Suldaanka Posted January 28, 2008 Ciidamo Wata Tikniko Oo Xoog Kula Wareegay Bangiga Dhexe Ee Garowe January 28th, 2008 [News] | Garowe (Somaliland.Org) Ciidamo gadoodsan oo isagu jira ciidamadda Booliska iyo kuwa milatariga Puntland ayaa maanta xoog kula wareegay Bangiga dhexe ee Puntland, kaaso ku yaala caasimadda Garowe. Ciidamaddan oo ku hubsyana gawaadhida loo yaqaano tiknida iyo hubka noocyadiisa kala duwan ee culus ayaa la wareegay gebi ahaan Bangiga dhexe. Ujeedada ka danbaysa qabshashada ciidamada ee Banka ayaa la sheegay inay tahay mushaharooyin ka maqnaa muddooyin badan oo ay shegten inan wax mushahar la siin labadii sanadood ee ugu danbeeyey. Ciidamadan aya sida ay wararku sheegayan waxa ay isugu jiraan ciidamo ku xeraysnaa xerooyinka ciidamadda Garowe iyo kuwo ku sugnaa tuuladda Tukaraq oo Garowe waxyar u jirta, kuwaas oo ah baddi ciidamaddii laga soo saaray magaaladda Lascaanod. Degaanadda Puntland ayaa sanadkii ugu danbeeyey waxa ka aloosnaa qas iyo kala danbeynla'an ba’an taasoo marar badan afbuud logu geystay dad ajaanib ah iyadoo dhinaca kale dagaalo khasaare kala duwan geystay ay ka dhaceen Boosaso iyo Garowe bilahii ina soo dhaafay. Waxii kasoo kordha arrintan kala soco Somaliland.Org © Somaliland.Org London Bureau Quote Share this post Link to post Share on other sites