Emperor Posted June 20, 2009 Barakacii ugu ballaarnaa oo saakay ka soconaya degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo C/casiis Waxaa saakay barakicii ugu ballaarnaa ka soconayaa degmooyin ku yaala Waqooyiga magaalada Muqdisho oo aan laga qixin labadii sano oo ay dalka ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya iyo wixii ka dambeeyay, kuwaasoo ay ka mid yihiin Kaaraan, Shibis, C/casiis iyo qeybo ka mid ah degmooyinka Boondheere iyo Shingaani. Waddooyinka ku yaalla degmooyinkaasi ayaa saakay waxaa lagu arkayaa boqollaal qoys oo u badan caruur iyo dumar oo wata agab u badan firaash iyo maacuun oo daadsan waddooyinka kuwaasoo qaarkood sugaya gaadiid fara ku tiris ah oo si teel-teel ah saakay uga shaqeynaya qeybo ka mid ah degmooyinkaasi, halka kuwo kalena ayba cagta doorbideen maadaama aanay awood u lahayn inay gaari kireystaan. Barakacan saakay ka soconaya degmooyinkaas ayaa ka dambeeyay kaddib markii ay saamayn ba’an ku yeesheen dagaalladii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay duleedka degmada Kaaraan oo ay ugu sii darneyd kii shalay gelinkii dambe ilaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Kaaraan iyo qeybo ka mid ah degmada C/casiis, waxaana soo wajahday cabsi fara badan oo ay ka qabaan dagaal mar kale ka dhaca deegaanadaasi. Cabdiraxmaan Macalin Xuseen Mamaan82@hotmail.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com dayniilecom@hotmail. com deyniilenews@yahoo.c om Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 20, 2009 The human loss, massive shelling of the AMISON and the largest civil displacement seen, the tragic cost of this senseless war is beyond believe... Quote Share this post Link to post Share on other sites