Paragon Posted November 9, 2006 Maxkamad islaami ah oo lagaga dhawaaqay Qooqaani Mogadishu 09, Nov.06 ( Sh.M.Network) Maxkamad islaami ah ayaa lagaga dhawaaqay deegaanka Qooqaani ee gobolka J/hoose, Maxkamadaasi oo hoos-imaaneysa Midowga maxkamadaha islaamka Somalia. Maxkamaddaan oo loogu magac daray maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee deegaanka Qooqaani ayaa munaasabadii lagu furayay waxaa ka qeybgalay culuma udiin iyo waxgarad aad u fara badan sida uu shabelle u sheegay Gen. Sacad oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Maxkamadda islaamiga ee Dhoobleey. Waa maxkamadii labaad oo laga furo muddo labo todobaad gudahooda deegaanada Jubada hoose, iyadoo Sheekh Xasan Turki uu maxkamad islaami ah horey uga furey deegaanka Hoosibgow. Tirada maxkamadaha islaamiga ee laga furey K/Somalia tan iyo markii maxkamadaha islaamka ay qabsadeen caasimada Somalia ayaa waxa ay ka badan yihiin 30 meeyo Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites