Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Djibouti Delegation Visits Somaliland

Recommended Posts

AYOUB   

Na soo gaadhe Jabuutow tixahaad soo gudbinayseene

Geeraarradiinii hellnay iyo gabayadiinniiye

Una guuxnay hawraarta guud, hiilna loo garaye

 

Maansadu godkii ay lahayd maydun gees marinne

Alle waydin garansiiyey oo gob iyo caadkeede

Garna waad u leediin tolkiin inad gargaartaane

 

Gacmihii walaalaha ahaa waysku gunuddeene

Gurmashadu markay ku hab-samayd waa gilgilateene

Annana geesinnimo noo tartiyo garab-ku-taaglayne...

~ Qaasim Variations smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Jinku wuxuu galaa meel insugu gooyey waa hore'e

Gabayada aad tirinayso iyo waxaad gufaacayso

wax ma garadku wuxuu moodayyaa gacalo hoosaade

Gacmahii walaalaha ahaa adaa gooyey waa hore

Haddaad gooni joogow dalkii goonyar ka istaagtay

Gurmadkaad haddeer doonaysaa sow gol maran maaha ;) ?

 

Markaasaan ka daayey :D !

Share this post


Link to post
Share on other sites

yaa go'ay yaa ka go'ay yaase kala gooyay

gacmaha cidii jartay geesi yaa ka ahaa

go'aankii hore kii gooni isula taagay

ee is giijiyee keligii gole yar soo ootay

mar haduu gartaydii asmacay garasho weeyaane

inkastoonan gundhigaa weli la maaraynin

Gari Allay taqaane waa la soo gunaanadi ...

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I acknowledge your sincere effort. But what you hazarded above is more egregious than the infamous suugaaan homicide our Aw Tusbaxle was found guilty off. This is a premeditated murder :D !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland oo maanta qaabilay waftigii ka socday dalka Jabuuti

 

 

WaftiJabuuti.JPG

 

 

Hargaysa,(Qaran News)-War-saxaafadeed laga soo saaray xarunta madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, oo loo qaybiyay saxaafada isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda qarannews, warsaxaafdeedkaasi oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland mudane Siciid Cadaani waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidan hoos ku qoran.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa

maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi balaadhan oo uu hogaaminayay Wasiirka

Maaliyada Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cali Faarax Casoowe.

 

Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga reer Jabuuti , waxa ay ka

wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii

laysaga kaashan lahaa dhinacyada Nabad gelyada , Dhaqaalaha , waxana

Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti uu Madaxweynaha iyo shacbiga reer

Somaliland gaadhsiiyay dhambaal taageero iyo tacsi ah oo uu ka siday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ka

tacsiyadaynayay dhacdadii waxshinimada ee argagaxisadu ay ka fulisay

caasimada Hargeysa. Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhamaaday Jawi fiican oo is afgarad. Kulankaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirada Maaliyada Mudane

 

Xuseen Cali Ducaale, Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali

“Cirro”, Duulista iyo Hawada Mudane Cali Waran cadde iyo Maayarka

Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir.

 

Waftigan reer Jabuuti oo uu hogaaminaayo wasiirka maaliyada ee dalka Jabuuti ayaa doraad dalka soo gaadhay waana waftigii ugu cuslaa ee dalka yimaadalana socda dalka Jabuuti tan iyo intii ay Somaliland xornimadeedii dib ugala soo laabatay dalkii Somaliya ee ay la midowday 1960'kii, tan iyo intii uu madaxweyne Rayaale xilka qabtay waxa sii xoogaysanaayay xidhiidhka labada dal, waloo ay jireen marar uu xidhiidhka labada dal xumaaday hadana sanadii ugu danbaysay waxa uu isku shareeray xagii ugu saraysay

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Xiin

 

Dul-ka-NABAD-DOON baa tahay

Uur-ka-TFG baa tahay

Dibno MUQAAWAMA baa tahay

Isha bidixna kuu daban

Dalba-Juuqahaaguna

Wax la dedo ka xeel dheer

Allow yaa ku dooxoo

Haddana aan ku dilinoo

Waxaad damacsantee kale

Debedda ula soo baxa :D

 

 

Afartaa dheh Deelleey

Dabray oo ka jeedladay

waxan uga danlee yahay

Dadka reer Jaboutee

Dawladnimada tooda ah

Cidna aan iskaga darin

Waa deris walaalkaya

Dugsi weeye gacalnimo

Anigu waan ku diirsaday

Lama dira-diraalayn

Ha daardaarin waa gobe...

 

Iidaan Variations

 

PS You wrote that for moi? Oh I feel sbecial. smile.gif Bedtime Wanaagsan sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^You only forgot to add one important beyt!

 

Inaad tiraahday ahayd Ayyoubow:

 

Deellayda aan shubay

Waxaan soo dacaaftumay

Marka laysku soo daro

Daakhilkooda loo tago

Hoos loogusii dego

Dun lifaaqu jabanyahay

Nin daciifa :D hadalkii

Ayyey Daabaceed :D tahay!

 

Markaasaan ka qabtay illeen waa Ayyoube :D !

 

ps...iska seexo oo mar danbe ha heesin adeer!

Share this post


Link to post
Share on other sites

aniga ayaan doondoonin;

oo gabaygu daaqad ii yaal;

sidii daahi maradiiye ... waar ma wadaa smile.gif

 

 

Djibouti waxay cadaysay inay tahay dadka dad inoogu xiga runtii. Actions speak louder than words. Kudos to Djibouti leadership for their swift actions.

 

Hopefully, the small wrinkles in our politics will be smoothed out as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Djibouti President is just an opportunitist sxb ,, his policies failed against Somaliland and he has no choice to to keep what remained of his face.

 

Somaliland government should be careful.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Suldaanka:

aniga ayaan doondoonin;

oo gabaygu daaqad ii yaal;

sidii daahi maradiiye ... waar ma wadaa
smile.gif

 

I spotted a deel qaaf :D already!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Nimuu miriray maankii qalbiga mohoraddii nuurta

Oo masaxan Quraanbaan u marin magane waa yaabe

Adoo deel micnaha uga waduu miim akhriyayaaye

 

Allaa Maaliga buu xuskii muran ka keenaaye

Marinkaad tustaabuu derbiga madaxa saaraaye

Magacaaga hadalkii xunee mirir ku reebaaya

 

Dib baa looga maagaa intaan uunku kaa maqalle

Mar hadduu magaalada dhexgalo xaalku kaa murugye

Allaa Maaligee gabaygi waa kaa maroorsamaye

_Dharbaaxo Jinn. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this