Sign in to follow this  
Liqaye

Gudoomiyihii maxkamadaha Magaalada Baladweyne oo xilkiisii iska casilay.

Recommended Posts

Liqaye   

Shabelle: BALADWEYNE

 

Gudoomiyihii maxkamadaha Islaamiga degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa xalay waxaa uu iska casilay xilkiisa.

 

 

 

Sheekh Aadan Jilibay oo ah gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo xalay la soo xariiray Idaacada Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

 

 

Mar Shabelle ay weydiisay Shekh Aadan sababaha ku kalifay in uu is casilo in ay qeyb ka tahay marxaladaha haatan jira aawadeed ayuu sheegay in ay taasi meesha ka marnayn hase ahaatee waxaa uu carabka ku dhiftay in beeshiisu ay kula talisay in uu iska casilo xilkaasi.

 

 

 

Sheikh Aadan Jilibay waxaa uu sheegay in markii horaba uu ahaa nin ganacsade ah haatana uu ku noqonayo ganacsigiisa,haatan wixii ka dambeeyana uu iska casilay xilkii gudoomiyihii degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

 

 

Iska casilaadad gudoomiyihii maxkamadaha Islaamiga degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa imaanaysa xili mudooyinkii ugu dambeeyay gudaha gobolka Hiiraan ay ka jireen xiisado colaadeed oo u dhaxeeya ciidamada Al Shabaab iyo Maxkamadaha islaamiga oo xili isku saf ahaa.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Guddoomiyihii maamulka Maxkamadaha Islaamka ee magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaasi iska casilay xilli maamulka gobolkaasi ay xiisado colaadeed kaga furan yihiin labo dhinac oo kala ah ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmo ka hor soo galay isgoyska Kala beyrka iyo dhinaca kale ah oo xoogaga ka horjeeda DF oo iyana la hadal hayey iney ku soo jeedaan gobolkaasi ka dib markii ay soo qabsadeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe.

 

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in sababta uu isku casilay ay ka dambeysay ka gadaal markii sida uu sheegay ay cadaadis ku saareen arintaasi beesha uu ka soo jeedo oo markii horeba iila timid ayuu yiri inaan xilkaasi qabto wuxuuna intaasi ku daray in markii horeba uu ahaa nin ganacade ah haatana uu ganacsigiisii dib ugu laabanayo, wuxuuna meesha ka saaray inuu isku casilay cabsida maamulkiisa kasoo wajahaday in talada gobolka ay kala wareegaan xoogaga DF ka horjeeda ee sida la leeyahay damacsan weerar ay ku qabsadaan magaaladaasi.

Ma jiro illaa hadda hadda war ku saabsan is casilaada masuulkaasi oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan ee Midowga maxkamadaha Islamaiga ah oo isagu ku guda jiray abaabul ciidamo iyo gadiid dagaal difaac kaga jira hareeraha magaaladaasi si ay isaga caabiyaan weeraro la sheegay iney kaga soo wajahan yihiin dhinaca xoogaga xoogaga Al- shabaab iyo xisbul Islaam ee dhowaan la wareegay magaalada Jowhar iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe halkaasoo ay horey gacanta ugu hayeen Midowga Maxkamadaha Islaamka.

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Gudoomiyaha Maxkamaddaha Islaamiga ee degmada Baledweyne ayaa iska

casilay jagadii Gudoomiyenimada uu ka haya maamulka MMI ee ka

arimiya magaalada Baledweyne xili ay isa soo tarayso shiqaaqooyinka

ka aloosan gobolka Hiiraan.

 

Sheekh Aadan Jilibey oo ahaa Gudoomiyihii Baledwayne ayaa sheegay

iscasilaadiisu ay timid kadib markay sidaasi ka codsadeen beesha

uu ka soo jeedo ayadoo uusan meesha ka saarin lug ku lahaanshaha

is casilaadiisa xiisadaha colaadeed ee ka soo kordhay gobolka.

 

 

Iscasilaadda Sheekh Aadan ayaa ku soo aadaysa xili ay kaabiga u

saaranyihiin magaalada Baledweyne ciidamo Itoobiyaan ah oo

tirobadan isla mar ahaantaana ay dagaalo khadhaadhi ka

dheceen magaalooyin kamid ah kuwa gobolka Hiiraan.

 

 

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa sidoo kale

ka dhacay kal hore shaqaaqooyin iyo dagaalo soo nodnoqday kuwaasi

oo wali ay kuwada suganyihiin magaalada isla xoogaggii dirirtu

ku dhexmartay.

 

 

Sheekh Aadan waa sargaalkii ugu horeeyay ee katirsan MMI

garabka dawladda Sheekh Shariif taageeray oo sameeyay iscasilaad.

 

 

Dhinaca kale, ciidamadii MMI ee ku sugnaa magaalada Baledweyne

oo uu horkacayo Cabdiraxmaan Macow ayaa isaga baxay magaalada

ayagoo isku uruursaday Janda Kundisho. Lama oga halka ay ku

waajahanjiyiin iyo waliba mudada ay halkaasi ku sii sugnaan

doonaan maadaama uu jiro culaysyo dhinacyo badan ka soo fuushan.

 

 

Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan deegaanka

Jawiil ayadoo sidoo kalana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo

kale ooy wadeen xoogagga kale een taageersanayn dawladda TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this