guraad Posted March 12, 2004 Friday, March 12, 2004 at 07:05 Laascaanood (RadioLascaanod)- Madaxa Hay'ada NPA Cismaan Saleebaan iyo Sarkaal kale oo ka tirsanaa Hay'ada una qaabilsanaa dhinaca Mashaariicda biyaha oo isaga lagu magacaabo Khamiis Cabdi joome una dhashay dalka Kenya ayaa Habeen hore goordanbe damaanad lagu sii daayey ka dib markii ay odaayaal, Isimo iyo wax garad arrintaasi soo dhexgaleen. Madaxa Hay'ada NPA oo Arbacadii galinkii Hore loo taxaabay saldhiga magaalada Laascaanood ayaa waxa uu xeer ilaaliye ku xigeenka Guud ee Puntland ahna xeer ilaaliyaha gobolka sool C/rashiid barkhadle u sheegay warbaahinta in lagu soo eedeeyey madax Hay'ada in aanay waxba ka qaban waxyaalihii ay Hay'adaha kale ee caalamiga ah , kaga soo qaadeen hantida , sida Hay'adaha qaramada Midoobey UNDP, UNHCR oo ay mashaariic farabadan in ay gobolka u qabanayaan hanti badan kaga soo qaaday Wuxuuna intaasi ku daray markii la weydiiyey Madaxa Hay'ada NPA mashaariicdaasi halka ay ku danbeeyeen in uu diiday in uu wax jawaab ah ka bxiyo su'aalahaasi la weydiiyey, sidaa daraadeed ayuu yidhi xeer ilaaliyuhu ayaan talaaban u qaadnay , annaga oo ilaalinayna hantida lagu soo qaadayo magaca shacabka ee la lun sanayo. Wuxuuna Xeer ilaaliyuhu Sheegay in uu ku sugnaan doono Xaruntooda , isla markaana aanu magaalada dibada uga bixi karin ilaa iyo inta ay dhamaanayaan baadhitaanka lagu hayo hawlahaasi. Radio Laascaanood Quote Share this post Link to post Share on other sites