Sign in to follow this  
General Duke

Somali National troops: + Police

Recommended Posts

Warar aynu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed dhowaan ay soo gaarayaan degaanka Warsheekh gaar ahaan Dugsigii Tababarka Ciidamada ee Qorilow.

 

Posted by : webmaster on Sunday, September 11, 2005 - 08:37 AM

 

 

Warar aynu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed dhowaan ay soo gaarayaan degaanka Warsheekh gaar ahaan Dugsigii Tababarka Ciidamada ee Qorilow.

 

Ciidamadaas ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan gaarayaan 1200-Askari oo Hubkooda u dhan yahay, iyadoo halkaas loo keenayo inay ururiyaan, habeeyaan, diiwaan geliyaan xubnihii hore uga tirsanaan jiray Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale Ciidamadaas ayaa la sheegayaa in qeyb ka mid ah la dejinayo Degaano ka tirsan Degmada Cadale.

 

 

Cutubyadan ayaa la inay sidoo kale soo gaarayaan xeryaha ku yaala magaalada Muqdisho, kadib marka ay soo dhameeyaan ururinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee xerada Qorilow.

 

Ciidamadaas imaanaya xerada Qorilow ayaa qeyb ka ah Ciidamo badan oo hore uga tirsanaa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu ururinayo qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo shaaca ka qaaday in magaalada Jowhar tahay Xarunta Taliska Ciidanka Soomaaliyeed

 

Shir Jaraa’id uu maanta ku qabtay Magaalada Jowhar ee ah Xarunta Kmg ah ee Dowladda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Max’ed Xasan “Cali Madoobe ayuu kus heegay In magaalada Jowhar ay tahay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Shirkan Jaraa’id uu maanta ku qabtay Jen Cali Madoobe ayuu waxa uu kaga warbixiyay Safaradii ay dhowaantan ku aadeen Wadanka Yugaandha ee ahaa Siminaar uga Furmay Caasimada Kamaala Saraakiil Soomaaliyeed Oo gaaraya 65 sarkaal, wuxuuna Cali Madoobe tibaaxay in 14 sarkaal ay la yimaadeen Magaalada Jowhar,isagoo carabka ku dhuftay in sarkaalada la yimaaday ay dar dar gelin doonaan qaab dhismeedka ciidanka Booliska soomaaliyeed isla markaana hawl gelideeda loo dhaqaajin lahaa.

 

Jen Cali Madoobe ayaa sheegay in Kampaala ay uga soo tageen Sarkaalo gaaraya 47 Sarkaal oo wali tababarka halkaasi uga socda, waxaana bilaabi doonaan Istiraatiijiyada Sanadaha Soo Socda, isla markaana loo hawl geli lahaa ciidanka booliska, waxaan shaqada Booliska la bilaabo goor dhow waxaana looga bilaabi doonaa Deegaan Deegaan, saraakiisha timid waxa ku tal galkoodu tahay sidii ay halkan uga furi lahaayeen saldhiga Booliska Soomaaliyeed uga furi lahaayeen oo hawshiisa bilaabi lahaayeen,saraakiisha timid hawshooda intaas weeyaan,sidii Magaalada Jowhar ay iminkaba u tahay xarunta kmg ah Ee Dowladda sidaasn ayey u tahay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed,saraakiisha tababarada ku siinaya Yugaandha waxa ka kala yimaadeen Australia iyo Ingiiriisa iyo Yugaandha oo tababaro siinaya Saraakiisha ku sugan Kampaala.

 

Jen. Cali Madoobe ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Hawl hooda Dhawaan la dar dar geli doono,wuxuuna sidoo kale sheegay in ay hawlo iminkaba ka socdaan Gobolada Dalka.

 

C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Jowhar Midnimo googooye16@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Aadan Madoobeâ€Ciidamada Puntland waxay ka mid yihiin Ciidamada Qaranka ee dhawaan la dhisi doono, kuwa diidan waa kuwa ka soo horjeeda in..â€

 

 

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa ku tilmaamay xubnaha Labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho kuwa ka soo horjeeda dib u dhiska dalka soomaaliya iyo dadkii Soomaaliyed ee kala tagay maanta la mideeyo.

 

“Ciidamada Puntland laga keenay waxay ka mid yihiin Ciidamada Qaranka ee hadda la dhisayo,kuwa diidan ee sheeganaya inay yihiin Xildhibaano Qaran ama Wasiir Qaran waa kuwa diidan in Soomaaliya dib loo mideeyoâ€ayuu ku dooday Wasiirka Garsoorka Dowladda Federaalka soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo muujiyay sida u taageersan yahay keenista Ciidamadaas magaalada Jowhar

 

waxaa uu sheegay in dhankiisa diyaar u yahay in Ciidamadaas ku soo dhaweeyo magaalada Xudur ama Gobolka Baay waa sida uu hadlka u dhigay.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Magaalada Waajid haatan tababar uga socda Maleeshiyooyin laga keenay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

 

Sheekh Aadan Madoobe waxaa la og yahay in looga awood roonaaday gacan ku haynta magaalada Baydhabo waxaana kaga adkaaday Xildhibaan maxamed Ibraahim Xaabsade oo xiriir wanaagsan la leh kooxaha siyaasadda ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali National troops: + Police

 

The Police are as trained as the National Troops If they are Needed For a bigger duted they get get it done as well as the troops so things are lookin quit well. Can't say the same thing for siyaasadda Muqdisho.

 

Good to see you back General Duke.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Thanks bro..

 

Tababar maanta u furmay Ciidamdii Gobolada

Hiiraan iyo Puntland ee yimid Jowhar

 

Waxaa maanta tababar uga furmay Xerada Cusub ee Koongo oo dhowaan lagu xareeyay Ciidamada ka yimid Gobolada Hiiraan Iyo Puntland.

 

Tababarkan saakay u furmay ciidamada yimid Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socta Dowladda Federaalka KMg,iyadoo ay tababarkana ay ka qeyb galyaan Ciidamada Dhowaan laga keenay Gobolada Puntland Iyo Hiiraan,waxaana la shaaciyay in ay sidoo kale ku lifaaqsan yihiin ciidamo dhowaan laga qoray Gobolka Sh/Dhexe

 

Tababarkan ayaa waxaa saakay furay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo isagu khudboo dheere u jeediyay Ciidamada tababarka maanta u bilowday,wuxuuna Madaxweyne Yuusuf u sheegay Ciidamadan in ay Tababarka u qaataan si wanaagsan,wuxuuna tibaaxay in berri ay yihiin kuwii Dalka difaaci lahaa.

 

Tababarkan ayaa waxaa saakay kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi,Wasiirka Gaashaandhiga Jen C/raxmaan,Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Jen. Naaji,Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen Cali Madoobe iyo Gudoomiyaha Maamulka Sh/Dhexe Max’ed Dheere.

 

Xerada Cusub ee uu tababarka uga furmay Ciidmada Jowhar ku sugan ayaa waxaa loogu magaca daray Xerada Jen. Daa’uud,iyadoo magaca Ciidamada lagu yeerayo ay tahay Cali Jowhar.

 

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar oo ah Xarunta Dowladda ay soo gaaraan ciidamo ka imaanaya Gobolada Dalka,isla markaana la sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada tababarka uga furmay Magaalada Jowhar oo ay ku sugan yihiin.

 

C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Jowhar Midnimo googooye16@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maanta oo tababar loo furayo ciidammadii Qaranka Soomaaliyeed ee lagu soo ururiyay Xerada Milateriga ee Congo oo 6-km xagga Bari ka xigta Degmada Jowhar

Posted to the Web Sep 12, 11:02

 

 

Jowhar:- (PP) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe isla

markaana ah xarunta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta loo furayo tababar ciidammada dowladda ee dhawaan laga soo ururiyay gobollada Puntland, gobollada Dhexe, Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo tiradooda lagu qiyaasay 1500-askri.

 

Tababarkan ayaan la shaacin inta uu socon doono, balse wararka ka imaanaya Degmada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in tababarkaan uu socon doono muddo kooban, iyadoo la sheegay inay ciidammadaan tababari doonaan saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsanaan jiray ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Dhawaan markii ciidammadaan ay soo gaareen xerada Milateri ee Congo ayaa waxaa qaylo dhaan ka muujiyay xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, waxayna ku tilmaameen in la doonayo in lagu soo weeraro Magaalada Muqdisho, iyagoo sidoo kale sheegay in ciidammadaan ay tababar ku soo qaateen Mustaxiil oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Ethiopia, balse arrintaas waxaa beeniyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay inay yihiin raacii hore ee ciidammada Qalabka sida.

 

Dhanka kale, Xeradaas Milateri oo ay booqdeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Siyaasadda gobolka Shabeellada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa khudbad uu madaxweynuhu halkaas ugu jeediyay ciidammadaan wuxuu ugu sheegay inay yihiin ciidammadii Qaranka Soomaaliyeed sidaa daraadeedna laga doonayo inay ammaanka dalka wax weyn ka qabataan, wuxuuna Madaxwene C/llaahi Yuusuf Sheegay in kuwa diidan in ciidammada dowladda la tababaro isla markaana la keeno qayb ka mid ah dalka ay yihiin kuwo aan doonayn haba yaraateen nabad iyo dowlad ka dhalata geyiga Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka KMG-ka ah Cali C/llaahi Cosoble Siyaad iyo xubno ka tirsan labada gole oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la dhameeyay khilaafkii u dhexeeyay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya kuwooda ku sugan Gobolka Hiiraan oo ku saabsanaa ciidammada gobolka hiiraan ee lagu darayo ciidanka Qaranka ee ku sugan Shabeellada dhexe, wuxuuna sheegay in maanta ay soo garaayaan xerada Milateri ee Congo.

 

 

Isku soo wada duuboo tababarka ciidankaan ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay ee loo furo ciidanka Qalabka sida ee dalka tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore ee Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

webmaster@puntlandpost.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii Gobolka Hiiraan ee ku sugnaa Xerada Luuq-jeeloow oo goor dhow soo gaaraya Gobolka Sh/dhexe

Posted to the Web Sep 12, 11:32

 

 

Jowhar:-Wararka naga soo gaaraya Xarunta KMG-ah ee Dawlada Soomaaliya Magaalada Jowhar ayaa xaqiijiniya in Cutubkii Ciidamadii Xooga Soomaaliyeed oo maalmahan tababaro ku qaadanayey deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ay soo gaareen Xalay saqdii dhexe Deegaanka Buurane, ayagoo ay galbinayeen Ciidamo katirsan maamulka Maxamed dheere oo ku hubeysnaa 21 Tikniko,waxaana lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Jowhar Saacadaha soo socdo.

 

Ciidamadan ayaa waxaa horkacayey Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed General Ismaaciil Qaasim Naaji iyo Saraakiil sare-sare oo ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo dhaqan-celinta Maleesiyaadka.

 

Cutubyadan ayaa horey loo shaaciyay in ay gadoodeen laakiin wareysi uu bixiyay Wasiir-kuxigeenka dhaqancelinta Maleesiyaadka Cali Jeyte ,ayuu ku sheegay in haba yaraatee aysan jirin wax gadood ah balse uu jiray khilaaf ku saabsan xaga fikirka ah oo soo kala dhex-galay Saraakiishii hogaaminaysay Ciidamada,oo qaar ka mid ah soo jeediyeen,in Saanada Ciidanka lagu qeybsado Xerada Luuq Jeeloow,iyadoo inta badan Saraakiisha ay soo jeediyeen in lagu qeybinayo Hubka Xerooyin ku yaal Gobolka Shabeelada Dhexe oo saldhig u ah Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

 

Wasiir-kuxigeenka ayaa dhaliil u soo jeediyay mid ka mid ah Wasiirada Gobolka Hiiraan,wuxuuna ku tilmaamay in uu fidinayo dacaayado ka dhan ah Ciidamada Gobolka Hiiraan,isla-markaana faraha la soo galayo hawshii ay qaban laheyd Wasaaradiisa.

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in hubka Ciidamadan loo qeybin doono ay ka mid yihiin,Jaakadaha aan Xabadu karin (Bullet-Proof)iyo ookiyaalaha habeenkii Ciidamadu xirtaan marka ay hawl-gal fulinayaan (Night-Vission).

 

Dhinaca kale shirkadii Hindiga aheyd oo iyadu ku guuleysatay in ay Dawlada Soomaaliya u sameyso Baasaboorada iyo warqadaha aqoonsiga ee Ciidamada ayaa la filayaa mar-dhaw in ay hawsheeda ka bilaawdo Xarunta Dawlada KMG-ah Magaalada Jowhar.

 

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Puntlandpost.com

webmaster@puntlandpost.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar:Ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugnaa Xerada Luuq-Jeeloow ee Baladwayn oo gaaray magaalada Jowhar halkaasna tabobar uga furmay.

- Monday, September 12, 2005 at 10:13

 

Jowhar(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugnaa xerada Luuq-Jeeloow ay gaareen magaalada Jowhar.

 

Ciidankan oo aan si rasmi ah tiradooda naloo soo gaarsiin ayaa hadana lasheegay inay ahaayeen ciidan u diyaar garaysnaa inay kamid noqdaan xoogga dalka kuwaasoo ku labbisnaa dharkii tuutaha.

 

Wararkii ugu danebeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Jowharna waxay sheegayaan in ciidankaasi uu tabo bar uga furmay magaalada Jowhar.

 

Tabobarkaasi waxaa goob joog ka ah qaybaha kala duwan ee saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaan dhigga Soomaaliya.

 

Ciidankan tagay magaalada Jowhar ayaa waxay qayb ka yihiin ciidan loogu talo galay inay noqdaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu aruurinayo xerooyin waawayn oo ku yaalla gobolka Shabeellada dhexe.

 

Ciidamo kale oo ku dhow 1,000 askari ayaa laga filayaa inay ka yimaadaan gobollada Baay iyo Bakool , kuwaasoo tabobar uga socday deegaamo katirsan gobolka Bakool.

 

Marka la isku soo duubo isku dubba ridka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maraya heer gabo gabo , ayadoo sidoo kalana magaalada Muqdisho laga diyaar garaynayo ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Ciidankan la aruurinayo ayaa waxaa dadka qaarkiis ay sheegeen inay doonayaan inay Muqdisho qabsadaan , hase ahaatee waxaa taas gaashaanka ku dhuftay madaxwaynaha Soomaaliya , raysulwasaaraha iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo sheegay inay ciidankan shaqadoodu tahay oo kaliya sugidda ammaanka dawladda iyo shacabka.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this