AYOUB Posted November 17, 2008 Na soo gaadhe Jabuutow tixahaad soo gudbinayseene Geeraarradiinii hellnay iyo gabayadiinniiye Una guuxnay hawraarta guud, hiilna loo garaye Maansadu godkii ay lahayd maydun gees marinne Alle waydin garansiiyey oo gob iyo caadkeede Garna waad u leediin tolkiin inad gargaartaane Gacmihii walaalaha ahaa waysku gunuddeene Gurmashadu markay ku hab-samayd waa gilgilateene Annana geesinnimo noo tartiyo garab-ku-taaglayne... ~ Qaasim Variations Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 17, 2008 ^^Jinku wuxuu galaa meel insugu gooyey waa hore'e Gabayada aad tirinayso iyo waxaad gufaacayso wax ma garadku wuxuu moodayyaa gacalo hoosaade Gacmahii walaalaha ahaa adaa gooyey waa hore Haddaad gooni joogow dalkii goonyar ka istaagtay Gurmadkaad haddeer doonaysaa sow gol maran maaha ? Markaasaan ka daayey ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 17, 2008 yaa go'ay yaa ka go'ay yaase kala gooyay gacmaha cidii jartay geesi yaa ka ahaa go'aankii hore kii gooni isula taagay ee is giijiyee keligii gole yar soo ootay mar haduu gartaydii asmacay garasho weeyaane inkastoonan gundhigaa weli la maaraynin Gari Allay taqaane waa la soo gunaanadi ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 17, 2008 ^^I acknowledge your sincere effort. But what you hazarded above is more egregious than the infamous suugaaan homicide our Aw Tusbaxle was found guilty off. This is a premeditated murder ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 17, 2008 Kollayba amaan kaamaan filaynin niyow ,,,, shall we talk about yours now ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 17, 2008 Madaxweynaha Somaliland oo maanta qaabilay waftigii ka socday dalka Jabuuti Hargaysa,(Qaran News)-War-saxaafadeed laga soo saaray xarunta madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, oo loo qaybiyay saxaafada isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda qarannews, warsaxaafdeedkaasi oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland mudane Siciid Cadaani waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidan hoos ku qoran. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi balaadhan oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cali Faarax Casoowe. Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga reer Jabuuti , waxa ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada Nabad gelyada , Dhaqaalaha , waxana Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti uu Madaxweynaha iyo shacbiga reer Somaliland gaadhsiiyay dhambaal taageero iyo tacsi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ka tacsiyadaynayay dhacdadii waxshinimada ee argagaxisadu ay ka fulisay caasimada Hargeysa. Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhamaaday Jawi fiican oo is afgarad. Kulankaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirada Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale, Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali “Cirro”, Duulista iyo Hawada Mudane Cali Waran cadde iyo Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir. Waftigan reer Jabuuti oo uu hogaaminaayo wasiirka maaliyada ee dalka Jabuuti ayaa doraad dalka soo gaadhay waana waftigii ugu cuslaa ee dalka yimaadalana socda dalka Jabuuti tan iyo intii ay Somaliland xornimadeedii dib ugala soo laabatay dalkii Somaliya ee ay la midowday 1960'kii, tan iyo intii uu madaxweyne Rayaale xilka qabtay waxa sii xoogaysanaayay xidhiidhka labada dal, waloo ay jireen marar uu xidhiidhka labada dal xumaaday hadana sanadii ugu danbaysay waxa uu isku shareeray xagii ugu saraysay Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted November 17, 2008 Xiin Dul-ka-NABAD-DOON baa tahay Uur-ka-TFG baa tahay Dibno MUQAAWAMA baa tahay Isha bidixna kuu daban Dalba-Juuqahaaguna Wax la dedo ka xeel dheer Allow yaa ku dooxoo Haddana aan ku dilinoo Waxaad damacsantee kale Debedda ula soo baxa Afartaa dheh Deelleey Dabray oo ka jeedladay waxan uga danlee yahay Dadka reer Jaboutee Dawladnimada tooda ah Cidna aan iskaga darin Waa deris walaalkaya Dugsi weeye gacalnimo Anigu waan ku diirsaday Lama dira-diraalayn Ha daardaarin waa gobe... Iidaan Variations PS You wrote that for moi? Oh I feel sbecial. Bedtime Wanaagsan sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 17, 2008 ^^You only forgot to add one important beyt! Inaad tiraahday ahayd Ayyoubow: Deellayda aan shubay Waxaan soo dacaaftumay Marka laysku soo daro Daakhilkooda loo tago Hoos loogusii dego Dun lifaaqu jabanyahay Nin daciifa hadalkii Ayyey Daabaceed tahay! Markaasaan ka qabtay illeen waa Ayyoube ! ps...iska seexo oo mar danbe ha heesin adeer! Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted November 18, 2008 Oh god is this another gabay aa ii haaya thread? lool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 18, 2008 Redka ,, stay away hadii kele duufaanku yaanuu kula tegin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted November 18, 2008 aniga ayaan doondoonin; oo gabaygu daaqad ii yaal; sidii daahi maradiiye ... waar ma wadaa Djibouti waxay cadaysay inay tahay dadka dad inoogu xiga runtii. Actions speak louder than words. Kudos to Djibouti leadership for their swift actions. Hopefully, the small wrinkles in our politics will be smoothed out as well. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 18, 2008 Djibouti President is just an opportunitist sxb ,, his policies failed against Somaliland and he has no choice to to keep what remained of his face. Somaliland government should be careful. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 18, 2008 Originally posted by Suldaanka: aniga ayaan doondoonin; oo gabaygu daaqad ii yaal; sidii daahi maradiiye ... waar ma wadaa I spotted a deel qaaf already! Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted November 18, 2008 Nimuu miriray maankii qalbiga mohoraddii nuurta Oo masaxan Quraanbaan u marin magane waa yaabe Adoo deel micnaha uga waduu miim akhriyayaaye Allaa Maaliga buu xuskii muran ka keenaaye Marinkaad tustaabuu derbiga madaxa saaraaye Magacaaga hadalkii xunee mirir ku reebaaya Dib baa looga maagaa intaan uunku kaa maqalle Mar hadduu magaalada dhexgalo xaalku kaa murugye Allaa Maaligee gabaygi waa kaa maroorsamaye _Dharbaaxo Jinn. Quote Share this post Link to post Share on other sites