General Duke Posted December 23, 2006 GAROOWE : Golaha Wakiiladda Puntland oo si aan kala harlahayn u ansaxiyay heshiiska dawladu ay la gashay Shirkadaha khayraadka ka baaraya Puntland Posted to the Web Dec 23, 18:50 Garoowe:-Golaha Wakiiladda Puntland ayaa maanta si aan kala harlahayn u ansixiyay heshiiska ay dawladu la gashay shirkadaha Puntlad ka baarayaa Macdanta ee kala ah Range resource iyo Conmax kadib markii uu si faahfaahsan u sharaxay heshiiskaasi oo loo qaybiyay Xubnaha Gokaha Wakiiladda Agaasimaha Wakaaladda Macdanta iyo Shidaalka Puntland. Xassan Maxamuud Osmaan (aloore) Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo shidaalka Puntland ayaa Golaha hortiisa wuxuu ka akhriyay heshiiska shirkadaha lala galay oo tafaftiran wuxuuna Golaha u sheegay in uu su'aal kasta oo ka timaada Xildhibaanada uu ka qancin doono oo ka jawaabayo. Intabadan Xubnaha Xildhibaanada halkaasi fadhiyay ayaa Agaasimaha wuxuu midkastaaba waydiyay su'aal kasta oo uu islahaa waxaa kaaga jira mugdi , Agaasimahuna wuxuu su'aalahaasi uga jawaabay mid-mid , jawaab taasoo ay si wayn maqsuud ugu noqdeen Xildhibaanada. Jawaabaha ka yimid Agaasimaha Wakaalada Macdanta iyo Shidalka ayaa waxay soo dadajisay in ay dhammaan Xildhibaanada ku qancaan , waxayna ku dhawaaqeen in cod lagaliyo mawduucan. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Axmed Cali Xaash ayaa ku dhawaaqay in cod galiyo mawduucan 52 ka mid ah 66-ka Xildhibaan oo gootaasi fadhiday ayaa dhammaantood u coddeeyay ansixinta heshiiskan. Xubnaha Golaha ayaa sheegay in dani ugu jirto meel-marinta heshiiskan Ummadda reer Puntland si ay dadku iyo dadku ay u noqdaan kuwo horumarsan. Waxayna M/waynaha Puntland Cadde Muuse oo goobtaasi goob-joog ka ahaa ay ku dhiiriyeen in uu si wayn uga shaqeeyo ammaanka dalka si loo gaaro yoolka heshiiskan oo ay ku tilmaameen mid dhaxalgal ah oo taariikhi ah. Sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo Shidaalka Puntland Xassan Osman Maxamuud (aloore) heshiiskan wuxuu dhaqan galayaa marka ay dawlada iyo shirkaduhu ay saxiixaan si wadajir ah , waxayna shirkadu shaqadeeda ku bilaabaysaa 3 bilood gudahood , haddii ay shirkadu 3-daas billood gudahooda ay ku bilaabi wayso shaqada heshiisku waa dhacayaa. Axmed C/salaam Garoowe , Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites