Saalax Posted December 10, 2009 Hargaysa,(Qarannews)-Aqoon-isweydaarsi soconaya mudo 3 cisho ah oo lagaga hadlayo siday haweenka u fahmi lahaayeen maamulka iyo inay weliba ka qayb qaataan hogaaminta siyaasada ayaa manta laga furey Hotel City Plaza oo ku yaala Magaalada Burco. Aqoon-isweydaarsigan oo ay ka qayb galeen in ka badan 30 Haweena isla markaana ay fulinayso xarunta Akadeemiyada Nabada iyo Horumarka ee Hargeysa iyo Burco waxaa ujeedada ugu weyn ee laga lahaa ay tahay sidii haweenka loogu dabaali lahaa inay door muuqda ku yeeshaan dhinacyada Maamulka iyo Siyaasada. Isuduwaha Wasaarada Qoyska Caasha Cali Qabile oo ka hadashay aqoon-isweydaarsigan ayaa waxay ugu baaqday haweenka Somaliland inay midoobaan siday u ****oli lahaayeen dayaca ka haysta hogaanka maamulka iyo siyaasada waxaa kale oo xustay in Wasaarad ahaan ay garab taagnaan doonaan. Ifraax Maxamed Cabdi oo ah Sarkaal ka socda waaxda lamaanaha ee Akaadeemiyada oo ka hadlaysay aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa ay xustay in la gaadhay xilligan in haweenka cududooda u midayn lahaayeen doorna ka qaataan dhinacyada siyaasada. Haweenaydani waxaa kale oo ay xustay in aqoon-isweydaarsigan uu fure u noqon doono siday haweenku u abuuri lahaayeen dalad kulmisa, mabaadiidooda, gaar ahaan dhinacyada horumarka iyo siyaasada, sidoo kalena Kinsi Faarax oo ah haweenayda u qaabilsan lamaanshaha Xafiiska Akadeemiyada Burco ayaa iyaduna waxay xidhitaankan ka sheegtay in haweenka ka qayb galay aqoon-isweydaarsigan oo laga soo xulay asxaabta Qaranka, Ururada Wadaniga ah, Haweenka Gurya jooga ah, iyo weliba kuwa Ganacsatada ah ay ka soo saareen xidhitaanka baaq loo jeedinayo haweenka Somaliland inay noqdaan awooda keliya ee wax qaban kara . Haweenaydani waxaa kale oo ay cadaysay inay haweenku isla qaateen in doorashooyinka soo socda ee ka dhici doona Somaliland ay door muhiima ku yeelan doonaan, aqoon-isweydaarsigan oo lagaga hadlayo dhiiri gelinta haweenka ee dhinaca siyaasada ayaa waxaa uu salka ku hayaa loolan xoog leh oo ay xilliyadan danbe haweenku ugu jiraan inay saami ku yeeshaan kuraasta loogu taliyo goloyaasha Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites