Jacaylbaro Posted March 30, 2008 Wasiirka arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa Maanta u soo Xidhay 181 askari oo isugu jira Boolis iyo Asluub tababar ay ku qaadanayeen muddo sadex bilood ah dugsiga tababarka Booliska ee mandheera . Xaflad lagu soo xidhay Tababarka Booliska aaya waxaa ka qayb galay Taliyaha Booliska Somaliland Mudane Maxamed Saqadhi Dubad Iyo Saraakiil ka tirsan Booliiska , Aslubta iyo madax ka socota hay’adda UNDP .. Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo ka waramay Taariikhda Dugsigaasi isagoo ku tilmaamay inay tahay isha ay ka soo Baxdo Aqoon ta iyo xirfadda ay ku hawl galaan ciidanku, taliyaha waxa uu intaasi raaciyay in dhamaanba dafcada haatan dhamaystay tababarka oo ah dafcadii 15 aad inay dhamaanba ka hawl gelayaan caasimada, Taliyaha Dugsiga tababarka Booliska ee madheera ayaa isna waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxa Nooca tababarka kala duwanaa ee uu soo maray waxaanu muujiyay in ay kasbadeen Aqoon fiican oo ay ugu adeegi karaan dadkooda iyo dalkooda Wasiirka ariimaha Gudaha mudane C/laahi Ismaacil Cali Ciro oo si rasmi ah ciidanka ugu soo xidhay Tababarka ayaa ku dheeraaday doorka boolis iyo asluub looga baahan yahay inay bulshada ugu adeegaan haday tahay kuwa xabsiyada ku jira , iyo haday noqqoto dadweynaha kale, wasiirku waxa uu ku adkeeyay Gudashada waajibaadka saran. Ciidamada Booliska iyo Asluubta ee maanta Tababarku ugu soo xidhmay oo tiradoodu dhantahay 181 Aaya Gobalka Sool waxa ka soo jeeda 100 ka mid ah Ciidanka dadka uu dhashay gobalka Sool aaya aad uu soo dhaweeyey Ciidankana tababarka soo qatay ee ugu adeegaya dadkooda iyo dalkooda Quote Share this post Link to post Share on other sites