Jacaylbaro Posted March 1, 2008 KU: Madaxwayanaha iyo Maamulka Soomaaliland Og: Guddmooyiyaha Guurtida iyo Barlamanka Somaliland Og: Guddoomiyaha Gobolka Sool Og: Madaxdhaqameedada SSC Shir uga bilaabmay bishan February 22, 2008, waxgaradka, odayaasha, culumaaudiinka, aqoonyahannada, ururada bulshada iyo ciidamada nabad ilaalinta ee degmada Ceegaag ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay degmadaas. Shirkan oo lagu lafo guray sidii maamul midaysan oo loo dhanyahay loogu samaynlahaa degmada Ceegaag, isla markaana looga hortagi lahaa wixii sharaf dhac iyo sumcad xumo u keeni kara dadwaynaha deggan degmada ayaa ku soo gabagaboobay is afgarad iyo mawqif midaysan oo ay yeelato degmada Ceegaag. Haddaba laga bilaabo manta oo bisha February tahay 25 sanadka 2008, waxaan caddaynaynaa in guddiga hoos ku qoran iyo masuuliyiinta laamaha kala duwan ee degmadu leedahay ay si toos ah masuul uga yihiin maamulka, nabadgalyada iyo horumarinta degmada Ceegaag. Magacyada Guddiga Golaha Deegaanka Ceegaag: 1-Cabdi Xaaji Cali Cilmi (Cabdi Riigle) ----- Guddoomiye 2-Aqoonyahan, Maxamed Ismaaciil Siciid (Ina Siidhi) ----- Guddoomiyaha Waxbarashada iyo xidhiidhka hay'adaha ee Degmada Ceegaag 3-Kalkaaliye Sare, Xasan Cali Cabdi Sooyaan (Ruush) ---- Guddoomiyaha Caafimaadka degmada Ceegaag 4-Luul Xuseen Xaaji Cali, Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Degmada Ceegaag 5-Dhamme, Sulub Gaas Guutaale -------- Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Ceegaag 6-Aqoonyahan, Cabdalle Xuseen x. Cali ---- Goddoomiyaha Xoogga Korontada iyo Isgaadhsiinta degmada Ceegaag 7-Shiikh Maxamuud Cabdi Jaamac Gaydh ---- Guddoomiyaha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta degmada Ceegaag. Magacyada Maamulka Laamaha Degmada Ceegaag 1.Aqoonyahan, Maxamed Ismaaciil Siciid (Ina Siidhi) ----- Guddoomiyaha Waxbarashada iyo xidhiidhka hay'adaha ee Degmada Ceegaag 2.Kalkaaliye Sare, Xasan Cali Cabdi Sooyaan (Ruush) ---- Guddoomiyaha Caafimaadka degmada Ceegaag 3.Luul Xuseen Xaaji Cali, Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Degmada Ceegaag 4.Aqoonyahan, Cawaale Jaamac Raygal ---- Guddoomiyaha Horumarinta mashaariicda iyoBiyaha degmada Ceegaag. 5.Dhamme, Sulub Gaas Guutaale -------- Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Ceegaag 6.Aqoonyahan, Cabdalle Xuseen x. Cali ---- Goddoomiyaha Xoogga Korontada iyo Isgaadhsiinta degmada Ceegaag 7.Shiikh Maxamuud Cabdi Jaamac Gaydh ---- Guddoomiyaha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta degmada Ceegaag 8.Cabdi Cali Abokor, (cabdidheere) Siyaasiga Degmada Ceegaag u Qaabilsan Somaliland 9.Xasan Jaamac Ismaaciil, (inajaamac dacay) Kuxiganka Siyaasiga Degmada 10.Cabdilaahi Gurxan Dhible, Gudoomiyaha xiriirka Jaaliyadaha dibada iyo gudaha. Maamulkani wuxuu shaqadiisa bilaabayaa maalinta taariikhda February tahay 25, 2008. Wabillaahi Towfiiq, Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh: Maamulka Guddiga Degmada Ceegaag, Somaliland Telephone: 252-276-3080 ama 252-2449-2691. Quote Share this post Link to post Share on other sites