Sign in to follow this  
General Duke

Afmadow Dhoobley community spport the Juba admin

Recommended Posts

Afmadow iyo Dhoobley oo laga tageeray maamulka

 

14 Feb 14, 2007 - 6:39:07 AM

 

Kismaayo - Odoyaasha dhaqanka ee degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, oo maalmahaan kulamo ku lahaa deegaanadaasi ayaa markii ugu horeeyay saxaafada u sheegay inay taageersan yihiin maamulka gobolada Jubbooyinka loo soo magacaabay.

 

Nabadoon Cali Muxumed Xasan oo ka tirsanaa odoyaasha ayaa shaaca ka qaaday inay dhamaan odoyaasha beelaha degada degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobleey ay ku heshiiyeen inay taageeraan maamulka uu dhawaan Madaxweyne Yuusuf u soo magacaabay gobolada Jubbooyinka.

 

Nabadoon-ka ayaa sheegay in waxii maanta ka bilowda ay la shaqeyn doonaan mamulkaasi, isla markaana ay aqoonsan yihiin, waxuuna ugu baaqay beelaha kale ee Jubbooyinka dega inay iyagana taageeraan maamulkaasi.

 

Nabadoon Cali Muxumed waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka Somalia ay tahay Dowlada kaliya ee xiligaan Somalia ka jirtay isla markaana la rabo in shacabka ay taageeraan waxii ay usoo magacowda gobolada.

 

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa gobolada Jubbooyinka waxaa ka jiray guux ay wadaan qaar ka mid ah beelaha ku sugan degaanka Jubooyinka kuwaas oo sheegey inaysan la shaqeyn doonin maamulka la soo magcaabey.

 

 

 

 

Gobolada Jubooyinka ayaa waxa horey u soo maamuli jirey maamulo ay soo dhisaan dagaal ogaayaashii ku dagaalami jirey degaanadaas kuwaas oo colaad dhex dhigey shacabka walaalaha ah ee ku nool degaanadaas.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxgarad iyo Culuma-udiin ku dhaqan deegaanada Afmadoow iyo dhoobley oo soo dhaweeyey Maamulada Cusub.

 

Waxgarad iyo culuma-udiin ku dhaqan deegaanada afmadoow iyo dhoobley ayaa soo dhaaweeyey Maamuladii loo dhisay gobolada Jubooyinka ee uu magacaabey Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.

 

hogaamiyaasha dhaqanka iyo siyaasiinta deeganadaasi oo maalmahaani lahaa kulamo is dabajoog ah kadib ayaa waxa ay taageereen oo ay soo dhaweeyeen qorshaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee ah Maamulada loo sameeyey gobolada J/dhexe iyo J/Hoose waxaana ay sheegeen in dhibaatooyinka hada jira looga bixi karo oo kaliya in la helo nadaan dowladeed islamarkaasina lahelo goboladaan Maamulo kashaqeeya oo joogta ah korneel ismaaciil haaruun oo kasoo jeeda deeganadaasi siyaasiintooda ayaa waxa uu sheegay in maamulkii dhawaan laga Magacaabey deeganada Gobolada Jubooyinka si weyn looga taageeray dhinaca afmadoow iyo waliba dhoobley kuwaasoo oo uu howla shaqo uu ugu maqnaa maalmihii la soo dhaafey.

 

hadaba taageerista Maamulkaani ee deegaanada jubooyinka qaar kood sida afmadoow iyo dhoobley ayaa waxay kusoo beegantay xili qaar ka mid ah beelaha dega gobolada jubooyinka ay diideen qaabka loo maamuley gobolada jubooyinka kuraasta lasiiyey iyo waliba sida loo dhisay maamuladaasi.

 

hase yeeshee waxaa arrintaasi iyaguna si weyn u soo dhaweynaya deegaanadaasi oo katirsan gobolada J/hoose iyo J/dhexe

 

 

abdi.farjano

kismaayopost@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odoyaasha ku dhaqan Afmadoow iyo Dhoobleey oo soo dhaweeyay maamulka DF ay usoo magacowday Jubbooyinka.

 

Odoyaasha ku dhaqan Degmooyinka Dhoobleey iyo Afmadoow ayaa soo dhaweeyay maamulkii uu Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf u magacaabay Gobolada Jubbooyinka.

 

Odoyaashaan iyo Siyaasiyiinta Afmadoow iyo Dhoobleey ku dhaqan oo maalmahaan kulamo goos goos ah u socday ayaa sheegay in loo baahan yahay in la taageero maamulka DF ay usoo magacowda Gobolada Jubbooyinka.

 

Odoyaasha ayaa sheegeen in Dowlada Federaalka ay tahay dowlada kaliya oo Somalia ka jirta isla markaana nidaam dowli ah loogu bixi karo dhibaatooyinka 16-saano ee lasoo dhaafay ka jiray Somalia .

 

Hadal kasoo yeeray Odoyaasha iyo Siyaasiyiinta ku dhaqan Degmooyinka Afmadoow iyo Dhoobleey ayaa lid ku noqonaya qaar kamid ah beelaha dega Jubbooyinka oo maalmihii ugu dambeeyay sheegayay inaysan taageersaneen maamulka cusub ee DF usoo magacowday goboladaasi.

 

 

C/qaadir Maxamed C/qaadir

Xafiiska Allbanadir ee Muqdisho Soomaaliya

Allbanadir "Somali News Center" allbanadir@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

WARMURTIYEED ay ka soo saareen Jaaliyadaha Jubooyinka iyo Bakool Dalka Denmark

Posted to the Web Feb 15, 02:12

 

 

Warmurtiyeed: Copenhagen, Denmark – 13-02-2007

 

Copenhagen:(pp) - Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka jaaliyadaha jubbooyinka iyo Bakool oo ka dhacay dalka Denmark taariikhda dusaha ku xusan, qaab taleefanna ay kaga qayb galeen jaaliyadaha dalalka kale ee Skandinavia ayaa waxaa lagaga hadlay oo lagu falanqeeyay guud ahaan xalaadda geeska Afrika , gaar ahaan xaaladda ay ku suguntahay Somaliya .

 

Waxaa shirka ka soo qayb galay xubna fara badan oo matalya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culamaaudiinka, salaadiinta, haweenka iyo aqoonyahano fara badan . Sidoo kale waxaa shirka ka soo qaybgalay xubno fara badan oo matalaya dhammaan bulsha waynta Soomaliyeed ee nabadda jecel, kuna taamaya sidii loo soo celin lahaa qarankii somaliyeed ee bur buray.

Waxaa shirka si cilmiyaysan oo hufan la isula falanqeeyay burburkii iyo musiibadii umadda Somaliyeed ku habsatay muddada dheer iyo hagardaamada ay mar walba dad qaran diid oo dana gaar ah wata u adeegsanyaan qaabab kala duwan oo ku salaysan caadifad qabali ah.

 

Shirku wuxuu hoosta ka xariiqay in laga gudbay xilliggii umadda Somaliyeed loo adeegsanayay caadifadda qabiilka ee u horseeday burbur iyo qaran la áanta muddadii 16ka sano ahayd .

 

Gabagabdii shirku wuxuu isku raacay qodobada hoos ku qoran:

 

In si buuxda loo taageero geedi socodka nabadeed ee ay hormoodka ka tahay dawladda ku meel gaarka Somaliyeed, si loo xaqiijiyo sugidda nabadda iyo soo cellinta qarankii burburay ee somaliyeed.

 

Dhammaan xubnihii shirka ka soo qayb galay waxay si buuxda u taageereen go'aankii ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha dawladda ku meelgarka ee lagu dhisay maamuladda gobollada Jubbooyinka iyo Bakool , waxayna si wayn u diidanyihiin, digniina siinayaan cid allaale ciddii carqalad galinaysa qaabka loo dhisay maamulada gobollada dusha ku xusan.

 

Shirku wuxuu soo dhowaynayaa qaaabka federaalka ee ay hiigsanayso dawladda ku meelgaarka, kuna xusan dastuurka qararanka – taas oo ah tubta kaliya ee lagu gaari karo qaab dawli ah oo caddaalad ku dhisan.

 

Waxaanu si buuxda u soo dhowaynaynaa shirka nabadeenta ay ku dhawaaqday dawladda ku meel gaarka, si loo dhamaystiro nabadaynta iyo isasaamaxaadda bulshada Soomaliyeed.

 

Ugu dambayn waxay dhammaan xubnihii shirka ka soo qaybgalay ugu baaqayaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee nabadda jecel in ay taageeraan geedi socodka nabadeed, oo ay saxaan khaldaadka jira iyada oo aan mar walba dib loogu noqon halkii socodka laga soo bilaabay .

 

Dhammaan xubnihii shirka ka soo qaygalay waxay isku raacay in la qabto shir ballaaran oo lagaga hadli doono qaabkii loo taageeri lahaa maamuladda loo dhisay goboladda Jubbooyinka iyo Bakool. Shirkaas oo dhici doono bisha Marso.

 

Waxaa go'aamada dusha ku xusan saxiixay dhammaan xubnaha hoos ku qoran – wixii dheerad ah waxaa kala soo xiriiri kartaa:

1. Suldaan Maxamuud Siciid Qiilmawaaye tlf.. 45- 26117415

 

2. Xildhibaan Axmed Xuseen Dhaqane tlf.. 45-20616245

 

ama Email: kisima99@hotmail.com

Suldaan Maxamuud Siciid Qiilmawaaye

Col. Zubeer cabdikariin Boorle

Dr. Xuseen Baynax Barre

Col. Cabdiqafaar Aden Shukri

Suldaan Xaaji Xuseen Maxamed

Col. Faarax Bootaan Ugaas

Yaasiin Siciid faarax Qiilmawaaye

Dr. Cabdi Muuse shiil

Maxamed xassan Gelle

Col. Siciid cabdille ( siciid dheere )

Dr. Maxamuud Maxamed Jaamac

Axmed Qaybdiid Cumar

Maxamed faarax Ciise

Shukri Cumar Gaboose

Xaaji Faarax Siciid Aw-yususf

Col. Cabdiqaadir Cabbane ( Bionde )

Oday Jaamac Maxamuud Maxamed

Ing. Cabdiqaadir Ibraahim Cali Shire

Garaad Axmed Maxamed Cali ( Guufe )

Cabdi Xassan Abokor

Xildhibaan Axmed Xuseen Dhaqane

Fataax Axmed Fataax ( Salme )

Cabdirashiid Axmed Sahal

Deeq Nuur Kadiye

Avv. Cumar Yusuf Faarax

Cabdirashiid Faarax adan

Maxamed Warsame Faarax Xagar

Oday Cabdi Cilmi ( Cabdi shiil )

Maxamuud Khaliif

Faarax Abshir Cali

Maxamuud Khaliif Kuuja

Xassan Sheekh Axmed Nuur

Shaale Cuncun

Col. Nuux Maxamed Axmed

Dr. Xuseen Hire Xirsi Cawl

Axmed Xaaji Maxamed Sheikh cabdisalaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

They are only supporting the TFG because they received a petty position. they would probabily be whining like the other tribe if one of their tribesman was not made the leader.

 

its shows the nature of the somali people, may allah guide us all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Through a second hand info from a person I know who is very close to the Ugaska beesha Bula-Haji, ugaas Hafow, their protest is not altogether a rejection of the administrative positions given to them altho they deserved more, but to manifest how unsatisfied they are with the allocation of the positions of authority for the region of lower Juba. They do, however, support the government and vowed to continue their support fully in terms of the administration, peace, and participation of the civil and army services-nearly 800 of them accepted to be recruited recently despite a sizable number of them turning down the enrollment due to a conflict of the sources of income that is congruent with the one they had to forgo—see that as an opportunity cost :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Axmed, I made two main points. The position given to the beesha is not an altogether rejection. As you can hear Dr. Gacmadhere and Ugaska are in not in agreement altho the authority of the Ugaas prevails over him except where he can be pushed to compromise. The Dr. is satisfied with the position and wants to keep it, but the Ugaas is sort of overtaken by emotion and political conviction of how the clan was left out in other regions like Bay, so he is sending the right message that the clan is too spread out to deserve more than this mere administrative appointment of Kismaayo.

 

The second point I made comes into total agreement with what I said and what the Ugaas said that they will continue supporting the government because the restoration of peace and security is an integral priority for both the government and the people.

 

wax badso wax beel bay leedahey, koley taasaan odhan lahaa

Thanks for the interview anyway.

 

i wish Somalia for peace and the end of anarchy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't know who gacmadheere is or how he pretains to the subject, however, you said you talked to a person close to the ugaas and he said that reer Bula-haji are not all together rejecting the positions given to them, when that is exactly what the ugaas is saying; "anaku hadaan nahay beesha Bula-haji waan QAADACNEY xilka nalo soo magacaabey."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this