Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland 11th Year Anniversary Celebratins, August 1st on SOL!

Recommended Posts

Garowe: DABAALDEG Amaanka Garowe oo la adkeeyey & Warbixin ku saabsa Xuska 11aad!

 

19. juli 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Amaanka guud ee caasumada Puntland ayaa la adkeeyey waxaana ciidamado dheeri ah lakeenay magaalada, maalmihii ugu dambeeyey, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo laamaha amaanka ee magaalo Madaxda dowladda Puntland.

 

Dowladda Puntland ayaa ujeedka ciidamadan ku sheegtay kuwa lugu sugayo amaanka Magaalada, maadaama loo diyaar garoobaya maalmaha lugu tilmaamay Farxada Puntland oo ah dhismihii dowladda Puntland.

 

Sannad guureed 11aad ee Dowladda Puntland ayaa looga diyaar garoobayaa magaalada Garowe iyo guud ahaan gobalada Puntland, waxaana hada socda abaabulid iyo kicin dadweyne oo ay wadaan Gudi heer Puntland ah oo uu magacaabay k/simaha Madaxweynaha dowladda Puntland todobaadyo ka hor.

 

Gudigan ayaa qaatay kulankoodii 4aad oo ay uga hadlayaan udiyaar garoowga Munaasabadan Xasuusta Mudan, waxaana ay soo bandhigeen gudi hoosaadyada arimahan loo xilsaaray waxqabadyii ay muujiyeen mudadii ay howsha wadeen, waxaana Gudi walba uu soo gudbiyey howlaha ay ubaahan yihiin iyo sida ay wax uqabanayaan.

 

Gudiyada ayaa iskugu jira dhamaanba cida ay khuseyso udabaal-daga dhismihii dowladda Puntladn ee Soomaaliyeed, waxaana ugu muhiimsanaa gudiyadaasi gudiga ciidamada, Bulshada rayidka ah, Shaqaalaha dowladda iyo Gudiyo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda Puntland oo ka tiro badan doona guutadiiba 300 Askari ayaa mari doona Jidadka waa weyn ee caasumada, sidoo kale Tiknikada ciidamada oo iskugu jirta noocyo badan ayaa mari doona, sida ay cadeeyeen gudiga ciidamada dowladda Puntland oo leh nooc walba.

 

Gudigan ayaa shaaciyey in laga bilaabo 20-ka bishaan ay bilaabi doonaan howlgal wardoon ah, si loo ogaado xaalada ka jirta deegaanada Puntland iyo waxyaabaha jiri kara ee ay wadaan dad ka soo horjeeda horumarka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxaha Fanka ayaa sidoo kale ayaguna udiyaar garoobaya xafladan, waxa ayna soo bandhigi doonaan Heeso, Riwaayado, Gabayo iyo waxyaabo kale oo ay sheegeen in ay dadka ugu sheegayaan wanaaga iyo Midnimadu qeymaha ay leedahay, oo ah mid aad uweyn.

 

Abwaanada joogta Xuskan ayaa kuwa aad looga yaqaano Soomaaliya, loogana dambeeyo arimaha Sameynta waxyaabo walba oo fanka lahalmaala waxaana ka mid ah, Abwaan C/qaadir Shube, Abwaan Xasan Guulwade, Abwaan Jaamac Kadiye, Abwaan Xasan Warsame Xiireey, oo dhamaantood ka tirsanaa kooxihii Qaranka ee Soomaaliya ahaana ragii sameyn jiray heesaha maanta ay Soomaalidu qaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kooxda Farshaxanka oo ka mid ah kooxaha howlahooda ladiyaariyey ayaa soo bandhigay,sida ay udoonayaan in ay waxqabadkooda ku muujiyaan maalintan,waxaana ay sheegeen in ay magaalada oo dhan ku xiri doonan Hal-ku-Dhagyo ka hadlaya Puntland iyo Isbadalada ay xukuumadan cusub dooneyso in ay fuliso.

 

Madaxtooyada ayaa lugu xardhi doonaa Magacyo muujinaya horumarka Puntland, waxaa kaloo lugu qorayaa Boorar ladhigi doono magaalada in aysan Puntland marnaba ka go'idoonin Soomaalida, ayna ka mid noqon doonto dowlad kasta oo Faderaalism ku dhisan, In Siyaasadoodu tahay horumar iyo Nabad ee aysan aheyn dagaal iyo dhibaato.

 

Kooxda Farshaxanka ayaa ku dhajinaya Madaxtooyada, Magaalada oo dhan iyo goobaha shirarka kuna sawirayo sawirada 4 Madaxweyne oo soo maray maamulka Puntland, kuwasoo kala ah C/laahi Yuusuf Axmed, Maxamed Cabdi Xaashi, Maxamuud Muuse Xirsi iyo C/rixmaan Maxamed Maxamuud, sla markaasna ladoonayo in qof walbaa isku dayo in uu ka shaqeeyo amaan iyo Horumarka deegaankiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiga Shaqaalaha dowladda, waxaana soo maraya socdaalka ay dhinacyadu sameynayaan gudiga Shaqaalaha dowladda Puntland oo xiran (SHAAR CAD & SURWEEL MADOW), waxa ayna ka kala imaan doonaan Wasaarada dowladda oo dhan.

 

Gudigan Haweenka waxa ay sheegeen in ay ka imaan doonaan In ka badan 100 Haween ah oo xiran (DHARKA HIDAHA IYO DHAQANKA SOOMAALIDA), isla markaasna ay mari doonaan Munaasabada.

 

Gudiyada Ardayda nooc walba, Dhalinyarada waxaa ka imaan doonta 75 Dhalinyaro, kuna labisan Direys gaar ah, Ardayda dhigata Iskuulada H/Dhexe oo ayana qabi doona dhararkooda lugu yaqaano, 75 qof oo ka mid ah dadka barta Kuliyada Caafimaadka Puntland oo qabi doona dharka lugu yaqaano, 100 Arday oo dhigata Jaamacadaha Puntland markaasna xiran dharka Jaamacadaha & Macalimiinta oo xiran direyskooda mari doonaan goobta.

 

Dhamaanba dhinac marka uu marayo Wadooyinka ama Tarabuunka, waxaa la qorsheeyey in uu qaado hees iyo Hal-ku dhag ugaar ah, waxaana ay dad badan uarkayaan hadii ay howshan hirgasho mid ay dadka Puntland u arki doonaan talaabo xasuus weyn ku reebi doonta.

 

11-kii sanno ee ay soo jirtay Puntland dad badan ayaa aaminsan in aan wali la gaarin Yoolashii loo baahnaa, waxaana taasi sabab looga dhigay xaaladaha kala gedisan ee soo maray Puntland, ayadoo hada Maamulka cusub laga dhowrayo Isbadalo waa weyn, inkastoo ay hadaba soo muuqdaan Isbadalaasi.

 

AllPuntland ayaa waqti kasta idinla socodsiin doonta wararka ku aadan xuskan.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayado aan loo kala hadhin udiyaar garoowgii 1Agosto caasimadda Garoow si weyn looga dareemaayey taasoo!

 

Jirac, News on Puntland festivities:

 

Shacabka Rer Puntland oo laga dhehanaayo farxado wajiyadooda ka wadda Muuqato taasoo loo kala hadhin yar iyo weeyn balse Caasimadda laga dalacanaayey farxadasi oo aay Qaarkood ku labisnaayeen hidaha dhaqan somaliyeed gabadhah yar yar ayadoo aay ka dhiman tahay mudo yar

 

Tan iyo intii ladhisay Dawlada Puntland ayaa waxaa magaalada Garowe ee xarunta u ah dawlada Puntland ay si heer dowladeed ah loogu dabaal degay munaasabada 1da Agoosto, labadii sano ee ugu horeysay ee sanadadii 1999 iyo 2000.

 

Waxii intaas ka danbaysay lagama xusun 1da Agosto dhamaanba gobolada Puntland balse dawladaan cusub ee uu hogaamiye Madaxwayne C/raxmaan Faroole ayaa waxaay wacad ku martay inaay xusi doonto sanad walba 1da Agoosto.

 

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in sanadkan dalalka dibada lagu qabto xaflado maalintaa lagu weynaynayo iyadoo aay hada qabanqabda xafladaas aay kasocoto wadamada Iskandenefiyanka gaarhaan Norway.

 

Ciidamada qalabka sida ee Dawlada Puntland ayaa waxaa lagaliyay heegankii ugu danbaysay iyadoo aay maalintaas aay mari doonan wada dheer ee dhexmarta casumada Puntland ee Garoowe sidoo kale waxaa dayac tir wayan lagu sameeyay Tiknikada gaashaman oo iyaguna maalintaas dhinac socon doonan cidamada qalabka sida ee Puntland State.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wish I was there for this event. Inshsa Allah I will be there for the next one. Congradulation to my beloved Puntland, your sons are coming home soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Kooxda Farshaxanka ayaa ku dhajinaya Madaxtooyada, Magaalada oo dhan iyo goobaha shirarka kuna sawirayo sawirada 4 Madaxweyne oo soo maray maamulka Puntland, kuwasoo kala ah C/laahi Yuusuf Axmed, Maxamed Cabdi Xaashi, Maxamuud Muuse Xirsi iyo C/rixmaan Maxamed Maxamuud, sla markaasna ladoonayo in qof walbaa isku dayo in uu ka shaqeeyo amaan iyo Horumarka deegaankiisa.

 

I wish this was announced sooner, such a historic moment. I didn't realize that it would be this big. Too bad I will not be able to make it. In the less then 4 years that I was in and out of the state the progressed enormously. I can't imagine how it was in 1998! Hope their is lots of video and pics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^It's huge this year around my friend, the committee setup by the acting president of the state who is also the Vice President Mudane Abdisamad Ali Shire did a great work.

 

The Army is in great shape, you'll see huge numbers of soldiers and modern weaponary on display while the different battalions will parade through the streets of the capital Garowe.

 

Much has changed, indeed much has changed.

 

map.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Let this day be remmebered as a time when the people of 1/3 of the republic came together and decided their destiny.

 

Puntland is poor economy wise but rich in confidance and thats what one needs to move foreward.

 

The Diaspora must wake up and go back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AfricaOwn:

^^^

See the benefits of taking your own destiny? Somalis should never be united politically. That's a set back..

You are right-people of Sool, Sanaag, and Awdal should decide their own destiny.Like you said, Somalis should never be united politically. It's setback for the Somalis in Awdal, Sool, and Sanaag to unite with any other Somalis :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this