Sign in to follow this  
General Duke

TFG rejects Sharif Xasan deal with clan courts as 'irrelevent

Recommended Posts

Golaha wasiirada oo isku raacay in lagu gacan sayro heshiiskii Shariif Xasan iyo Maxaakiimta.

 

 

Baydhabo, Kulan maanta magaalada Baydhabo ay ku yeesheen golaha wasiirada dawlada FS ayaa waxa ay kasoo saareen qodobo gaashaanka loogu daruurayo heshiiskii xalay magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen maxkamadaha iyo Shariif Xasan oo ay weheliyaan koox xildhibaano ah.

 

Kulanka golaha wasiirada magaalada baydhabo ay ku yeesheen oo ahaa mid albaabada ay u xiranyihiin ayaa waxaa ugu danbeyntii xubnaha golahaasi ay isku raaceen in heshiskaasi uu yahay mid aan la qaadan karin ayagoo ku tilmaamay mid aan lagala tashan xukuumada kmg ah.

 

Xubnaha golaha wasiirada ayaa waxa ay ku eedeeyeen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan inuu la wareegay howshii xukuumada kmg ah ay lahayd oo ah dib u heshiisiinta waxa ayna sheegeen in gudoomiyaha uusan kala tashan nabada magaalada Muqdisho uu ka raadiyey.

 

Afhayeenka xukuumada FS C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa waxa uu sheegay in heshiiska Muqdisho ka dhacay gebi ahaan uu yahay mid aan la qaadan karin .

 

Go'aanka xukuumada ayaa soo baxay ka dib markii xalay magaalada Muqdisho ay ku saxiixdeen xildhibaanada dawlada iyo maxkamadaha islaamka heshiis hor dhac ah oo 7 qodob ka kooban.

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Dawladda Somaaliya oo gaashaan ku dhufatay heshiiskii magaalada Muqdisho ka dhacay.

Sabti, November 11, 2006

 

Baydhabo (AllPuntland)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in heshiiska ka dhacay magaalada Kharduum ee ay wada gaareen maxkamadaha iyo wafdiga gudoomiyaha baarlamaanka aanu ahayn mid si saxa ah u dhacay.

 

Afhayeen u hadlay xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in heshiiskaasi uusan ahayn mid loo dhan yahay,

 

Waxa uu afhayeenku ku tilaamay in uu yahay mid dhayal ah oo aanan loo dhamayn, isaga oo intaasi ku daray in heshiis la wada galaa ay ka horayso in ay maxkamaduhu ka baxaan dhulalka ay qabsadeen.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay isaga oo waraysi siianayay TV-ga Al- Jazeera in heshiiskaasi ay saxiixeen xubno aanan xukuumada wakiil ka noqon karin sida u hadalka u dhigay.

 

Hadalkani ayaa waxa uu soo baxayaa iyada oo habeenimadii xalay ay heshis ka kooban 7 qodob ku kala saxiixdeen maxakamdaha iyo wafdi uu gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya hogaaminayay.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia peace deal 'irrelevant'

 

 

Somalia's transitional government has dismissed as irrelevant an agreement struck between a group of Somali MPs and the Union of Islamic Courts.

Spokesman Abdirahman Dinari said the MPs - led by parliament speaker Sharif Hassan Sheikh Adan - did not have a mandate to negotiate.

 

The MPs went to Mogadishu a week ago after Arab League mediation efforts in the Sudanese capital Khartoum failed.

 

The seven-point agreement called on both sides to agree to return to talks.

 

It also pledged to maintain an arms embargo and prevent any foreign interference in Somalia.

 

However, the transitional government - which has little influence outside the town of Baidoa where it is based - has called for the arms embargo to be lifted and for a foreign peacekeeping force to protect it.

 

The Islamists have taken control of most of southern Somalia since seizing the capital, Mogadishu, in June.

 

'Unacceptable'

 

The deal was struck late on Friday in Mogadishu. The government responded after a cabinet meeting the next day.

 

"The government does not accept this initiative," Mr Dinari told the Associated Press news agency. "It is totally unacceptable."

 

"Reconciliation is the task of the government," he added.

 

The deal is an attempt to prevent war between militias loyal to the Union of Islamic Courts and the fragile government.

 

Ibrahim Hassan Adow, the Islamic Courts spokesman for foreign affairs, said: "This is a first step, and we are headed for peace."

 

The two parties called on the transitional government to back the deal.

 

Somalia has been in the grip of warlords and militias for years and has not had a functioning national government since 1991

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this