Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf arrives in Libya + AU support for Somalia

Recommended Posts

qadaafi_xusni.jpg

 

Shir muhiim ah oo ka socda Sirte iyo Madaxweynaha Somaliya oo la hadlay Hogaamiyaal Afrikaan ah

 

Last Updated::2007-01-25 19:10:15

 

Libiya:- Magaalada Sirte ee dalka Libiya ayuu ka dhacay shir muhiim ah oo ay yeesheen hogaamiyaasha dalalka kamid ah ururka Saaxil iyo Saxaraha.

 

Ururka Saaxil iyo Saxaraha oo ah mid ay ku jiraan dalal Badan oo Afrikaan ah oo awood weyn ku leh ururka Midowga Afrika, ayaa shirkoodan horudhaca ah kaga hadlay qorshihii ay la hortagi lahaayeen shirweynaha Midowga Afrika.

 

[...Shirkan waa mid muhiim ah oo ay Dalalkan uga hadlayaa in ay Yeeshaan 1 Mawqif oo ay la hortagaan shirka danbe ee Midowga Afrika...] ayuu yiri Wasiir Arrimaha Dibada ee dalka Libiya Mr.Mohammed Abdel-Rahman Shalgam.

 

Wasiirka ayaa intaasi ku daray [...Waxaa xooga la saarayaa in dalalkan ay meel isla dhigaan Sameynta Guddiyo iyo sidii loo mideyn lahaa Wasaarada Dhaqaalaha, Difaaca iyo Siyaasada dibada ee dalalka Qaarada Afrika...] ayuu yiri Mohammed Abdel-Rahman Shalgam Wasiirka Arrimaha Dibada ee Libiya.

 

Dalka Libiya ayaa kamid ahaa dalalka Sida weyn ugu ololeenaya in ururka Midowga Afrika laga dhigo sidii Maamulka Dalalka Midoobay ee Midowga Yurub.

 

Somaliya

 

cabdullahi_safar_carab2.jpg

 

Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa kamid ah 11 Madaxweyne oo shirkaasi ka qeyb galaya, waxaana sidoo kale shirkaasi ku sugan 8 wafuud oo ka kala timid dalalka Qaarada Afrika.

 

Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa kamid ahaa hogaamiyaashii halkaasi kusoo bandhigay warbixino la xariira dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu shirar hoose la yeesho dhamaan wafuud halkaasi ku sugan.

 

C/laahi Yusuf Ahmed ayaa horey usoo maray dalalka Ugandha iyo Rwanda, isla markaana kala soo hadlay Ciidamada Afrikaanka ah ee lagu wado in dalka Soomaaliya la keeno.

 

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu dalal kale oo dheeraad ah kala hadlo amuurtaasi ciidamada nabad illaalinta.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Libiya Mohammed Abdel-Rahman Shalgam ayaa sheegay in hada dalkiisa uusan go'aansan inuu ciidamo u diro dalka Soomaaliya, balse hadii ay ciidamo diri waayaan ay si kale mucaawino ugu fidin doonaan dalka Somaliya.

 

Shirka Midowga Afrika

 

Shirweynaha Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dhaco bisha July ee nagu soo beegan.

 

Shirkaasi ayaa ah mid muhiim ah oo ay doonayaan dalalka Saaxil iyo Saxaraha in ay uga qeyb galaan ayagoo hal Cod ku hadlaya si ay ugu cadaadiyaan dalalka kale qodobada ay hada ku heshiinayaan magaalada Sirte.

 

Madaxweynaha Libiya Col.Macamural Qadaafi ayaa kamid ah hogaamiyaasha sida weyn ugu ololeenayo in la mideeyo Qaarada Afrika, ayadoo ay jiraan dalal kale oo si weyn uga soo horjeeda qorshahaasi.

 

Cabdullahi Haji

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawladda Soomaaliya oo ballanqaadyo hor leh ka heshay dalalka Afrika

 

 

Iyadoo uu madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed booqasho ku marayo waddamada Afrika si ay amni sugidda dalka uga qayb qaataan waddamadaasi, ayaa dalalka Nigeria iyo Rwanda ay dawladda federaalka u sameeyeen ballanqaadyo ah Nigeria oo ciidamo ku keeneysa gudaha waddanka muddo laba toddobaad ka yar iyo Rwanda oo tababarayaal sare u iyana soo direysa.

 

Ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika ka imanaya ayaa looga gol leeyahay in ay ilaaliyaan isla markaasna taageeraan nabadda Soomaaliya, si dawladda Soomaaliya ay u soo celiso amniga iyo nimaadkii dawladnimo.

 

Nigeria ayaa noqoneysa dalka 3aad ee ogolaada in ciidamo ay u soo dirto dalka Somalia, iyadoo horey ciidamada Uganda iyo Mallawi ay u ansixiyeen in ciidamadooda ay ka qeybgalayaan howlaha nabad ilaalineed ee Somalia.

 

Axmed Maxamed Faarax

 

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this