere waxay la kulmeen Guddoomiyaha Magaalada Cadan Axmed Maxamed Aadan, waxayna ka wada hadleen xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Yemen, shacbigooda iyo xaaladaha xagga horumarka ah ee laga sameeyey nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya. Kulankaas waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Yemen Saalim Axmed Maxamed Xaydara, Safiirka Yemen ee dalka Soomaaliya Danjire Axmed Xaamid Cumar iyo xubno kale.

 

Wuxuu Guddoomiye Maxamed Dheere xukuumadda Yemen ku amaanay doorkeeda muuqda oo ay ka qaadato sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyey in booqashadiisu ay ka dambeysay martiqaad la xiriira sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya shacabka labada dal ee walaalaha ah.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wuxuu mahadnaq ballaaran u soo jeediyey Madaxweynaha dalka yemen Mudane Al Sayid Cali Cabdalla Saalax, isagoo ku ammaanay kaalinta geesinimada leh ee uu ka geysto dadaallada loogu jiro sidii loo taageeri lahaa dibuheshiisiinta iyo nabad ku soo dabaalidda geyiga Soomaaliya.

 

Wuxuu kale oo dowladda Yemen ku ammaanay sida walaaltinimada leh ee ay u marti geliyeen kumanyaal qaxooti Soomaali ah oo xilliyadii ay Soomaaliya ka qaxeen megensaday dalkaas.

 

Madaxda iyo shacbiga Soomaaliyeed waxay aad ugu riyaaqsan yihiin kaalinka hoggaamin ee Yemen, Xukuumaddeeda iyo dadkeeda oo uu madaxda ka yahay Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, waxayna ku bogaadinayaan sida ay u taageereen dadaallada ay xukuumadda fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya ku doonayso inay ku sugto amniga iyo degganaanshaha si loo gaaro dibuheshiisiin dhab ah oo soomaaliyeed.

 

Muddada ay Guddoomiye Maxamed Dheere iyo wafdigiisa joogaan dalka Yemen waxay kulamo kale la yeelan doonaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumaddaas, waxaana la filayaa inay soo booqan doonaan goobaha taariikhiga ah ee ku yaal Magaalada Cadan.

 

Calanka + G/Banaadir/b>

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere oo maanta la kulmay ra'isal wasaaraha Yemen

Last Updated::2007-09-08 22:28:09

 

San'a:-Gudoomiyaha gobolka Banaadir isla markana ah duqa degmada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb oo booqasho ku maraya dalka Yemen ayaa waxaa uu magaalada Sanca maanta kulan kula yeeshay-------

ra'isal wasaaraha dalka Yemen DR Cali Maxamed Mijwar

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ayaa waxaa uu ugo horayntii gudoon siiyay ra'isal waaraha dalka Yemen dhambaal uu uga siday dhigiisa dalka Somaliya Cali Maxamed Geedi .dhambaalkas oo la xiriiray xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo xaaladahii u dameeyay ee dalka Somaliya

 

 

Labadan masuul ayaa waxa ay kulankoodan kaga

wada xaajoodeen sidii labada dal Somaliya iyo Yemen ay u xoojin lahayeen xiriirada iskaashi ee u dhexeeya labada dal gaar ahaana labada caasimadood ee San'a iyo Muqdisho iyada oo lagu wado in mayorada labada caasimadood ay qalinka ku duugi doonan heshiisyo iskaashi

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay kulankan ayaa waxaa uu madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax ku amaanay kaalintii uu ka qaatay ka mira dhalinta shirkii dib u heshiinta beelaha Somaaliyeed oo dhowaan lagu soo geba gebeeyay magaalada Muqdisho taas oo ka qeyb qaadatay xasilooni ku soo dabaalida dalka Somaliya iyo kaalinta uu madaxweyne Salax ka qaatay isu soo dhaweynta aragtiyada kooxaha Somalida

 

 

Ra'isal waaraha dalka Yemen Dr.Cali Maxamed Mijwar oo ugu damayntii kulankan ka hadlay ayaa waxa uu amaanay talaaboyinkii loo qaaday dhinaca dib u heshiisiinta Somalida iyo xasiloonida yoolka u ah dhamaan shacabka Somaliyeed,waxana uu dib u xaqiijiyay in dawlada Yemen ay

taageerayso dadaal kasta oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada ka taagan dalka Somaliya .

 

Fayasal wakaalad

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Caasimadaha dalalka Somalia iyo Yeman oo Heshiis iskaashi iyo is-dhaafsiga badeecadaha kala saxiixday

 

Mogadishu, Sabti , September 08 2007 SM

 

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdishu, Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Deegaanka ee Caasimadda dalka Yeman, Amiin Jumcaan ayaa kala saxiixday Heshiis ay labada Maamul ku hagaajinayaan iskaashigooda , is-dhaafsiga Kheyraadka iyo adeegyadda danaha ay wadaagaan labada Shacb ee Somalia iyo Yeman.

 

 

 

 

Maxamed Dheere, oo ka hadlay munaasabadda Heshiiskaasi lagu saxiixay , ayaa ka mahdaceliyey sida diiran ee isaga iyo Wafdigiisa loo soo dhaweeyey iyo dadaalka ay Dowladda Yeman ugu jirto sidii ay Walaalahooda Soomaalida gaacan uga siin lahaayeen dib-u-heshiisiinta, Kooxaha Siyaasadda iyo dib-u-dhiska dalka.

 

Dhinaca kale, Wafdiga Maxamd Dheere, oo maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay socdaal rasmi ah ku tegay caasimadda dalka Yeman, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda uga sii baqoolo dalal kale oo aan la cayimin, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan inay Wafdigaasi dib ugu soo laaban doonaan magaalladda Muqdishu.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this