Sign in to follow this  
General Duke

AU delegation arrives in Mogadishu...

Recommended Posts

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo Soo gaaray Magaalada Muqdsho.

 

Wafdigaani ka socda Midowga afrika ayaa waxaa ay ka kooban yihiin ilaa iyo Toban Xubnood waxaana Maanta lagu wadaa In ay kulamo la qaataan Mas'uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka soomaaliya iyo waliba Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Wafdigaani ayaa waxaa ay yihiin Kuwo midowga afrika u qaabilsan dhinaca amaanka iyadoona lagu soo waramayo in sabaha ay u yimideen Muqdisho ay ugu weyn tahay sidii ay qiimeyn ugu sameeyn lahaayeen qaabka ay wadanka ku soo gali karaan Cidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga afrika oo lagu wado in dabayaaqada Bishaani ay soo gaaran Gudaha wadanka soomaaliya.

 

 

Kulan balaaran ayaa lagu wadaa in barqanimada maanta ay hotelka Ambasador isugu Yimaadan Wafdigaani ka socda Midowfa Afrika iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka soomaaliya waxaana lagu wadaa in ay ka wada hadlaan qaabkii loo soo dadajin lahaa Ciidamada nabad Ilaalinta ee la keenayo wadanka soomaaliya.

 

Imaatinka Wafdigaani Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay Magaalada ka Maqan yihiin Mas'uuliyiintii ugu sar sareeysay dowlada federaalka soomaliya gaar ahaan Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isul wasaare Cali maxamed Geedi oo haatan ku sugan Magaalada baydhabo ee xarunta Dowlada Federaalka soomaaliya.

 

 

Xafiiska warqabadka allmudug ee Muqdisho

C/kariin xuseen guutaaleyare

guutaaleyare@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Wafdigii Afrikaanka ahaa oo socod ku maray Magaalada Muqdisho kulammana la leh Saraakiisha Ciidammada Dowladda

Posted to the Web Feb 04, 10:55

 

Muqdisho (PP) - Wafdigii ka socday Midowga Afrika ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo wareejiyay Magaalada Muqdisho, waxaana ay soo mareen qaybaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho.

 

Wafdigaan oo uu hoggaaminayo Sarkaal Ugandese ah oo lagu magacaabo Levi ayaa waxaa ku soo wareejiyay Magaalada si ay u arkaan xaaladda Magaalada Muqdisho Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Salaad Cali Jeelle iyo Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow).

 

Socodka ay maanta ku soo mareen wafdigaan oo ka kooban 7-xubnood ayaa waxay ku ogaanayeen goobaha ay dagi karaan ciidammada Afrikaanka ah ee lagu wado in dhawaan ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka tirsan.

 

Wafdiga ayaa markii ay soo dhameysteen socodka waxay saxaafadda u sheegeen in goobihii ay soo mareen oo dhan ay ahaayeen goobo ay dagi karaan ciidammada lagu wado in dhawaan la keeno gudaha Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay sidoo kale kulammo la qaadanayaan saraakiisha ciidammada Dowladda.

 

Warar ku dhowdhow Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegayaan in lagu wado in wafdiga ay kulammo la qaataan galabta xubno ka tirsan Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay warbixinno ka qaataan.

 

Lama garanayo halka ay aadi doonaan wafdigaan marka ay u dhammaato kulammada ay la qaadanayaan saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay socod ku mari doonaan Gobollo kale oo dalka ka tirsan.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   
These are scouts who come to assess if they can survive. If their assessment is negative, no troops will come; count on that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this