A_Khadar Posted July 19, 2010 Dagaal culus oo bilowdayt saqdii dhexe ee xalay ayaa weli si weyn uga soconaya magaalada Widhwidh hareeraheeda. Ciidamada SSC oo markii hore si rasmi ah ula wareegay magaalada kana saaray Maleeshiyaadkii SNMta aya culays badan la soo saaray ka dib markii ay ka baxeen dagaalka qayb ka mid ah Ciidamada SSC. Sida uu noo xaqiijiyey Col: Cali Sabrey Ciidanka dagaalka ka baxay ayuu sheegay in ay saldhig ka dhigteen tuulada Dan dan. Wuxuu sheegay Sabarey in uusan aqoon sababtay keentay in ayadoo dagaal intaas le eg soconayo ay baxaan ciidankaasi. Dagaalkan ayaa geystay khaasaare labada dhinacba ah, ilaa hada lama xaqiijin khasaraha soo gaadhay Maleeshiyaadka SNMta halka xoogaga xaq u dirirka SSC uusan jirin khasaare ilaa hada soo wajahay. Mar aan waydiiney bal sida ay u soo xejin karaan dagaalka, wuxuu sheegay in aysan joojineyn ilaa ay deeganada SSC oo dhan xoreeyaan. Col: Sabarey Hogaamiye ku xigeenka SSC wuxuu sheegay in uu hada ku sugan yahay jiida hore, isla markaana uu rajeynayo in ay sii haystaan magaalada.' In aan hore u socono mooyaane soo noqon mayno' Cid kastaba ha ka baxdo dagaalkan waa xaq' Ayuu yidhi Sabrey. Dagaalkan oo bilowday xalay ayaa hada waxaa magalada Widhwidh gacanta ku haya xoogaga SSC. Waxaana hada xabadi ka dhacaysa dhanka Bari ee magaalad Widhwidh. Waxii wara ee ka soo kordha wararkeena danbe kala soco insha Allaah. A Dayib. Wadan.wadan@gmail.com Horufadhi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 19, 2010 Dagaalkii WIDHWIDH oo joogsadey Jul 19, 2010 Riinji:-Isgaadhsiinta Deegaanka Widhiwidh oo hawada ka maqan ayaa sababtay in aan wax faahfaahin ah laga helin khasaaraha uu sababay dagaalkii Saaka iyo Xalay dhex maray SSC Iyo SL Warar aanu si hoose u henay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in khasaare wayn oo dhimasho ,dhawac iyo maxaabisba ay jiran labada dhinacba basle warsugan ayaan aga hayan deegaankaasi. Dagaal culus ayaa waxuu ka qarxay magaalada widhwidh xalay saqdii dhexe, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada SSC oo markii hore si rasmi ah ula wareegay magaalada kana saaray Ciidamadii SL, Laakiin waxaa isla markiiba ka baxay dagaalka qaar ka mid ah ciidamada SSC. Waxayna taasi keentay in Ciidamadii SSC ay magaalada isaga baxaan oo ay ku noqdaan meeshii ay ka yimaadeen. Waxaa jaran isaadhsiiintii magaalada widhwidh oo ay jareen xarunta taliska ee Ciidamada SL ee magaalada hargaysa, waxaana horay u dhacay innay jaraan markasta oo dagaal ka dhaco magaalada widhwidh. WIXII SOO KORDHA KALA SOCO RIINJI Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 19, 2010 I don't know why u all getting worked up about widhwidh for, it's so clear it's staged they don't even try to conceal it. WidhWidh was captured from ssc forces and snm took over not long ago and now the ssc take over widhwidh and all ssc community is happy and thinking their going to las anod inkasto ciyartu hawdka ma dhafayso lol. It's not big deal this widhwidh thing, when they go to las anod then it will big deal which i highly doubt they will Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 19, 2010 Cowke the irhaabis were pushed back all they to dhalamacune 20 km away from buhoodle widhwidh is the in hands of somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites