Sign in to follow this  
Dhuujiye

RW.Cumar Cabdirashiid: Puntland waanu is af fahanay!

Recommended Posts

Dhuujiye   

Raysalwasaaraha dalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo wareysi khaas ah siiyey Horseed Media ayaa ka waramay wadahaladii Gaalkacyo ee u dhaxeeyey wafdigiisa iyo Dowlada Puntland.

 

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo markii ugu horeysay saxaafada wareysi kasiiyo shirarkii Gaalkacyo, ayaa uga waramay Horseed Media waxyaabihii ay uga wadahadleen kulamadii uu la yeeshay madaxda Puntland.

 

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo aan marka ugu horeysa wax ka weydiinay safarka uu ku yimid markii ugu horeysay Puntland waxaa uu salka ku hayo ayaa sheegay.

 

“….imaantinka aan halkaan imaaday wuxuu xambaarsanaa, wadatashi, xiriirka Federaalka, in la xoojiyo xiriirka Puntland iyo Galmudug iyo Federaalka….” Ayuu yiri Raysalwasaaraha oo intaasi ku daray in hada wixii ka danbeeya uu rajeenayo inuu hagaagsanaan doono xiriirka u dhaxeeya Dowlada Puntland iyo Federaalka.

 

Waxaanu Raysalwasaaraha weydiinay halka uu salka ku hayo murranka la sheegay inuu ka dhex dhashay wafdigii uu hogaaminayey ee Federaalka iyo Puntland oo codsiyo ay soo jeedisay la isku afgaran waayey.

 

Waxaanu si gaar ah u qeydiinay labada qodob ee Puntland codsatay ee ah:

 

- In Puntland wafuud ku darsato Safarada dowlada Federaalka

- In Puntland ay u madax banaanaato heshiisyada caalamiga ah

 

Raysalwasaaraha ayaa sheegay in arrintaasi si khaldan loo fasiray, isla markaana wadahadalka u dhaxeeyey ayaga iyo Puntland uu ahaa mid jawi aad u wanaagsan ku dhacayey, isla markaana waxa la isku heystay ay ahayd habka loo dhigayo, qoraalada ama heshiisyada labada dhinac, ayadoo loo eegayo Axdiga Federaalka iyo Dastuurka Puntland u yaal.

 

“…waxaanu ka doodnay waxa ay u yeelan karto dhinaca Sharciga sida uu u tabaanayey Axdi Qarameedka iyo dastuurka Puntland…..” ayuu yiri Raysalwasaaraha oo sheegay in hada ay arrimahaasi ka wadahadleen isla markaana ay hada is af fahmeen ayaga iyo mas’uuliyiinta Puntland.

 

“….Waxaanu rajeenaynaa inaan dhawaan wada saxiixo heshiisyada, intaanan ku noqon magaalada Xamar…” ayuu yiri Raysalwasaaraha oo ka dhawaajiyey inay usii socdaan wadahadalkii labada dhinac oo ay dhawaan soo afmeeri doonaan.

 

Raysalwasaaraha oo ka hadlay xiriirka siyaasada iyo wixii ay ku heshiiyeen Puntland iyo ayaga, yiri

 

“….Runtii xiriirka siyaasadeed hada sidii hore waa ka wanaagsan tahay….waxayna illa tahay wax wadaqeybsigana….Wada nka Soomaaliya wixii soogalana maaha hal meel…wixii soo galana wadanka loo qeybiyo guud ahaan…sida uu qeexayo Axdi Qarameedka….waxaana rajeenayaa inaysan imaan doonin wax kale oo murran keena…insha allah…”

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaan weydiinay in khilaafyada iyo xiriir xumaanta hada ka dhexjirtay Puntland iyo Federaalka ay salka ku heysay ama ku hayn karto, arrimihii ay horey dowlada Puntland uga cabatay ee ahayd adeegsiga erayga MIDNIMO QARAN, ayuu ku jawaabay;

 

“….maya runtii waa jirtay waxyaabo Tuhun iyo wel wel ay ka muujisay erayga Midnimo Qaran…Maaha midaas maaha mid wax ka bedalaysa Nidaamkii Axdi Qarameedka Nairobi 2004,,…illaa iyo hadana Xafiiskeyga Waraaqaha ka baxa kuligood waxaa ku qoron Federaalka iyo Axdi Qarameedka….marka arrintaasna waanu u sheegnay…wayna ku qanceen (Puntland)…” ayuu yiri Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid

 

Goorta la filan karo in Puntland iyo Federaalka ay kala saxiixdaan, ayuu Raysalwasaaraha ku jawaabay in goor dhow ay wada saxiixan doonaan kahor inta aysan ku noqon magaalada Muqdisho.

 

Galmudug

 

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo ka waramayey kulamadii uu maanta iyo Shalay la yeeshay mas’uuliyiinta Galmudug oo uu kula kulmay Koonfurta Gaalkacyo, ayuu sheegay in si diiran oo fiican loogu soo dhaweeyey.

 

“….Si wanaagsan baa naloogu soo dhaweeyey dadkuna waa dad diyaar u ah oo raba Federaalka,…” ayuu yiri Dr.Cumar Cabdirashiid.

 

Raysalwasaaraha ayaa intaasi ku daray inay kala hadleen arrimaha amniga iyo midnimada, asagoo sheegay in amni xumada iyo midnimo la’aanta ay tahay mid heerka xun gaarsiisay dalka Soomaaliya. Asagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka.

 

“…waxaa jirtay murran soo kala dhexgalay siyaasiyiinta oo la xariira doorashada…waxaana ku heshiinay in dhamaan dhinacyada ay noogu yimaadaan magaalada Muqdisho, isla markaana la xaliyo wixii khilaaf ah oo jira…taasna way naga ogolaadeen…”ayuu yiri Hogaamiyaha xukuumada Federaalka Soomaaliya.

 

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay u sheegeen inay doonayaan in maamulka Galmudug lasii dhiso, isla markaana laga sii balaariya habka uu hada yahay.

 

Isku shaandheyntii Xukuumada

 

Horseed Media ayaa wax ka weydiisay Raysalwasaaraha isku shaandheyntii uu dhawaan ku sameeyey golihiisa Xukuumada, sababta xiligan keentay?

 

Cumar Cabdirashiid, Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in isku shaandheynta keentay maadaama ay rabaan xiligan in dar dar la geliyo arrimaha Siyaasada, Amniga iyo horumarka dalka.

Wuxuu sheegay in dowladan shaqeenaysay muddo 7 bilood ah, isla markaana is tuseen in loo baahday dar dar gelin lagu sameeyo wax qabadka dowlada.

 

Baaqa bisha Ramadaan

 

Raysalwasaaraha oo fursadan uga faa’iideystay inuu Shacabka usoo gudbiyo fariintiisa bisha Ramadaan ee maanta bilaabatay, in shacabka Soomaaliyeed illaahay u barakeeyo.

 

Raysalwasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay Abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya, asagoo ugu baaqay dhamaan ummada Soomaaliyeed inay iskaashadaan oo la xasuusto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

 

Ahmiyadda Xukuumada

 

Ugu danbeyntii ayaanu Raysalwasaaraha weydiinay qodobka ugu muhiimsan ee uu doonayo inuu wax ka qabto, ayuu ku jawaabay.

 

“…waa AMNIGA…runtii Amni la’aan wax horumar ah oo la gaari karo ma jirto,..waxaanu rabnaa inaan xooga saarno amniga dhamaan dalka Soomaaliya…maaha Muqdisho oo kaliya…” ayuu yiri Raysalwasaaraha.

 

Hadan waxaan nimid Puntland, waxaana tagay Galmudug, waxaana rajeenayaa in gobalada kale ee dalka inaan tago Gobalada dhexe iyo Hiiraan, intaba inaan tago, waxaana dooneynaa inaan amniga xooga saarno, ayuu yiri Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo u waramayey Horseed Media asagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this