General Duke Posted August 27, 2007 10-Malyan Oo La Siiyay Askari Toogtay Nin Bom Kusoo Tuuray Saldhigga Afar-Irdood Muqdisho, Somaliya (Calanka) 27-Agosto-2007 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa saakay toban Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah ugu deeqay askari ka tirsan ciidamada Booliska ee saldhigga Afar Irdood ee degmada Xamar Weyne, kaas oo saakay ku guuleystay inuu toogto nin bambo ku soo weeraray saldhigga Booliska afar Irdood. Guddoomiye Maxamed Dheere wuxuu sheegay in askariga wanaagsan uu yahay midka sida geesinimada leh uga hortaga falalka wax u dhimi kara amniga muwaadiniinta, wuxuuna ammaan gaar ah u soo jeediyey taliyaha saldhigga booliska afar irdood iyo ciidamadiisa. Waxaa kale oo goobtaas soo booqday madaxa hoggaanka hawlgelinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed Col.Yuusuf Dhuumaal, Guddoomiye ku xigeenka gobolka banaadir ee dhinaca Siyaasadda Mudane Cabdullaahi Xasan Ganay Firimbi, wariyayaal iyo dadweyne fara badan oo u soo daawasho tagay inay arkaan Nabad-diidka la dilay. Ninkaan la dilay ayay dadka xaafadda Raqayga Xamar Weyne arkeen isagoo gacmaha ku sita bambooyin isuna diyaarinaya inuu bambadaas ku tuuro saldhigga Booliska, hase ahaatee Booliska ayaa markey ka war heleen arrintaas waxay hareereeyeen ninkaas, waxayna ciidamada amniga ku amreen inuu iska dhigo bambada, isna dhiibo, wuxuuna tuuray bamboo u diyaarsaneyd oo uu ku riday guri ay lahaayeen cid masaakiin ah, hase ahaatee cidina waxba kuma gaarin, dabadeedna waxayna Boolisku ku fureen rasaas, halkaas ayuuna ninkii ku dhintay sida ka muuqata sawirka la socda warkan. Ninka ay Boolisku toogteen ayaa ahaa nin aad loo raadinayey muddooyinkaan dambe, kaas oo ahaa ninkii dhawaan bambada ku tuuray gidaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir, isla markaana bambada ku tuuray hotel Madiina oo ay degganaayeen qaar ka tirsan ergada shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed. Booliska iyo sirdoonka ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa waxay ku raad joogaan laba nin kale oo iyagoo nool baxsaday lana socotay ninka la dilay, kuwaas oo saraakiisha boolisku sheegeen inay heleen xog rasmi ah oo ku saabsan goobaha ay ku nool yihiin iyo kooxaha ay ku xiran yihiin. G/Banaadir + Calanka Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 27, 2007 Muqdisho: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Toban Milyan Sh.So ah siiyay askari dilay nin bambo ku soo weeraray Booliska 27. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa saakay toban Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah ugu deeqay askari ka tirsan ciidamada Booliska ee saldhigga Afar Irdood ee degmada Xamar Weyne, kaas oo saakay ku guuleystay inuu toogto nin bambo ku soo weeraray saldhigga Booliska afar Irdood. Guddoomiye Maxamed Dheere wuxuu sheegay in askariga wanaagsan uu yahay midka sida geesinimada leh uga hortaga falalka wax u dhimi kara amniga muwaadiniinta, wuxuuna ammaan gaar ah u soo jeediyey taliyaha saldhigga booliska afar irdood iyo ciidamadiisa. Waxaa kale oo goobtaas soo booqday madaxa hoggaanka hawlgelinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed Col.Yuusuf Dhuumaal, Guddoomiye ku xigeenka gobolka banaadir ee dhinaca Siyaasadda Mudane Cabdullaahi Xasan Ganay Firimbi, wariyayaal iyo dadweyne fara badan oo u soo daawasho tagay inay arkaan Nabad-diidka la dilay. Ninkaan la dilay ayay dadka xaafadda Raqayga Xamar Weyne arkeen isagoo gacmaha ku sita bambooyin isuna diyaarinaya inuu bambadaas ku tuuro saldhigga Booliska, hase ahaatee Booliska ayaa markey ka war heleen arrintaas waxay hareereeyeen ninkaas, waxayna ciidamada amniga ku amreen inuu iska dhigo bambada, isna dhiibo, wuxuuna tuuray bambo u diyaarsaneyd oo uu ku riday guri ay lahaayeen cid masaakiin ah, hase ahaatee cidina waxba kuma gaarin, dabadeedna waxayna Boolisku ku fureen rasaas, halkaas ayuuna ninkii ku dhintay sida ka muuqata sawirka la socda warkan. Ninka ay Boolisku toogteen ayaa ahaa nin aad loo raadinayey muddooyinkaan dambe, kaas oo ahaa ninkii dhawaan bambada ku tuuray gidaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir, isla markaana bambada ku tuuray hotel Madiina oo ay degganaayeen qaar ka tirsan ergada shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed. Booliska iyo sirdoonka ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa waxay ku raad joogaan laba nin kale oo iyagoo nool baxsaday lana socotay ninka la dilay, kuwaas oo saraakiisha boolisku sheegeen inay heleen xog rasmi ah oo ku saabsan goobaha ay ku nool yihiin iyo kooxaha ay ku xiran yihiin. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 27, 2007 Afhayeenka xariirka saxaafadda iyo dadweynaha ee Ciidamada Booliska dowladda kMG ah oo sheegay in nin bamgacmeed ku tuuray Ciidamada ay dileen. Mogadishu ,27, August 2007 (HornAfrik Media) Afhayeenka xariir saxaafadda iyo dadweynaha ee Ciidamada Booliska dowladda kMG ah ee soomaaliya C/waaxid ayaa sheegay in Ciidamada saldhiga degmada X.wayne ay toogteen subaxnimadii saaka nin uu sheegay in bambaano uu ku tuurayay Ciidamo roonda samaynayay. Sida uu sheegay sargaalka Ciidamada dowlada KMG ah ee soomaaliya u qaabilsan xariirka saxaafada iyo dadweynaha C/waaxid ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ay dileen qof kii bamkaasi tuuray oo ay arkeen isaga oo cararay sida uu sheegay. Waxaa kale uu sheegay in Ciidamada saldhiga degmada x/wayne aysan wax qasaare ah ka soo gaarin bamkaasi lagu tuuray waxaana uu intaasi ku daray in qof rayid ah uu dhaawac firir ah ka soo gaaray qaraxa Bam gacmeedkaasi. Dhinaca waxaa xalay bam lagu weeraray Hotelka Madiina oo degmada Xamar/jajab waxaana halkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ergooyinka ka yimid Maamul goboleedka Puntland waxaana la sheegayaa in dhaawiciisu uu yahay mid fudud. Degmada X/wayne ayaa waxaa ay iyadu ka badbaaday dagaaladii xooganaa ee ka dhacay qeybo mid ah caasimada Muqdisho in kastoo haatan ay ka wadaagto rabshada deegaanada kale ee Magaalada Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 27, 2007 Maamulka Gobolka Banadir oo Askari Abaal Mariyey Last Updated::2007-08-27 21:07:20 Muqdisho:-Gudoonka Gobolka Banadir ayaa Maanta waxaa ay Gudoonsiiyeen Abaal Marin Lacageed iyo mid maskaxeedba Askari ka tirsan Ciidamada DF Soomaaliya ka dib markii uu dil u geystey mid ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda DF Soomaaliya. Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa waxaa uu gudoonsiiyey Maanta SH SO 10,000,000 (Toban Malyuun oo Shilanka Soomaaliga ah) Askari ka tirsanaa Ciidamada Amaanka ee Deegaanka Afar Irdood ee Degmada Xamar Weyne. Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa waxaa uu amaan u soo jeediyey Askarigii ka danbeyey Falka Dilka ah ee uu ku diley mid ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda DF Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale gudoomiyaha u soo jeediyey amaan dhiiri galin leh Taliyaha Ciidamada ee Deegaanka Afar Irdood isaga oo sheegey in Taliyihii wanaagsan uu talaabo muhiim ah ay qaadayaan isaga iyo Askartiisa. Waxaana uu sheegey Gudoomiyuhu in Askari Kasta oo qaada fal noocaan oo kale ah la gudoonsiinayo abaal marin ka qaalisan midan, waxaana uu sheegey in talaabadani ay baajineyso in ay weeraro waxyeelo leh lagu soo qaado Ciidamad Dawlada Kemeel Gaarka ah ee Soomaaliyeed. Meydka mid ka mid ah Kooxaha Kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale indhihiisa ku arkey Gudoomiyaha Gobolka Banadir oo wehliyaan Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Gobolka iyo Ciidamada Booliiska. Sida ay ku soo waramayaan Warfidiyeenada ku sugan halka uuka dhacay Dilka loogu geystey ninka la sheegey in ka tirsanaa kooxaha Muqaawamada sheegta in ay ka wadaan Caasimada waxaa arkey dadka Deegaanka isaga oo oo Gacanta ku wata Bambaano dabadeedna waxaa markiiba hareereeyey Ciidamada Saldhiga Afar Irdood oo ku amrey in uu is dhiibo dadabadeedna ka dhaga adeegey warkaas. Waa qofkii ugu horeeyey oo Laamaha Amaanka ay Toogasho ku dillaan kaas oo ka tirsan kooxaha ka soo horjeeda DF Soomaaliya iyo Ciidamad Itoobiyaanka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 27, 2007 Ciidamada dawladda oo diley ninkii weeraray saldhigga Afar Irdood Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulestey sida uu sheegay afhayeenka ciidamada booliiska Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen ay dilaan ninkii ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday saldhigga booliska Afar Idood ee degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho. Maamulka gobolka Banaadir ayaa askariga diley ninka weerarka bam gacmeedka ah ku soo qaaday u ballan qaaday 10 milyan oo shilinka Soomaaliga ah oo abaal marin ah. Maamulka ayaa tallaabadan ku doonaya in uu ku dhiirri geliyo ciidamada dawladda iney ka hor tagaan kooxaha ka dagaalamaya gudaha magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka halaya kuwa Ethiopian-ka ayaa saaka hawlgallo ka bilaabay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan SOS, Suuqa Xoolaha, Ex Ctrl Balcad ilaa iyo Wershedda Kooka Koollada, baaritaanka ciidamada dawladda ayaa bilowday saaka aroortii iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in ciidamadu ay daba joogaan dadka ka dameeya weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho. Waxaa xiran waddada aadda Suuqa Xoolaha ilaa iyo Ex Ctrl Balxad ee magaalada Muqdisho iyadoo Isgoyska hawlwadaad ay weerarro ka dhaceen. Xasan Mutawakil SBC Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 27, 2007 weerar bambaano oo lala beegsaday saldhiga booliska Afar irdood iyo ciidamada booliska oo ninkii qaraxaasi fuliyay toogasho ku dilay isla goobtii. saaka ayaa qarax lala beegsaday saldhiga ciidamada booliska ee deegaanka afar irdood kadib markii laba nin oo ku hubaysan waxyaalaha qarxa ay saldhiga soo weerareen ragaas oo ay fooda is dareen ciidamada booliska oo saldhiga siwayn ilaalo uga hayay. Ciidamada booliska ayaa ragan labada ah ka shakiyay xili ay rabeen inay soo galaan gudaha saldhiga iyadoo lagu amray inay istaagaan balse ay ka dhaga adaygeen iyadoo mid kamid ah uu bumbo gacmeed la beegsaday ciidamada booliska balse isla markiiba waxay ka gaarsiiyeen rasaas xoogan oo ay ooda kaga qaadeen ninkii bumbada la soo baxay. Askarigii dilay ninkii ku hubaysnaa ayaa la gudoon siiyay 10milyan oo shilin soo maali ah iyadoo hal darajana la dalacsiiyay kadib markii siwayn maamulku ula dhacay qaabka askarigaasi uu uga hortagay falkii ay damacsanaayeen kooxaha qaswadayaasha ah. Maaha markii ugu horaysay ee la khaarajiyo rag doonayay inay weeraro gaystaan iyadoo marar badan ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen qaarna toogteen rag faraha kula jiray falal argagixiso oo ka dhan ah amaanka caasumada somalia. Allmudug.org news desk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 28, 2007 Ciidamada Booliska Gobolka oo toogtay sadax nin oo weerar ku soo qaaday taliska qeybta Bari ee Booliska { 28 Aug 2007} waxaa la daabacay Tue 28 Aug 2007 13: 27: 41 “Booliska Gobolka Banaadir Waxay toogteen sadax nin oo weerar ku soo qaaday ciidamada Booliska taliska ay ku leeyihiin qeybta Bari ee magaalada Muqdisho, waxaana isla weerarkaasi ciidamada Booliska Gobolku ay ku qabteen labo ka mid kooxihii weerarka ku soo qaaday ciidamada Booliska” ayuuu yiri G/Le C/Waaxid Maxamed Xuseen oo ah Madaxa xafiiska xiriirka Saxaafadda iyo Dadweynaha ee Booliska Soomaaliyeed. G/Le C/waaxid waxaa uu intaa ku daray in xiligii weerarka ay soo qaadayeen ay ciidamada Boolisku diyaarsanaayeen isla markaana ay talaabo cad ka qaadeen kooxahaasi oo inta badan la dilay kuwii kalena la qabtay, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada Boolisku ay si weyn ugu guuleysteen kooxahaasi oo uu sheegay in meydadkooda ay weli yaalaan agagaarka xarunta Dr. Ismaaciil Jumcaale Cosoble. Goobta uu yiilay meydadkaasi ayaa waxaa u soo daawasho tegay dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen Soomaali diidow silac u dhimo, waa kaa sabreynaa silac u dhimo iyadoo sidoo kale soo gaaray suxufiyiin fara badan iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulka gobolka Banaadir. Weerarkan oo dhacay xalay fiidnimadii ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ciidamada Booliska ay howlgalo xoogan ka wadaan magaalada Muqdisho iyadoo shalay sidaan oo kale nin bambaano ku soo weeraray saldhiga afar irdood ay ciidamada Booliska toogteen. Gobolkabanaadir.com Quote Share this post Link to post Share on other sites