Sign in to follow this  
osman_nz

Somaliland Militia attack Crowning of Garaad In Las Canod

Recommended Posts

osman_nz   

 

Laasacaano oo ay xiisad ka taagantahay Kadib Garaado ay xirteen C/Somaliland

 

Kulan balaaran oo ka dhacay hotel kamid ah hotelada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kaas oo lagu magacaabo Hotel kulan ayaa waxaa lagu caleemasaarayay garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo bedeli doona garaad horay uga geeriyooday beel ka mid ah Beelaha Gobolka dega

 

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ayaa markii ay xafladu soo gaba gabowday waxaa goobtoo xafladuka dhacaysay waxaa weerar ku soo qaaday koox maleeshiyaad taabacsan Maamulka la magacbaxay Soomaaliland, kuwaas oo rasaas ku furay dadkii xaflada ku sugnaa .

 

Inkastoo aan iminka warbuuxa laga ceyn qasaaraha ay sababtay rasaastaasi ayaa hadana waxaa ay xaqiijiyeen dadka deegaanka in ay Ciidankaasi halkaasi ka wateen tobaneeyo ka tirsan odayaasha xafladaasi goobjooga ka ahaa iyadoo ku xiray xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood .

 

Magaalada laascaano ayaa haatan waxa ka taagan xiisad balaaran oo ka dhalatay arinta maanta ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadka maamulka Soomaaliland, waxaana baqdib laga qabaa in ay isku dhacyo dhexmaraan ciidamada Soomaaliland iyo Dadweynaha Magaalada Laascaanood qaas ahaan dadka iyo ayka xiran yihiin Odayaasha .

 

Arintan oo aan la ogeyn waxa sababat ayaa hadana mar aynu wax ka weydiinay garaadada beesha maanta caleemasaartay Garaadka cusub ayaa waxa uu inoo sheegay in ciidamada Soomaaliland ay iyagu doonayeen nin ay wateen in loo magacaabo garaadka beesha sidaasina ay maanta kus oo weerareen ciidamada Soomaaliland Goobta uu caleemasaarku ka dhacayay.

 

Horay ayay aheyd markii maamulka gobolka u qaabilsan Maamulka la baxay Soomaaliland uu digniino ku aadan in aanay odayaasha beeshan dooratay garaadka cusub aysan kulmi Karin hadii ay kulmaana ay talaabo ka qaadi doonaan ,

 

Arintan ayaa caro weyn ku dhalisay dadweyanaha gobolka ,waxaana maanta laascaanood ay aheyd mid ka duwan sidii hore iyadoo ay dadweynuhu yihiin kuwo careysan isuguna soo baxaya wadooyinka .

 

SBC International- News Desk

Source: http://allsbc.com/vi ew.php?articleid=109 02

 

Disgraceful actions by somaliland rag tag thug militia men... :mad:

 

This is another case of how sour sland situation is becoming day by day

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this