Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Clan Courts to attack KISMAYU..

Recommended Posts

Now Barre Hiiraale becomes the heathen..

 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku eedeeyey Maxaakiimta inay qorsheenayaan weerar ay ku qaadaan magaalada Kismaayo.

 

September 12- 2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey maxaakiimta Islaamiga inay qorsheenayaan weerar ay ku qaadaan magaalada Kismaayo iyadoo taliyaha ciidanka dooxadda jubba uu arrintaas beeniyey

 

Hadalkan oo uu mid fagaare ah oo baarlamaanka gudihiisa ah ka jeediyey xildhibaan Xasan Deer ayaa ku sheegay in magaalada Muqdisho ay maxkamadaha ka qaban qaabinayaan weerar ay ay ku qaadaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo.

 

Xildhibaanka ayaa ka digay in dhibaato weyn ay ku imaan karto weearar lagu qaado magaalada Kismaayo ayaa fisiraad ka bixiyey jiritaanka xaqiiqda arrintan ciidanka lagu weeraray waxa uuna sheegay in ciidanka ay joogaan tuulooyinka Jilib waxa uuna sheegay inuu wato Nin la yirahdo Turki

 

Taliyaha ciidanka isbaheysiga dooxada jubba Goobaale oo si kulul u beeniyey weerarka uu sheegay Xasan Deer ayuu dhinaca kale xaqiijiyey in isaga iyo xildhibaan Seeraar ay ku sii jeedaan magaalada Kismaayo.

 

“Maxkamadaha ma wadaan wax weerar ah mana muuqato sabab lagu weeraro magaalada Kismaayo†ayuu yiri Goobaale oo intaa raaciyey in Xasan Turki uu joogo magaalada Muqdisho islamarkaana aanu maleeneen qorshe uu ku doonayo dagaal uu ku qaado magaalada Kismaayo.

 

Abaaulka iyo rabshadaha ka taagan magaalada Kismaayo waa mid lug weyn ku leh dhinaca Muqdisho,waxaana siyaasiinta iyo mas'uuliyiinta dowladda ee uu horkacayo wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale ay wadaan abaabul ay kaga hor tagayaan kooxaha cadowga ayuu yiri xildhibaan Xasan Deyr isagoo ku tilmaamay maxkamadaha kuwa dhul balaarsi ka wada Soomaaliya.

 

Hadaladan ayaaa ahaa kuwa la isla dhexmarayo magaalooyink Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo iyadoo labadii maalin ee ugu dambeysa ay soo baxayeen ciidan iyo tikniko ku soo jeeda magaalad Kismaaye hase yeeshee taliyaha ciidanka isbheysiga dooxada jubba ayaa sheegay inaa aanu jiri wax ciidan ah balse mas'uuliyintii dooxada juba ee Muqidsho ku sugeynd ay tagaaan magaalada Kismayo waana taageersanahay maxkamadaha Islaamiga haddii ay tagaana waan taageerayaa ayuu yiri.

 

Magaalada Kismaayo ayaa maalmahan wararka ka soo baxaya ay sheegayaan in gaacsato iyo culumaa'udiin ay halkaas ka wadeen abaabul ay ku taageerayaan maxaakiimta Islaamiga iyadoo mas'uuliyiinta sare ee dooxada juba oo uu horkacayo Barre Hiiraale ay soo rogeen mamnuucida ay ku sameenayaan shirarka siyaasadeed iyo muxaadarooyinka laga qabto magaalada Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allmudug 12-09-06 Wararka Shabakadda Allmudug kasoo gaaraya Magaalada kismaanyo ayaa sheegaya inay Maamulka Dooxada Jubba ee uu madaxda ka yahay Barre hiiraale ay Heegankii ugu ballaarnaa galiyeen Ciidankooda kaddib markay soo baxday inay Duullaan kusoo yihiin Ciidan isku dhaf ah oo isugu jira Midowga Maxaakimta Islaamigaa laakiin Huwan Shaatigii Maleeshiyadkii Moorgan oo ay iska soo horjeedeen Barre Hiiraale.

Barre Hiiraale iyo Midowga Maxaakimta islaamigaa ayaa kala booday kaddib markii ay midowga maxaakimtu ay soo saaren Qaraar dhigaya inuusan jiri karin maamul koonfurta ka jira oo ka madaxbanaan Maamulka Maxkamadaha, dhanka kale waxay Midowga Maxaakimtu ka caroodeen Iskaashiga ballaaran ee uu Barre Hiiraale la sameeyey Dowladda C/laahi Yuusuf iyagoo saldhig muhiima oo uu C/laahi Yuusuf leeyahay u aqoonsaday Dooxada Jubba ayna muhiim tahay in laga hortago.

 

Inkastoo ay Maalinba malainta ka danbaysa ay sii xumaanaysay Xiriirka labada dhinac ayaa waxay faraha ka baxday kaddib markii ay Deegaanka uu ka taliyo Maamulka dooxada Jubba ay soo abaareen Sh Xasan Turki oo isagu ah sargaal sare oo Hogaamiya Ciidanka Maxaakimta iyo Moorgan iyo Xoogag ay hogaaminayaan kuwaasoo sida la sheegay kusoo jeeda Deegaanka uu ka taliyo Barre Aaden Shire Hiiraale, Arrinkaas oo keenay in ay shir Dagdaga isugu yimaadaan Madaxda Maamulka Dooxada Jubba islamarkaasna Heegan la galiyo Ciidanka Barre Hiiraale.

 

Xildhibaan kasoo jeeda Beesha ********* ayaa qaylo dhaan u diray Madaxwaynaha iyo Beesha caalamka isagoo sheegay inay Maxaakimtu duulaan kusoo yihiin Gobolka Jubbada dhexe.

 

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya inay jirto Qorshe lagu doonayo in barre hiiraale looga qaado Maamulka Dooxada Jubba iyadoo arrinkaasina noqon doono mid Culus oo sababa Dagaal ballaaran maadaama ay Xiriir fiican iyo Iskaashi hoose leeyihiin Dowladda C/laahi Yuusuf iyo Maamulka Dooxada Jubba.

 

Xafiiska Allmudug...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbahaysiga D/Jubba Oo Beeniyey Warar Sheegaya In ay Maxkamadaha Islaamiga ay Weerar Ku yihiin Kismaayo.

Posted to the Web Sep 13, 03:38

 

 

Kismaayo-Isbahaysiga Dooxada Jubba ee uu Madaxda ka yahay wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda FS Col. Barre Hiiraale ayaa beeniyey warar ilaa maalintii shalay aheyd la isla dhexmarayey oo sheegaya in ay Golaha Maxaakimta Islaamka ay weerar ku yihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka J/hoose.

 

 

Afhayeenka Isbahaysiga Dooxada Jubba Bile C/dulle Cabdi oo warbaahinta ka hadlay ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wararkaasi iyo in ay jirto Saansaan colaadeed oo iminka dhanka maxaakimta ka muuqata.

 

 

Bile waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin G/ku/xigeenka 1-aad ee Isbahaysiga D/Jubba ahna Xildhibaan ka tirsan Dowladda Yuusuf Mire Seeraar iyo Taliyaha Ciidamada Isbahaysiga Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), taasina ay muujinayso in weerar maxkamadeed aanu iminka kusoo wajahneyn Kismaayo iyo guud ahaan Gobalka.

 

 

Hadalka weerarka Maxaakiimtu ay ku yihiin Kismaayo ayaa waxaa shalay golaha Baarlamaanka ka hor sheegay Xildhibaan Xasan Dheerow oo cadeeyey in Ciidamo Maxaakimta ka tirsan ay ku sugan yihiin Degmada Baraawe ayna ku jihaysan yihiin Magaalada Kismaayo.

 

 

Waxa uu Afhayeenku meesha ka saaray in khilaaf xooggan oo la sheegay inuu ka dhex aloosan yahay Madaxda Isbahaysiga, kaasi oo la xiriira Maamul la doonayo in loo sameeyo Gobalka J/hoose oo loogu magacdaray (Jubbaland

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke

 

Why anyone believed the Islamic Courts would go and attack Kismaayo is beyond me. The Courts for the most part are diiniyan men. Why diiniyan men would go on a mission that would include the deaths of numerous innocents for no obvious reason does not make sense. Kismaayo has a maamul, it is clean, there are steps against crime and vice, and it is a place invested with what? Muslims!

 

The Courts inay xaajoodaana maahe adeer dagaal geli mayaan, dagaal haday galaane wey ogyihiin kooda dhinto inuusan janna cidna uga dhaween.

 

Teeda kale this had nothing to do with Islamic Courts. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Maybe you are right..The news I attached was from Gedonet.com. Adan Hashi Cayro, Xasan Turki are members of the courts, right? Are

 

The MP's from Gedo and the website blamed these fellows.

 

Also Goobale, Seeraar and others of the JVA executives in Mogadishu have said that they are against the proposed JUBALAND state.

 

There was also a clahs the other day between a Mr Sanka and another JVA member that resulted in some casualties.

 

Your inside info is required...So what is happening in Kismayu?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke-

 

First, sxb, get educated on the structure of the JVA.

 

Secondly, Sanka broke the rules and regulations of the administration dealing with the legality of carrying arms and/or staging demonstrations without prior approval. The infamous Cabaas was sent by the Defense Minister to show his firmness against law-breaking.

 

Thirdly, Seeraar and Goobaale have not seen Kismaayo for a long time (Seeraar for two years before being allowed back in for a month then sent packing again) by decree of the current Defense Minister. The whys I am not up to discuss.

 

Fourthly, this latest mis-adventure towards Kismaayo was not the Islamic Cours objective but an alliance, of the truest form, between Gen Sacid Hersi Morgan, Cumar Jees, Seeraar, Goobaale, and the expelled Sanka. What they hope to achieve is beyond me. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Kismaayo has a maamul, it is clean, there are steps against crime and vice, and it is a place invested with what? Muslims!

lol@clean & muslims? Has the city become Muslim overnight? And Uncle Huuraale is supposedly credited for its cleanness and Muslimness?

 

lol@maamul. Afweyne must be proud of Hiiraale and the token position structure.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by HornAfrique:

 

Teeda kale this had nothing to do with Islamic Courts.
:D
]

Yow Horn, what are you doing, you just nailed it on the head. True that,did I hear Abdi Bile Abdi aka Gen.Morgan(the body guard) is planing to take back Kismayo after 7 years of Kismayo of being under Col. Hiiraale's control? yeah you betcha, Then all of sudden, its' linked to the courts? come on now, give me a break. Some folks who are obseses with the courts will say anything to ignore the fact that it's Gen. Morgan aka Abdi Bile Abdi who is behind any plans and as stated by Mr. Horn has nothing to do with the Islamic courts, the courts have no business in taking over Kismayo, that is not how they role, the courts as we all know, don't attack anywhere against the will of the people. If anyone of the courts will set up a court in Kismayo, then it will be the rightful owners and residents of Kismayo city itself.

 

that is all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this