Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Djibouti Delegation Visits Somaliland

Recommended Posts

SDWO (Hargeisa 15/11/08) Waxa galabta Magaalada Hargeysa soo gaadhay wafti balaadhan oo uu ka socda dalka Djibouti, waftigan oo uu hogaaminayo wasiirka maaliyada ee dalka Djibouti Mud. Cai Faarax oo uu ku weheloyo la taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Mud. Xaashi C/llahi, iyo Gacansade layidha C/raxmaan iyo saraakiil kale waxa isna dalka Djibouti ka so raacay wasiirka maaliyada Somaliland Cawil Cali Ducaale oo isagu baryahan ku sugnaa Wadanka Djibouti.

 

Waftiga ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Madaarka Cigaal international Airport ee Magaalada Hargaysa, Waxa Madaarka ku soo dhaweeyay wasiiro iyo madax sar sare oo ka tirsan xukuumada Somaliland iyo golayaasha qaranku.

 

Wasiirka maaliyada ee Djibouti ayaa saxaafada ugu Waramay qolka nasashad Madaarka ayaa sheegay in ay Somaliland iyo Djibouti iska kaashan doonaan arimo badan isla markaasna dawalda Djibouti mashaariic ka hirgalin doonto dalka Somaliland.

 

“Anigoo ku hadlaya Afka Madaxeynaha Jamhuuriyada Djibouti, Mud. Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan mar labaad shacbiga Somaliland ka tacsiyadeynayaa falalkii qaraxyadii khasaaraha badan geystay, oo runtii aanu aad uga xumaanay,”Ayuu Yidhi Wasiirka Maaliyada Djibouti, oo saxaafada ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa.

 

“Waxaanu u soconaa sidii aanu xukuumada Somaliland aanu ugala xaajoon lahayn iskaashiga dhinaca dhaqaalaha iyo hagaajinta wadooyinka labada dal”ayuu intaas raaciyay Md. Cali faarax Casoowe.

 

Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti, wuxuu sheegay inuu masuuliyiinta Somaliland kala hadli doono qorshe uu baanka sadexaad ee France, oo xarun ku leh Djibouti uu dhawaan laan uga furan lahaa Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan xukuumada Somaliland aan xaajoon doonaa sidii Baanka sadexaad ee dalka Faransiiska oo Djibouti xarun ku lihi uu Somaliland dhawaan uga furan lahaa laan”.

 

 

LA SOCO SAWIRADA WEFDIGA IYO WARARKA DANBE EE KA SOO KORDHA WEFTIGA..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Redy:

loool...maya I am afraid this time.

 

ps. isn't this guy from SL originally?

No he is Djboutian miise haybtiisa baad sheegaysa. haybtiisa waxay isku hayb yihin wasiirka arimaha gudaha somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Mr. way dhaqaaqday ,,, tolow xagee bay qabatay ,,
:D

walahi somaliland sumanka bay no xiidhanahay way duushay waleh ciidna oo joogin mayno

 

wa bilahi tawfiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Yep that is what I thought. By hayb ahaan he is somalilander.

 

JB,

 

dabaal, inaan soo kufno soo marnay, ka kacnay, dabaalanay, lugaynay, orodnay, and finally as xunjuf said suumanka ayaa noo xidhan and we are ready to take off. Anyone who isn't on board now will be left behind. So stump your ticket and get on board before its too late. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Redy its like xassan gullled abti doon the former president oF djbouti technically wa somalilander oo seylac bu ku dhashay. laakin hayb ahana wa Djboutian its funny ismacil cumar geele wa qoti dhirdhawe ka yimid haseyeshe wa madaxweynaha Jabuuti.

 

jacaylbaro oo ma dawlada baad ka miid tahay adigu wasiiirka jacaylka hadad rer burco tahay wasiirka horboodka baan ku siin laha lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

JB xero awr ayuu joogaa, reer burco mar hore ayey xidhi lahaayeen. JB waa liberal and as u know Burco is a Muslim conservative town.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this