Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga

Recommended Posts

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka qaybgalay shirka caalamiga ah ee 12aad ee International Berlin Gathering

 

berlinucidbg8.jpg

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka qaybgalay shirka

caalamiga ah ee 12aad ee International Berlin Gathering 13-15 June 2007.

Guddoomiyaha oo magaalada Helsinki ka ambabaxay Isniintii 11-kii June ayaa

dalka Jarmalka ku tagay martiqaad rasmiya oo uu ka helay masuuliinta

qabanqaabinaya shirkan caalamiga ah ee sanadkiiba mar ka dhaca dalkaasi

Jarmalka halkaasi oo ay ku kulmaan hogaamiyeyaasha caalamku.

 

 

Shirkan oo uu qaban-qaabiyo baarlamaanka federaalka ee dalka Jarmalka

(German Bundestag) waxa kazoo qaybgala hogaamiyeyaal dunida caan ku ah oo

waxaana kamid ah kuwa sanadkan imanaya madaxweynaha Uganda H.E Yuweri

Museveni, madaxweynihii hore ee Burundi Mr. Pierre Buyoya, kuwo kamid ah

Raisal Wasaarayaashii hore ee Jarmalka oo ay kamid yihiin Dr. Manfred

Stolpe, Prof. Lothar Spنth, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sudan H.E. Ibrahim

El-Taher, madaxweyne xigeenkii hore ee Congo iyo wasiiro iyo xildihbaanno

tiro badan oo ka socda baarlamaanka iyo dawladda federaalka Jarmalka.

 

 

Cinwaanka shirka ee sanadkan oo ku saabsan Masuuliyadda Aadamaha Saaran iyo

Xurmada Sharafta Aadamaha ayaa lagu lafagudoonaa khilaafyada iyo

dhibaatooyinka ka taagan adduunka khaas ahaan Afrika. Guddoomiye Faysal Cali

Waraabe ayaa ah hogaamiyihii ugu horeeyey ee Somali ah ee shirkaa ka

qaybgala. Eng. Faysal ayaa borogramka ku leh wakhti uu kaga waramo

dhibaatooyinka ka taagan geeska Africa isaga oo qaddiyadda Somaliland xoogga

saaridoona sidii ay adduunka uga helilahayd garawshiiyo u dhigma horumarka

ay ku tallaabsatay.

 

 

Gebagebada shirkan ayaa laga soo saaridoonaa war-murtiyeed lagu fidin doono

goleyaasha caalamka looga taliyo.

 

 

qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this