Abdi2005 Posted July 26, 2006 Warar goor dhoweyd aanu ka helnay xaruntii hore ee Villa Somalia oo ay 16-kii sano ee ugu dambeysay gacanta ku hayeen maleeshiyooyin ka amar qaadan jiray isbaheysigii SNA ayaa maanta si nabdoon loogu wareejiyay golaha maxkamadaha islaamiga ee Muqdisho. Wareejinta Villa Somalia ayaa ka dambeysay kadib wadahalo xiriir ah oo maalmihii tegay u soconayay mas'uuliyiinta isbaheysiga SNA iyo kuwo ka tirsan maxkamadaha midoobay ee Muqdisho, waxaan galabta lagu guuleystay in hubkii iyo furayaashii Villada ay wareejiyaan taageerayaasha wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisal wasaare kuxigeenka dowladda Xuseen Max'ed Faarax Ceydiid, waxayna wararka qaar sheegayaan in Xuseen Ceydiid uu la socdo la wareegida Villada ee maxkamadaha. Ku dhowaad 10 ka tirsan gaadiidka Tiknikada ee maxkadaha ayaa galabta galay gudaha Madaxtooyada iyadoo aysan jirin cid ka hor timid, waxaana sidoo kale wararka tilmaamayaan in inta badan hubkii ku jiray Bakhaarada Villa Somalia horey loola sii baxay. Si rasmi ah looma shaacin tirada gaadiidka lagala wareegay taageerayaasha isbaheysiga, waxaase xaruntaasi dhex yiilay hub faro badan oo ay ka mid ahaayeen gaadiid Beebe-yaal ay Xuseen Ceydiid uu sanadihii 1998-di kala wareegay ciidadii Oromada ahaa ee Muqdisho yimid iyo weliba Tikniko dagaal oo aad u tiro badan. www.harardhere.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 26, 2006 If this is true, a shameful era has indeed come to an end! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sophist Posted July 26, 2006 Insha Allah Justice will prevail. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted July 26, 2006 ^Waa arin aad ay umada Somaliyeed meel kasta ayjoogto ay soo dhawaynayso! Quote Share this post Link to post Share on other sites