Sign in to follow this  
Gabbal

The Cali Madoobe situation?

Recommended Posts

Gabbal   

Jeneral Cali Madoobe oo ku gacan-sayray inuu ka baxo Magaalladda Baydhabo.

 

Baydhabo, Talaado, Okt. 17, 2006 Simba Radio.

 

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed General Cali Xasan Looyaan "Cali Madoobe ", ayaa ku gacan s ayr ray inuu isaga baxo Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, ayada oo waqtigii 24-kii saac ahaa ee loo qabtay inuu Magaalada uga baxana uu gabaabsi yahay.

 

Jeneral Cali Madoobe, ayaa ku gacan sayray xubnihii Guddiga Waan-waanta waday ee uu ka mid ahaa Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo ku adkeystay inuu isaga baxo Magaalada Baydhaba, si loo yareeyo xiisadda colaadeed ee ka dhex oogan isaga iyo Aadan Maxamed Nuur “Saransoorâ€.

 

Wararka ka imanaya Magaalada Baydhaba, ayaa waxa ay sheegayaan in Cali Madoobe uu ku wargeliyay xubnihii uu ka mid ahaa Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi in isaga uusan marnaba ka baxeynin Magaalada Baydhaba, haddii ay xal doonayaanna ay Magaalada ka saaraan Aadan Saransoor.

 

Ra'iiusl Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ayaa lagu warramayaa in uu usoo jeediyay Aadan Saransoor in Jeneral Cali Madoobe uu iska sii joogo Magaalada Baydhaba islamarkaana wixii uu ka tabanayo ay Maxkamada ku kjala Baxaan.

 

Ilaa iyo hadda Aadan Saransoor wax jawaab ah kama aanu bixin Hindisaha Ra'iisul wasaare Geeddi.

 

Xiisadda, ayaa iminka ah mid aad u kacsan ayada oo aan la ogeyn Talaabada uu qaadi doono Aadan Saran Soor, maadama uu sheegay in haddii uusan General Cali Madoobe 24 saac gudahood uga bixin Magaalada Baydhaba ay taasi cawaqib xumo ka dhalan doonto.

 

Dhinaca kale Maleeshiyooyin kasoo amba baxay Degmada Baardheer ee gobolka Gedo, kuwaasi oo kusoo jeeday Magaalada Baydahaba si ay u garab siiyaan Jeneral Cali Madoobe, ayaa dib loo celiyay, si Xiisada loo qaboojiyo, islamarkaana looga hortago dagaal ka qarxa Magaalada Baydhaba oo fariisin u ah Dowladda KMG ah ee Somalia.

 

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magalaada Baydhaba, ayuu Aadan Saran Soor shalay ku sheegay in General Cali Madoobeuu 24 saac gudahood isaga baxo Magaalada Baydhaba, taasina ay tahay xalka kaliya ee uu ku qanci karo.

 

Abaarihii Maqribadii ee habeen hore ayaa lagu guuleystay in laga qaado Maleeshiyaadka Aadan Saransoor oo hor fadhiyay Guriga uu Baydhabo ka degan yahay Jen. Cali Madoobe, kuwaasi oo la geeyay halkii ay horey u degnaayeen.

 

Xiisadda ka dhex aloolsan labada nin ayaa la rumeysan yahay inay salka ku heyso weerar Maliishiyada Saran Soor ay ciidamad Dowladda ugu geyteen garoonka Diyaaradha Magaalada Baydhaba, kaasi oo tiro badan oo iyaga ka mid ah lagu laayay, ayada oo Saran Soorna uu rumeysan yahay in amarka lagu weeraray Maleeshiyadiisa uu Bixiyay Jeneralka.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kulamo Ballaaran Oo Looga Soo Horjeedo Dhacdada Ay Shalay Maleeshiyo Taabacsan Qabqable Soransoor Ay Isugu Gadaameen Xarunta Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Looyaan Ee Magaalada Baydhabo Ayaa Maanta Lagu Qabtay Deg/ Kamid Ah G/GEDO

Oct 17,2006

by Baardheere-Gedo-NN

 

Kulamadan oo diirada lagu saarayay sidii la iskula eegi lahaa cawaaqibka iyo falka ay maleeshiyaadka Aadan Soransoor ay isugu gadaameen xarunta taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen.Cali maxamed Xasan Looyaan (Cali Madoobe) ee magaalada Baydhabo ayaa xalay ilaa saaka ka kala dhacay xarunta Golaha Odayaasha Ee Deg/ Baardheere, hoolka shirarka ee Degmada Buurdhuubo iyo Xarunta maamulka Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolkan Gedo, iyadoo ay dadkii fadhiyaasi ka hadlayna ay isla meel dhigeen qodobo dhawr oo digniin adag loogu jeediyay shaqsyaadka ku lug leh howlahaasi.

 

Afhayeenka Golaha Waxgaradka Degmadan Baardheere Faarax Hire Guhaad oo saaka ka hadlay fadhi deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Odayaasha baardheere kaasoo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Xuseen Cali Biixi, waxgarad, duqo iyo indheergarad kale ayaa sheegay inay meel ka dhac tahay in maleeshiyo uu horjooge u yahay qabqable dagaal ay handaad ay ku doonayaan inay ku afduubaan DFKG ah ay kula kacaan mid ka mid ah xubnaha ugu bud-dhigsan dadaalada xagga amniga ah ee ay dowlada ku doonayso inay ku hanato awooda dalka xili ay dalka ka jiraan dhibaatooyin xagga siyaasada ah waa sida uu hadalka u dhigaye

 

Mudane Faarax Hire Guhaad ayaa tilmaamay in ay qalad iyo gardaro cad ay tahay in Cali Madoobe oo fuliyay howl-dowladeed oo ka dhan ah maleeshiyo si sharci daro ah ku qabsatay Airportka magaalada haatan dusha loo saaro qalad taasoo uu ku sheegay inay keeni karto cawaaqib xumo iyo cadowtinimo Beeleed.

 

Dhinaca waxa uu sheegay in ammuurtaasi ay la xiriirto olole uu ra'isul wasaare Geedi u doonayo in uu ku minja xaabiyo General Looyaan taasoo uu ku macneeyay shirqool waxaana uu ugu dambeyntii Masuulkaasi uu ugu baaqay Dowlada haatan saldhigatay Baydhabo inay gacan- marti soor ah u fidinayaan oo ay ku soo dhaweynayaan Gobolka Gedo.

 

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Deg/Baardheere Mudane Xuseen Cali Biixi oo Gedonet la hadlay kulankaasi kaddib ayaa nasiib daro ku asteeyay in Gen. ka mid ah raga tunka u ritay inay soomaaliya ka badbaadiyaan dar-xumada uu haatan magan ugu noqdo magaalada Baydhabo koox amaba shaqiyaad gaar ah.

 

Gabgabadii fadhiyaasi ayaa waxaa ay waxgaradkani ay sheegeen in ay arrintaasi tahay bahdil lagula kacayo dowlada lagu gadaaman yahay ee madaxweyne C/llaahi yuusuf islamar ahaan taasina waxa ay dowlada ugu baaqeen meel adag ka istaagto.

 

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa tan iyo maalmihii aynu ka soo gudubnay ka taagneed shaqaaqo ka dhalay kaddib markii maleeshiyo taageersan Aadan Saransoor iyo ciidamo ka tirsanaa booliska magaalada Baydhabo ay muddo dhowr saacadood ah isku horfadhiyeen halkaasi inkastoo goor dambe lagu guuleystay in la kala qaado.

 

M G-Gedo-NNews-Baardheere,Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Sadde oo cambaareeyey falkii lagu weeraray Gen. Cali Madoobe.

 

October-17 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Maxamed Gaarane “Baardheereâ€

 

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Sadde oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baardheere ee gobolka Geddo ayaa cambaareeyey falkii lagu weeraray guriga Gen. Cali Madoobe ka deganaa magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

 

Kulankan oo isugu yimaadeen waxgarad siyaasiin iyo culumaa'udiinka deegaanka oo looga hadlayey dhacdadii maleeshiyaadka Aadan Saransoor isugu gadaameen xarunta taliyaha ciidanka booliska Gen Cali Maxamed Xasan Looyaan “Cali Madoobe ayaa maanta lagu qabtay xarunta golaha odayaasha degmada Baardheere.

 

Fadhigan oo ay soo qabanqaabiyeen golaha odayaasha degmada oo uu horkacayye Guddoomiyaha golahaas Xuseen Cali Biixi ayaa looga hadlay mashkilada ka dhalatay guriga taliyaha ciidanka booliska iyadoo la isla meel dhigay in arrintaas ay tahay mid ka baxsan sharciga dowladda KMG ah.

 

Afhayeenka golaha waxgaradka degmada Baardheere oo kulankaas kaddib la hadlay Saxaafadda ayaa HornAfrik u sheegay in dadka Gen.Cali Madoobe heysta ay doonayaan in hadda ay la xiriiraan laakiin waxa uu sheegay in generaalka wax dambi ah oo beel ahaan ay u qaadan karaan aanu galin waxa ayna sheegeen in howl dowladeed uu halkaa u joogo .

 

Sidoo kale, Guddoomiyaha golaha odayaasha Baardheere Xuseen Cali Biixi oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in arrintaas aysan aheyn mid shaqsi ah islamarkaana ay tahay mid dowladeed oo uu sheegay in qorshahaas loo gudbiyey si wadajir ah.

 

Xuseen Cali Biixi ayaa sidoo kale ku dhaliilay waxgaradka siyaasiinta iyo xubnaha baarlamaanka beelaha Digil iyo Mirifle inay ka gaabiyeen inay arrintaas wax ka qabtaan islamarkaana aaney ka hadlin Saxaafadda.

 

Kulankaas ayaa ugu dambeyn waxgaradkii halkaa isugu yimid ay baaq ugu jeediyeen dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed iyagoo ugu baaqay in arintaas ay soo faragaliyaan si loo joojiyo waxa loogu yeeray gardarada ay maleeshiyaadka Aadan Saransoor ku weerareen taliyaha ciidanka booliska

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Col.C/risaaq Af-guduud:Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cidna Kama Saari Karto Baydhabo

Oct 17,2006

by Baydhabo-Gedo-NN

 

Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed C/risaaq Af-guduud oo maanta ka hadlay magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowladda federaalka soomaliya ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin cid ka saari karta Gen. Cali M Xasan Looyaan (Cali-Madoobe) Magaalada Baydhabo, howshuu qaranka u hayeyna uu halkiisa ka sii wadi doono.

 

Col.Cabdirizaq oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Gen. Looyaan uu yahay masuul ka tirsan dowladda xil weyn ka haya, uusanna aheyn qof shacab ah aan qof laga dhageysanayn inuu ku hanjabo uu ka baxo magaalada xarunta u ah dowladda.

 

Col.Cabdirizaq Afgaduud ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa "Ma dhacayso in Gen. Cali Madoobe uu ka baxo Magaalada Baydhabo oo saldhig u ah DFKS ciddii ku haminaysa inuu ka baxana ay riyoonayso".

 

Sarkaalku waxaa kale uu intaasi ku daray in "Dowladda Federaalka waxay saldhig ka dhigatay Baydhabo sannadkan horraantiisii xilligaasna Gen. Cali Madoobe wuxuu ahaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, waana wax lala yaabo in maanta la yiraahdo haka baxo".

 

Col. C/risaaq Af-guduud wuxuu kale uu intaasi raaciyey in dowladda federaalku ay si rasmi ah u degan tahay magaalada Baydhabo, inaan saraakiisha iyo madaxdana aan hanjabaad loo soo jeedin karin.

 

Dhanka kale, Gen.Looyaan ayaa shirar is dabajoog ah kula lahaa xarunta booliska ee magaalada Baydhabo saraakiisha sarsare ee ciimada dowladda ugana warbixiyey safar shaqo ah uu dhowaan ku tagay wadamo badan oo kale ah China, Brasil iyo Ugandha.

 

Baydhabo-X M S-Gedo-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^I don't understand how high ranking member of the Armed Forces of the TFG can be told to leave the venue of the government? That does not make sense to me.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this