Sign in to follow this  
General Duke

Hiiraale motion passes: MP's come back to earth

Recommended Posts

Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo maanta ogolaaday in ay wada hadallo la yeeshaan xubnaha ka soo horjeeda ee Jowhar ku sugan

 

Talaado, November 15, 2005(HOL): Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka kuwooda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin wada hadallo ay la yeeshaan Xubnaha Labada gole ee Jowhar ku sugan.

 

Wasiiru dowladaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Md. C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane ayaa shirkaasi kadib saxafiyiinta u sheegay in ay isku waafaqeen in ay qaataan Barnaamij Dib u heshiisiin ah oo sida uu yiri uu soo hordhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, kaasi oo ahaa in la ogolaado wada hadallo dhexmara labada dhinac ee dowadda Federaalka, iyadoo aanan shuruud lagu xireynin meesha uu kualnkaas ka dhici doono gudaha dalka ama dibaddiisa.

 

Wasiiru-Dowlaha waxaa kale oo uu sheegay in ay dabacsanaantaas u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed oo ku jira xaalad xasaasi ah darteed, isagoo sida uu yiri ka tanaasulay ku dheganaantoodii ahayd in ay dhexdhexaadiyaan UN-ka, balse waxaa uu carabaabay in ay soo jeediyeen in uu Adduunka goob joog ahaado oo markaasina uu marqaati ka noqdo waxa ay ku heshiiyaan.

 

"Mudadii shirka socday waxaa la isku waafaqay in barnaamij dib u heshiisiin ah oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka keenay la qaado, kaasi oo ah in labada dhinac ee dowladda Federaalka ay wada hadlaan, iyadoo shacabka loo tanaasulayo"ayuu yiri Xildhibaan Dhaqane oo sheegay in ay dhinacooda Muqdisho dhowr jeer oo hore isugu dayeen in la wada hadlo.

 

Xildhibaan Dhaqane waxaa kale oo uu sheegay in ay maanta ka wada hadleen arrin ku saabsaneyd shir ay Golaha Wasiirrada ku yeesheen Jowhar 23-kii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay, kaasi oo sida uu yiri lagu kala goo-goynayay dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay arrintaas ka soo saareen baaq ah in aan lagu deg degin arrintaas tan iyo inta la isaga imaanayo oo ay dhinacyada Dowladda ka heshiinayaan.

 

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wuxuu ahaa kulankii caadiga ahaa ee ay Xubnaha labada gole ee Muqdisho isugu imaan jireen maalmaha Sabtida iyo Talaadada.

 

Wasiirka dib u dhiska iyo Dib u dejinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa mar uu dhawaan Muqdisho tegay waxaa uu xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee labada garab u kala jabay uu ka dhex bilaabay dadaal wada hadallo looga dhex furayay, inkastoo dadaalkaas uu miro dhal noqon waayay, isla markaana uu dib Kismaayo ugu laabtay isagoo aan wax natiijo ah gaarin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnaha labada gole ee Muqdisho jooga oo tanaasulay iyo maxaa sababay tanaasulka wakhtigan?

 

Muqdisho:- Xubnaha kamid ah Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay Tanaasuleen.

 

Shir maanta ka dhacay Hotel Saxafi ayey isugu yimaadeen Xildhibaanada iyo Wasiirada ku sugan Muqdisho oo ayagu kasoo horjeestay Xukuumada fadhigeedu yahay magaalada Jowhar.

 

Shirkan ayey ku sugnaayeen Wasiirada Hubeysan ee ayagu horey u diiday in ay wax wadahadal ah la galaan xukuumada ay hogaamiyaan Raysalwasaare Geedi iyo Madaxweynaha C/laahi Yusuf.

 

Shirkii maanta ka dhacay Hotel Saxafi ayuu Guddoonkiisa lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh.

 

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay sidii laga yeeli lahaa waan waan uu wado Col.Bare Hiiraale (Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta) oo asagu ku casumay xubnaha Muqdisho shir wadahadal ah oo ka dhacaya magaalada Kismaayo.

 

Arrintan ayey markii horey kasoo horjeesteen Wasiirada Hubeysan oo ay ugu horeeyaan Maxamed Qanyare Afrax (Wasiirka Amniga) iyo Muuse Suudi Yalaxow (Wasiirka Ganacsiga).

 

Wasiiradan ayaa maanta markale ka codsaday xubnaha Muqdisho ku sugan in aysan soo dhaweyn wax wadahadal ah oo lala yeesho dhinaca Jowhar.

 

Balse arrintan ayey si weyn uga horyimaadeen inta badan Xildhibaanada hada ku sugan magaalada Muqdisho oo ayagu sheegay in khilaafkan sii dheeraaday, isla markaana hada kahor ay wasiirada hubeysan ee Muqdisho ay sidan oo kale isku hortaageen qorshe noocaan ah.

 

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in diidmadii hore ay dhalisay kala jab ku yimaada xubnaha ku sugan magaalada Muqdisho, ayadoo ay qaar badan oo kamid ah uu baxeen dhinaca Jowhar.

 

Xubnahaasi u goostay dhanka Jowhar oo uu kamid ahaa Guddoomiyaha kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Md.Cismaan Cilmi Boqore, ayey xildhibaanada hada Muqdisho ku sugan sheegeen in ay tahay mid ka timid dhega adeyga iyo macangagnimada ay ku dhaqmeen Wasiirada Hubeysan.

 

Xildhibaanada ayaa codsaday in aan hada laga horimaan heshiis lala galo dhinaca Jowhar, waxayna isla markaasi sheegeen in aan lagu xirin wadahadalka in uu dhex dhexaadiyo labada dhinac Wakiilka Koffi Anan ee Mr.Fransisko Fall oo qaar kamid ah Xildhibaana sheegeen inuu ninkaasi taageeray dhinaca magaalada Jowhar.

 

Shirkii maanta ayaa si dheer looga dooday in lagu tilaabsado wax tanaasul ah ayadoo ay kadib intii badneyd Xildhibaanada sheegeen in ay taageerayaan wadahadal walba, ayagoo ka tanaasulay mowqifkoodii hore.

 

Kadib dhamaadkii shirkan ayey ka gaabsadeen xubnihii kasoo horjeeday Wadahadalka in ay wax war ah siiyaan Saxaafada.

 

Xildhaan Cumar Xaashi, Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, iyo xubno kale oo ayagu ahaa kuwii diidanaa in waan waanta la bilaabo ayaa ka gaabsaday in ay saxaafada la hadlaan.

 

Warsaxaafadeed uu si rasmi ah u soo saaray Md.Cabdulqaadir Maxamuud Dhaqane oo ah Wasiir u Dowlaha xafiiska Raysalwasaaraha ayaa sheegay in ay xubnaha Muqdisho ku sugan ay si rasmi ah uga tanaasuleen go;aankoodii hore oo ahaa in beesha Caalamka ay dhex dhexaadiso hogaamiyaasha ku kala sugan magalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

 

Qodobkan ayaa ah mid irida u furaya in lasoo dhaweeyo waan waanta uu wado Col.Bare Hiiraale.

 

Wuxuuna Wasiirul Dowlaha Md.Dhaqane uu sheegay in ay soo dhaweenayaan in beesha Caalamka ay kasoo qeyb gasho shirkaasi balse ay xubnaha Dowlada Federaalka ay dhex dooda xalistaan waxa khilaafka ah ee jira, qodobkaasi oo ahaa midkii ay horey usoo jeediyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysalwasaaraha oo ayagu saldhig ka dhigtay magaalada Jowhar.

 

Tanaasulkan ayaa kusoo aaday wakhti ay socdaan shirar kala duwan oo magaalada Jowhar ku leeyihiin madaxda Xukuumada iyo beesha Caalamka.

 

Wasiirada hubeysan ee magaalada Muqdisho ee Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare ayaa ayagu diiday in ay la kulmaan Raysalwasaaraha markii uu yimid magaalada Muqdisho, ayagoo sheegay in Raysalwasaaraha uu rabay in magacooda uu u-adeegsado safarada uu ku tagayo dalalka Yurub si uu markaasi lacag u soo helo.

 

Waxaana la oron karaa garabka ku sugan Jowhar ayaa meesha ka saaray doodii ahayd in khilaafka jira uu dowlada labo garab ka dhigay, wuxuuna ku guuleystay Raysalwasaare Geedi in uu Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo in Xukuumada inteedii badneyd ku sugan tahay magaalada Jowhar.

 

Arrintaasi ayaa keentay in ururo badan oo horey deeqdooda ugu xiray midnimada dowlada Soomaaliya, in ay Jowhar kasoo degaan ayagoo markaasi iska fogeeyey in ay booqdaan magaalada Muqdisho.

 

Waxaana sidoo kale jira in Midowga Yurub oo ahaa ururka ugu weyn oo horey u codsaday in xubnaha Jowhar ku sugan iyo kuwa kale ee Muqdisho ay heshiiyaan inta aan la bilaabin taageerada DFKMG, codsigaasi ayuu ururkaasi EU wax ka bedalay kadib markii wafdi heer sare ah oo ka socday uu soo gaaray magaalada Jowhar todobaadkii tagay.

 

Wafdigaasi ka socday Midowga Yurub ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dowlada ay xarunteedu tahay magaalada Jowhar.

 

Wafdigaasi ayaa casumaad u fidiyey Raysalwasaaraha Cali Maxamed Geedi inuu booqdo xarunta Midowga Yurub ee magaalada Bruxelles ee dalka Belguim.

 

Tanaasulka ay maanta soo saareen xubnaha ku sugan magaaladan Muqdisho ayaa kusoo aaday saacado kahor intuusan magaalada Bruxelles ee xarunta EU-da, ka degin Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi oo maanta duhurnimadii ka ambabaxayey magaalada Roma.

 

Ugu danbeyntii waxaa la oron karaa xubnaha ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka go'adoomay siyaasadii Beesha Caalamka oo ay markii horey ku kalsoonaayeen in ay ku taageeri doonaan gadoodka ay kala soo horjeesteen dowlada xarunteedu tahay magaalada Jowhar.

 

Waxaana hada muuqata in Beesha Caalamka, iyo waliba shacabka Soomaaliyeed ay si weyn ugu daaleen qabqablayaasha ku sugan Muqdisho, ayadoo ay hada muuqato in hogaamiyaashaasi ay markii ugu horeysay wax ka bedaleen siyaasadoodii tanaasul la'aanta ahayd.

 

Waxaana xusid muddan in tii ay xubnaha ku sugan Muqdisho ku guuleysan waayeen arrimo muhiim ah oo kamid ah, Isbaaro Qaadida, Amniga iyo isku dhafka maleeshiyooyinka, qodobadaasi oo noqday kuwo faraha looga gubtay.

 

Halka dhinaca Magaalada Jowhar ka socdeen furitaanka xafiisyo Diblumaasiyeed oo ay furteen Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo waliba Midowga Yurub oo la sheegay in loo gudbin doono codsiyo ah in xafiis uu ururkaasina ka furto Jowhar, codsigaasi oo uu gudbin doono Cali Maxamed Geedi marka uu gaaro Bruxelles.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Xubnaha dawladda ee Muqdisho oo Ogolaaday inay wada hadal ay la bilaabaan Qaybta dawladda ee kusugan Jowhar

- Tuesday, November 15, 2005 at 14:55

 

Muqdisho(AllPuntland)- Xubnaha katirsan dawladda ee kusugan magaalada Muqdisho ee horay u diiday inay tagaan fariisinka kumeel gaarka ah ee dawladda ayaa maanta shir ay ku yeesheen Hotel Saxafi ku tilmaamay inay oggol yihiin inay wada hadal la bilaabaan madaxda dawladda ka tirsan ee fikradaha ay ku kala duwanaayeen.

 

Shirkaan oo saxaafadda loo diiday markii uu socday ayaa gabo gabadiisii waxaa saxaafadda warbixin siiyay wasiiru dawlaha xafiiska raysulwasaaraha C/qaadir Dhaqane wuxuuna tilmaamay in shirkii maanta ay ku yeesheen xubnaha Muqdisho ay ku ogolaadeen inay waan waan u bilaabato qaybta kale ee dawladda ee muranka siyaadadeed ka dhexeeyo.

 

Dhaqane wuxuu tilmaamay in arintaasi uu soo jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo muddo kabadan bil dalka dibadda uga maqnaa.

 

Md: Dhaqane ayaa tilmaamay in qorshahan oo markii hore uu soo bandhigay wasiirka dib u dhiska iyo dib dajinta Barre Hiiraale uu yahay mid ay wada aqbaleen xubnihii shirka isugu yimid.

 

Horay madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf iyo Raysulwasaare Geeddi waxay u ogolaadeen wada hadal walba oo kooxda Muqdisho lagula yeelanayo dalka Soomaaliya isla markaana aysan faraha kula jirin dad ajnabi ah.

 

Haddii arintan laga dhabeeyo ayaa bulshada Soomaaliyeed ay is oran kartaa waxaa muuqata fursad dawladda Federaalka ah ay horay ugu sii dhaqaaqi karto.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golayaasha Muqdisho oo ogolaaday wadahadal gudaha ah oo ay la yeeshaan dhinaca..

 

Muqdisho:-Xubnaha labada gole ee dowladda FS ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta tanaasulaad ka sameeyay mowqifkii ay ka taagnaayeen wada hadal ay la galaan garabka Jowhar ka dib kulan ay maanta ku yeesheen Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

 

Kulankii maanta oo uu shir Gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan isla markaana ay ka soo qeybgaleen xubno ka tirsan wasiirada iyo xildhibaanada dowladda FS garabka Muqdisho oo ay albaabada u xirnaayeen ayaa gabagabadii saxaafada waxaa la hadlay wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isulwasaaraha Cabdulqaadir Dhaqane oo sheegay in xubnahooda ay maanta isku raaceen in ay taageeraan wada hadalo lagu dhameynayo khilaafka labada dhinaca ee dowlada ee ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho, wada hadaladaasi oo lagu qabto Gudaha dalka Soomaaliya.

 

Cabdulqaadir Dhaqane ayaa intaasi ku daray in Gudoomiyaha Baarlamanka uu qorshahaasi xubnaha Baarlamanka u soo bandhigay isla markaana ay maanta isku raaceen oo ay ansixiyeen in wada hadal ay la galaan garabka dowladda FS ee ku sugan Jowhar, isagoo arintaasi ku tilmaamay mid farxadgalin karta qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uu sheegay in ay iyagu horey u aamin sanaayeen wada hadalo uu waday Francois Fall isla markaana ay arinta maanta ansixiyeen ay shardi ka dhigteen garabka dowladda ee Jowhar ku sugan.

 

Waxa uu sheegay in dhowr mar ay diidmo ka muujiyeen wada hadalo la doonayay in lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeyo, isagoo intaasi ku daray in wada hadaladaasi ay ka soo qeybgali doonaan beesha caalamka, taa macnaheedu aanu aheyn in ay isaga dab qaadayaan labada dhinac ee ay tahay in ay goobjoog ka ahaadaan heshiiska labada dhinac ee dowladda FS.

 

Cali Cabdi Cali (Suxeyfa)

alisuheifa@hotmail.com

alisuheifa@yahoo.com

Waayaha,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this