Sign in to follow this  
qumane

Dood....Maxaa u sabab ah dhibaatada Soomali haysata

Recommended Posts

qumane   

Maxaa u sabab ah dhibaatada Soomali haysata

 

 

La’haanshe: Maxaynu wada leenahay maxaynu kala leenahay?

 

Akhristow markaad aragtid ciwaanka qoraalkaygan waxa laga yaabaa in jawaabta suaashan aad fudaydsatid oo aad istidhaahdid ma cusla. Waxaan jeclahay inaan halkan kugu tuso sida ay suaashani sal ugu tahay dhibaatada Somali haysata meelkasta oo ay joogto iyo maamulkasta oo soo mara. Akhristow si aad ii fahmi kartid nuxurka sheekadan waxaan jeclaan lahaa inaad qadar daqiiqado ah maskaxdaada i amaahisid (daymisid) si aynu safar taarikheed (time travel) aynu u wada galo hana ku dag-dagin inaad go’aan gaadhid ilaa aad qoraalkan dhamaysid.

Dhamaadkii sanadadii sideetameeyaddii ayaan daawaday film lagu sameeyay Koonfur Afrika oo ka sheekaynayay nolosha dadka madow ee ku nool lamadagaanka Kalahari ee u dhaxeeya Koonfur Afrika iyo Namibia. Wakhtigaa film kani waxa uu ila ahaa filin komadii ah oo qosol iyo is dhex yaac farabadani ka muuqdo. Sanadkan ayaan mardanbe isla filmkii daawaday balse imika waxa aan ku arkay indho ka duwan kuwii uu iigula muuqday wakhtigii hore. Fikraddii uu habeenkaa I galiyay filinkaasina waa ta igu dhalisay aragtida aad halkan hoosta ka akhriyi doonto.

Filinkan magaciisa la yidhaa “ The Gods Must Be Crazy†Waxa uu ku socdaa ninka la yidhaa Xi (Soi) oo isaga iyo reerkiisu ku noolyahiin lamadagaanka Kalahari. Reerkani waligood magaalo may arag wax kasta oo ay haystaana waxa ay ka helaan deegaanka ku xeeran Ilaahayna cirka waxa uu uga keenaa roob ay ku qabowsadaan. Reerkan ah qolooyinka loo yaqaan “Bushmanka†ee uu Xi odayga u yahay wax lama kala laha waxkasta oo uu qof soo qaatona ka kalana wuxuu heli karayaa shay la mida deegaanka ku xeeran, noloshooda wax la kala leeyahay iyo wax la isku qabsado midna kuma jiro, wax wada wadaag iyo farxad ayay ku dhisantahay, tan iyo intay diyaarad yar oo dulmaraysay reerkan nabdoon, bayloodkii watay uu quraarad(dhalo) uu kooke ka cabay uu samada kaga soo tuurayo. Xi iyo reerkiisii waxa ay la yaabeen shaygan cajiibka ah ee uu Ilaahay samada uga soo dajiyay. Balse quraaraddii kookahu waxa ay reerkii u soo jiidaysaa in markii u horaysay uu shay cusubi ku soo biiro oo la kala yeesho. Shaygan qof waliba waxa uu doonayaa inuu ujeedo gaar ah u isticmaalo mana jirto meelkale oo laga soo heli karo waayo maaha shay dabiiciya sida wixii hore ee ay u haysteen dhamaanba ay dabiiciga u ahaayeen.

Reerkii waxa ku dhacaya markii u horaysay in ay is layaan dadku is qabqabsadaan oo qof waliba uu doono in uu dhaladan (quraaradan) isticmaalo, farxaddii ayaa reerkii ku yaranaysa, cadho iyo cuqdad ayaa soo kala dhex galaysa. Odaygii reerka Xi wuu garan waayayaa sababta uu Ilaahay awal roob buu samada uga keeni jiraye shaygan layaabka leh uu ugu soo diray “Ilaahay muu waashay ayuu iswaydiinayaa muxuu waxan samada noogaga soo riday†Waxa uu go’aansanayaa inuu Ilaahii bahashan aanu garanay ku saliday uu ku celiyo.

Xi waxa uu odhanayaa waxaan gaynayaa halka uu dhulku ku dhamaado oo aan ka ridayo, si Ilaahii lahaa uu nooga qaato oo reerkeena wax wadaagii iyo nolosheenii caadga ahayd ay noogu soo noqoto. Safarkii uu Xi kaga soo baxay dunidiisii xidhnay ee aan waxba la kala lahayn dadku is jeclaa wax wada wadaagayay si uu shayga qudha ee la isku qabsad uu uga soo tuuro, waxa uu noqonayaa mid la gala duni dadku ay wax walba gaar u kala leeyahiin, la is dilayo, la kala xidhanyahay la iswada haysto, oo lagu magacaabo dunida hore u martay (So call Civilized world). Halkaa ayay sheekada filunku ka sii soconaysaa …….

 

Maskaxdaada ka soo saar filimkaa waxaad u kaxaysaa qarnigii 17 naad ama 18 naad. Awoowgaa iyo aabahaa waxay ku noolyahiin dhulka deeganka quruxda badnaa ee safaanaha ah ee Somaliya waxa uu dhaqdaa geel fara badan iyo adhi, marka laga reebo dhawr shay oo magaaloyinka fara ku tirska ahaa laga soo iibiyo inta badan waxa uu reerku haysto oo dhan waxa laga soo guraa kaymaha dabiiciga ah ee reerku daganyahay. Deegaanku waa cabsi dugaaga (Libaax, shabeel, maroodi, Wiyil IWM) ayaana kaga badan dadka ku nool. Awoowgaa si uu cabsida iyo nolosha adag ee uu ku noolyahay uu uga baxo, waxa uu wax la wadaagaa reeraha ay ehelka yahiin (Tolka). Wax kasta waxa uu kaga xidhan yahay tolka oo ay dhib iyo dheef ay wax wada wadaagaan.

Dadku waa reer guuraa dhulka lama kala laha geela iyo xoolahana tolku in kasta oo ay ku kala magacaabanyahiin hadana way wadaagaan. Haddii geeliina la dhaco Tolka ayaa u dagaal gala oo soo dhiciya ama geel kale soo dhaca oo kaasaad wada yeelataan. Haddii aad dhagar, xaal ama eed kale uu awoowgaa uu galo tolka ayaa ka bixiya oo u geel gura. Reerkiinu meesha uu u guurayaa waxa ay ku xidhantahay hadba meesha uu roob ka da’o, oo dhulka waa la wada daaqaa, waayadan dambe ayuu maqlaa in meelo ceelal ah ( raad raac gabayadii wakhtigaa baxay) ay reeruhu kala sheegteen waayo wakhtiga biyo yaraanta ah ayaa si wayn loogu baahan yahay. Inta badan waxkasta oo deegaankiina yaala Tol ku wuu wada leeyahay dadka kale ee aan Tolka ahayna waxa idinka dhexeeya inaydun wax kala dhacdiin ama aydun xeer wadaagtiin oo uu xeerkasi idinkala xadeeyo balse intaydun isa soo gaadhiin ayaan badnayn.

Xaaladiinu iyadoo sidaas tahay oo waxa noloshiina ugu mihiimsani uu yahay Tolka iyo geela oo uu aabahaa aabihii uu ku dardaaro Tolku waa Tolanee waligaa ha ka bixin ayuu gaal cadi idiin yimid.

Gaalkii waxa uu idin yidhi magalada ayaan guryo ka dhisayaa guryahaas iyo waxa dhex yaala anigaa leh, dhulbuu xidhay oo uu beero ka samaysta oo uu yidhi anigaa leh, awoowgaa waxay ku noqotay layaab nin aanu afgaranayn oo leh waxan anigaa leh oo aan tolnimo waxba lagula wadagayn ka xoog wayn oo aan waxba laga dhici karayn. Gaalkii waxa uu yidhi keena aan carurta wax idiin barro sidaas ayaydun wax ku fahmaysiine. Aabahaa ayaa iskuul la geeyay waxa la baray tacliintii gumaystahu ay la yimaadeen. Inkasta oo uu aabahaa tacliin korodhsaday oo uu wax faa’iiday hadana maskaxdiisa waxa ku jira dardaarankii aabihii iyo xusuustii miyiga (Tolnimaddii iyo wax wada wadaagii). Aabahaa markuu wax kala fahmay ayuu gaalkii yidhi “orod oo naga tag wadanka anagaa lahayn waxan dhexyaalana waa waxayagiiâ€. Gaalkii wuu ka tagay wuxuuna meesha kaga tagay wax uu noogu sheegay Dawlad.

Inkasta oo aabahaa iyo asaxaabtiisii ay iskuulka ku wad jireen ay si wad jira uga soo hor jeedeen gumaysiga dawladna u wada dhaliyeen hadana waxay ka soo kala jeedaan Tolol kala duwan midkastaana wax uu helo tolkii ayaa la wadaaga sidii uu dhaqanku uu ahaa. Suaasha aabahaa iyo saaxiibaddii ku wareegaysaa waa bahashan Dawlada ah ee uu gaalku ka tagay sidee loo qaybsanayaa ilayn awal wax la kala leeyahay may jirin wax kasta deegaanka kugu xeeran ayaad ka helaysay geelana tolka ayaa wada wadaagayay marmarna waa la kala dhacayay. Dawladnimada ma sidii geelii baa loo kala dhacayaa? Sideed u wada yeelanaysiin kuwii aydun shalay geela kala dhacayseen?.

Dawladii waxay yeelatay wasiiiro iyo madax sar sare, baabuur, guryo iyo lacag fara badan. Aabahaa sidii uu awoowgii uu ku dardaaray waa inaanu Tolka ka go’in mar haddi isaga wasiir laga dhigayna tolkii wax badan ayay ka sugayaan ilayn wasiirku waxa uu la mid yahay geelii tolka guryaha wasaaraduna waxba kama duwana ceelkii Caynabo ama Doolow ee uu tolku ka wada cabayay umadaha kalena uu ka xigsanayay.

Aniga Aabahay ayaa madaxwayne looga dhigay dawladii, sidii aabahaa oo kale ayaa awoowgay uu aabahay ugu dardaray qiimaha uu Tolku leeyahy iyo sida uu ugu qasbanyahay inuu tolka wax la wadaago. Reer tolkay dawlada uu aabahy ka madaxda yahay ugama duwana geelii ay wada lahayeen raali kama aha in reer tolkaa oo ay geela ay kala dhici jireen in uu aabahay geelan cusub ee uu gaalku ka tagay uu wax ka siiyo aabahaa oo ay isku iskuul, asaxaab iyo isku xisbi yihiin. Inkasta oo uu aabahay iyo aabahaaba ay ku socdaan tacliintii uu gaalka cadi baray ayna garanayaan in dawladu ay tahay wax dadku ay wada leeyahiin, hadana, taladii tolka kama tagi karayaan oo qayb maskaxdooda ka mid ah ayaa u sii jiidmaysa xaga tolka.

Haddii u aabahaa shaqadiisa uu si fiican u qabsan waayo oo uu ka cawdo qof kale oo aan tolkaa ahyni oo uu yidhaa “wasiirka waxbarashadu waxba nooma qabto lacagtii iskuulada ayuu cunay†reer tolkaa mid kasta oo ka mida waxa ku waajib ah in ay wasiirkooga difaacaan oo ay yidhaahdan “sideed wasiirkayaga wax uga sheegaysaa anagu ma wasiirkaaganu caynayâ€. Adeeradaa iyo Tolkaaga kale isma waydiiyaan waxa uu wasiirkan waxbarashadu uu caruurtoda uu u qabtay waxa ay ku faraxsan yahiin in bahashii dawlada ahayd ee uu gaalku ka tagay ay wasiir ku leeyahiin. Reer tolkay qudhoodu dawlada dhanba waxay u haystaan inay iyagu leeyahiin oo ay dadka kale ka xigaan, haddii aabahay uu ka yeelayona wasiirada iyo waxa meesha yaalaba iyaguu wada siin lahaa.

Dawladnimaddii uu gumaystuhu inagaga tagay waxay noqotay siduu Hadraawi ku sifeeyay maansadan.

Hal la qalay raqdeedaa

Lagu soo qamaamoo

Qalalaasihii baa

Nin ba qurub haleeloo

laba waliba qaybteed

Qorraxday ku dubatoo

Qoloftiyo laftiibaa

Lagu liqay qallaylkee

Qosol wuxuu ka joogaa

Qubannaa danbeeyee

Weli qaba hamuuntee

Buuraha qotada dheer

Ka arkaaya qiiqee

Qarka soo jafaayee

 

Lahaanshihii kumuu joogin oo qudha dawladdii ee sidii gumaysigu uu beeraha u xidhay ee uu dhulka u yidhi anigaa leh ayaynu bilownay inaynu dhulkii kala yeelano. Dhulkii uu wagii hore awoowyadeen is daba guuri jireen ee dugaagu kaga badnaa wuu xaalufay oo nabaad guurbaa ku dhacay. Mar haddii biyihii iyo baadkiiba ay yaradeen waa in dhulka intii sii qoyanayd la kala xidhaa oo la yidhaa reer hebelbaa halkaa dagi jiray oo beero ku lahaa anaga geelayagu wabiga ayuu barri ka soo cabay oo dhulka ilaa wabiga ayaanu leenahay aya reeraha qaarkood ku doodeen. Intaas laguma joogine waxa la yidhi magaalooyinkii ay carabta iyo gaalku ay dageen waynu kala leenahay oo meehsa geelayagu dul daaqo magaalada ku dhow anagaa leh ayaa la isku qabsaday.

Inkasta oo ilaa imika la isku haysto lahaanshahii iyo qaybsigii qabiiloyinka hadana haddii taa lafteeda lagu kala baxo waxa bilaabmaysii tii kala lahaanshaha reeraha hoose iyo tii lahaanshaha gaarka ah oo iyaduna aakhirka noqonasa wax inagu cusub oo iyana dhibteeda wadata.

Hadaba akhristow maanay u muuqan in Lahaanshuhu (property) uu yahay shayga qudha ee dhibaatada ina haysataa ku salaysantahay tan iyo intii uu gumaysigu ina dhex dhigay wax la yidhaa dawlad oo hab dhaqankeenii ku salaysnaa Tolnimada iyo xeerwadaaga khalkhalka galisay.

Ma odhan karo sidii ninkii odayga ahaa ee filimka bushmanka dawladnimada gaalkii inoo keenay aynu dib ugu celino, balse waxa cad ilaa inta ay Somalidu kala baranayso Lahaanshaha Gaarka ah iyo Lahaansha Guud (qaranka) ee ay meesha ka saarayso Lahaanshaha Tolka in dhibteenu joogayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this